Q O R A A L
H o r d h a c
S o o c a n e
Dagaalkii HJ
Buney Cabdalle
Dilkii Looya
Dilki G Garomed
Nabadaynti Biciide
Colaaddii Rer Dahir
Dilkii Yonis Ibrahim
|
Kite Fiqi
(1810 - 1870s):
Qaybta
9aad
Dilkii Yoonis Ibraahim &
duullaankii ugu danbeeyey
Habar Yoonis oo Reer
Ammaan Diiriye Sugulle isku dubbariteen awood iyo dhaqaalena is biday
ayaa diiday inay Habar Jeclo ka cabbaan ceelasha Burco iyo Beer. Beesha
Reer Daahir oo Habar Jeclo ugu galbeedaysa ayaa arrinkaa gardarro u
arkay oo ganafka ku dhuftay. Habar Yoonis iyo ciidankii saldanadda cusub
waxay diidmadaa kaga jawaabeen weerar ay geel badan kaga dhaceen Reer
Daahir, rag qiimo badan oo uu ku jiro nin lagu ba'ay oo Yoonis Ibraahim la odhan
ku jireyna
intay qabteen ayay dileen. Yoonis Ibraahim si foolxun ayaa loo dilay oo
waa la dhufaanay taasoo sababtay in dilkiisa Habar Jecloba ka cadhootay.
Abbaanduulayaashii
Reer Daahir ee Seed
Cawed, Jaamac Xaashi iyo rag culus oo ay hoggaaminayaan ayaa Reer Yoonis
oo Kite Fiqi abbaanduule weli u yahay qaylo-dhaan kula dhacay.
Geeraarradii iyo gabayadii maalintaa Seed tirinayey wax badan lagama hayo waxad se
mooddaa in wixii dhacay geeraarkan aan dhammayn ee Seed Cawed Sardheeye
tiriyey uu ku dhan yahay.
Xayoow Yoonis Ibraahin
Waa maantay xayireen
Xiniinyii ka jareene,
Xigaaloow nala kac!
Waa maantay
Xerya-gaallo
Xayndaab nooga dhigeene
Xigaaloow nala kac!
Waxaan gaajo la
xoodmay Hadday
geela Xayaab leh
Xigsimaysanayaane
Xigaaloow nala kac!
Marka Seed
iyo Jaamac Xaaji Reer Yoonis u hiil doonteen waxa la sheegaa inuu Dirir
Guutaale oo ciidamada Habar Yoonis ku soo socda qiyaasayaa inuu ku
geeraaray:
Sidii neef la bireeyoo
Buuxsinkii laga qaaday
Badhyaweyn Habar Yoonis
Neefkan baasaha raacay
Intaan soo boganaayo
Ha ii sii bahardaaddo!
Falka
dhufaanidda, dhegagoynta, indha-ridka iyo xadgudubyada la midka ahi
waxay ahaayeen dhaqanka galbeedka Isaaq iyo Ogaadeen laga yiqiin,
deegaannada bariga se laga qariibsado. Falkan foosha xun oo Habar Jeclo
oo dhammi ka cadhootay aad ayuu uga sii cadhaysiiyey abbaanduule Kite
Fiqi Yuusuf iyo beeshiisa oo waagaas deegaannada woqooyiga ugu awood
badnayd.
Markii warbixintii oo buuxdaa dhacay
ayuu Kite Fiqi isku dubba riday ciidan uu duuliyo kii ugu tirada badnaa,
noqonna doona dagaal uu galo kii ugu danbeeyey. Xilligu waa intaan
Ingiriis carrada iman oo qiyaas ahaan ku beegan 1870kii, waxa lagu
dagaallamayaannna waa warmaha xiiraya iyo hootooyinka saanucu tumay.
Kite tolkiisa hiilka ugu yimi wuxuu niyadda ugu dejiyey geeraarkan soo
socda:
"Hadda ways arki
waydey Afkana
waa isu taagtaye
Haddaan oofta galbeedka
Waayo layga aqoonsanoo
Nin awoodle la gaadhin,
Haddaan Daahir la eedin
Ilmaadeer ma wadaagno
Anna laan adag miihi.
Colaaddaa la unkaayee
Isaxaaqi galbeediyo
Gunbuur soo ololaayo
Reer Xuseenna u oomay
Ma iyagaa Ilma Nuux
Uun kaleeto ka beermay
Maanigaan arkihayn
Maanigaa ka agnaana
Maanigaa ka abliita
Oodda maan kaga qaado.
Guluf baad aragteene
Haddaanan guuto aloosan
Alifeyn iyo shii’ ah,
Odayuu taliyeenoo,
Abbaanduule wato,
Kob ilaali qureedday
Ku iftiimin salaadda
Ilmaadeer ma wadaagno
Anna laan adag miihi.
Haddaan Eexiyo Cayniyo
Ogaadeen laga naadinoo
Mataanaa afka joogiyo
Burco oon laga dooran
Awrtana Tuuyo la dhaafin
Oonan xoolo itaal leh
Albaab laysugu keenin
Ilmaadeer ma wadaagno
Anna laan adag miihi..
Haddii aan aqal weynoo
Gurgurkii la
adkeeyey Udbaa
loo bixinnin
Ilmaadeer ma wadaagno
Anna laan adag miihi.
Haddaan oori wanaagsan
Oohin waayo ku raagin
Isir baanan ahayn.
Sida
geeraarka ku cad, wuxuu Kite ciidankii uu isku dubba
riday ku tilmaamayaa 2000+ (Alifeyn iyo shii’). Waqtigaa
waa yaraa ama ma jirin reer awooday inay intaasoo
ciidan ah isu keenaan. Kite Fiqi wuxuu ciidan dhuroba wuxuu diyaariyey
ciidan daad lagu masaalay oo ka kooban
Danwadaag (Rer Yoonis, Cumar, Bahmajeelo,
Idarays Muuse) iyo Barre Adaraxmaan qaarkiisa ay oodwadaagta ahaayeen.
Markii Kite ciidankii dhaqaajiyey ayaa Jaamac Xaashi oo aad ula cajabay
badnaanta iyo nidaamka ciidanka raacba-raac ka danbeeyo ayaa ku
maansaooday;
“Maalintii col la
sheego
Curaddadii Ilma Yoonis
Ee rag cadaadin yiqiiniyo
Biciidii Cobol joogiyo
Kitoo Caynab ku joogiyo
Cumarna waa marayaaye
Haddaan guuto
cillaalan Berri
Ceelxume geeyo
Candadii Habar Yoonis
Cagta sow mari maaha.”
Habar
Yoonis markay ka war heleen ciidanka hirka lagu masaalo ee ku soo fool
leh ayay geelii qaxiyeen, difaacna waxay ka galeen deegaannada u dhow
Burco oo aan markaa magaala ahayn ee ahaa ceelal geelu ka cabbo. Dhawr
kun oo ciidan ah oo abbaanduulihiisa uu Kite Fiqi lahaa ayaa Habar
Yoonis lagu ekeeyey, raggii kibirku hodayna waxa la wadhay Burco iyo
agagaarkeeda. Markii ciidankii la muquuniyey ee geelii Habar Yoonis Beer
iyo Burco laga waayey ayaa Ceelxume iyo Oodweyne caasha la saaray.
Abbaanduulihii caanbaxay ee Cabdi Fadal ayaa markii
Oodweyne la gaadhay ee geelii laga waayey ayuu maalintaa yidhi;
Beeri waa qoobka
fardaa Burcona
waa ceel qalqalaad
Oodweynoow qallalloow
Illeen geelu ma quuto.
Geel ciidan xooglihi fardo ku goobayaa isma qariyo’e Habar Yoonis
baa xeryaha loo soo madoobeeyey oo geel iyo gammaan waxay hayeen ayaa
Habar Jeclo soo dareersatay. Ciidankii intaa kuma ekaane waxa iyana la
galay reero Maxamed Ciise ah oo deegaanka woqooyiga Burco ka dhawaa.
Geeraarradii uu Kite Fiqi tirinayey waxa ka mid ahaa:
“Soddohdii laba
Muusiyo Reer
Xuseen ida saartiyo
Reer Caynaanshe sikiiriyo
Reer seenyoone Cabdi,
Sagaalkaa odayaable
Markaan seefta u qaaday
Igu siinad xumaa"
Abbaanduule Reer Ammaan ah oo magaciisa aanan weli xaqiijin ayaa
dagaalka uu Kite ku qabtay, faraskiisiina waa mulkiyey. Kite
abbaanduulayaasha iyo dadka uu qabto ma layn jirin ee wuxuu u gacan
geliyey nimankii Cumar Daahir ee Jaamac Xaashi iyo Seed Cawed.
Abbaanduulaha la qabtay waxa la weydiiyey saddex arrimood ahaa
1.
Ma ku fekertay geelii reer Sugulle ee Cawaagta (Summad) lahaa ayaa rag
dareersan doonaan?. Wuxuu ku jawaabay "maya".
2. Ma is tidhi adoo reer Ammaan ah oo awoodda intaa le'eg isku
dubbaritay ayaa Habar Jeclo ku qabanaysaa?. Markaasuu yidhi "maya".
3. Ma kugu soo dhacday Habar Jeclo oo ku qabatay ayaa ku bixin doonta?
Taasna "maya" ayuu
abbaanduuluhu kaga jawaabay.
Abbaanduulahaas halkaasaa lagu sii
daayey, maalkii la soo moora-duugayna waa la qaybsaday.
Falkii lagula
kacay Yoonis Ibraahin ma noqon mid la mahadiyo ee wuxuu dhaliyey in
aakhirkii Habar Yoonis baryo ku cabto ceelkii ay muddo yar ka hor Habar
Jeclo uga dhaarteen. Muusannawgii ka dhashay
Yoonis Ibraahim iyo
mashaqadii ka danbaysey ee ciidankii Kite Fiqi abbaanduulkiisa lahaa waxa gabay abwaankii weynaa ee Dirir
Warsame (Yeesif) oo yidhi:
Geelaa
Dixaha miranaya, een lagu mannaagaynin
Aad midabka mara Suuli ah, iyo macawis aad
mooddo Ninna
kama maqnaadeen haddaan, maylka loo tumane
Waxa Ciisa Muusaha
makalay muhashadiisiiye
Qoyan waxay maraaraha u kori waa miciin li'iye
Mergiyada kuwii lagu jaraa muusannow dhigaye.
Burcona moosin iyo bay
ahayd malabki doocaane
Ma maggaabiyaan reer Xirsigii laysku mawtiyaye
Nimankii makaawiga ahaa miidhi reer Sugulle
Mi’ateyn miyaa laga makalay wada maraakiiba
Nabadii mishiiqsiga
ahayd ma u macaanaynay
Ma maroodigii baa arlada midab kaluu yeelay
Miyaa muusannowgii ku baxay
Yoonis magiciisa
Toljecluhu ninkii maag
is yadhi waa muslimiyaaye
Minjahaa Isaaq siman yahayee muruq u roonaaye
Giddi Habar Magaadleba colaad midigta maw
saarnay.
Markii uu soo gebagaboobay dagaalkii deegaannada
Burco ee uu sababay dilkii Yoonis Ibraahim, waxa gacanta Habar Jeclo
galay deegaan iyo xoolo laxaad leh oo geel iyo gammaan leh. Xoolihii
goobta marayey waxa ka mid ahaa faras dhib weyn abuuray oo uu furtay
abbaanduulihii ciidanka Habar Jeclo oo ahaa Kite Fiqi. Dagaalkan muddo
aad uga horraysay ayuu abbaanduule Kite Fiqi oo faraskiisii Haliil la
hadlayaa yidhi:
“Marka waagu hagaagee
Higta weerar dhacdee
Hebelloow la yidhaahdo
Hormasaartiyo boob
Kolla waanad hurayne
Haddaadan wiilka haweysan
Eee hubkiisii la diyaara
Anaa haadka cunsiinne
Halkuu joogo i geyn
Oodan neef hab wanaagsanoo
Daruur hoortay la moodoo
Heensihiisa la yaabo
Halyey wiila ka xoorinoo
Haliiloow dhacsannin
Wallee haybis danbeetiyo
Hawshaduu noqon maayo.”
Kite
Fiqi wuxuu ahaa nin istaraayijiyada dagaalka Soomaalida ku xeeldheer oo
ciidanmada ka soo horjeeda taliska ka abbaara, dagaalkanna sidaa uu
geeraarka kore ku sheegay ayuu sameeyey oo wuxuu furtay faras gammaanka
ka sheeggan oo uu lahaa abbaanduulihii ciidanka Habar Yoonis.
Jaamac Xaashi oo Abokor Cumar/ Reer
Daahir ahaa ayaa markuu arkay faraskii Dhoorre la odhan jirey ee Kite
furtay waxa galay damac, wuxuuna ku dedaalay in faraskaasi
gacantiisa soo galo. Jaamac Xaashi wuxuu ahaa nin fardo yaqaana
faraskanna malaha taariikhdiisa la socda ee wuxuu Kite Fiqi ka codsaday
inuu faraska siiyo, geel, gammaan iyo gabdhna waa u ballan qaaday. Sababo badan dartood, Kite Fiqi way la ahaan wayday inuu
faraskii uu gacantiisa ku furtay sahal ku bixiyo, codsigaa kaga yimi
Jaamac Xaashina wuu ka cudurdaartay.
Waagaa farduhu waxay ku
jireen halka maanta hubka teknikada ahi ku jiraan, weliba farduhu iskuma
jiraane sengayaashaa sheeggan qaarkood dhawr boqol oo halaad baa lagu
diidi jirey tusaalena waxa innagaga filan faraskii Xuseen Xasan Rooble
Suldaan oo uu 100 halaad ku diiday. Jaamac Xaashi diidmadii Kite kuma
ekaane wuxuu ka soo wareegay musdanbeedkii ciidanka reer Yoonis, siiba
wuxuu abbaaray Maxamed Faarax (Maxamed Tunbuur) oo ay xidid meel ka
ahaayeen.
Tunbuur oo ka mid ahaa
musdanbeedka beesha reer Yoonis wuxuu ahaa halyey sifooyin badan oo
wanaagsan kulansaday, beeshiisana magac iyo maammuus ku leh waxayna wada
dhasheen halyeygii Cawed Faarax ( Cawed Dooyo) oo isna taliska iyo
kubarada reerka ka mid ahaa. Tunbuur dhan wuxuu ka ahaa halyeeyadii
Soocane ee safka hore, dhanna wuxuu ka ahaa nin wadaad ah oo inta uu
weysadiisa biyeysto goob kasta oo Habar Jeclo isku khilaafto
dhexdhexaadin la taagnaan jirey. Wuxuu ahaa nin nabadda ka shaqeeya,
kelmedaha illaa maanta lagu xasuustana waa “Weysadii Tunbuur” ee dhanna
weysada qaadka uu u watay, dhanna sahayda biyaha dhulka uu u dawaafi
jirey inuu islaaxiyo. Tunbuur sifooyinkaa wanaagsan ee uu lahaa Eebbe
waa uga abaal guday oo manidiisiii baa Ilaah u barakeeyey. Tafiirtii
Maxamed Tunbuur maanta 4,000 oo qof bay in badan kor u dhaaftay.
Kite Fiqi oo xoolo badan iyo xiloba loo soo bandhigay wuu ka
cudurdaartay mar kaleinuu faraska laga codsaday dhiibo, halkaana waxa ka dhashay
hadallo duulduulay oo iska hor imaad abuuri gaadhay. Tolnimada iyo
walaalnimada ka sokow reer Faarax iyo reer Fiqi Yuusuf aad bay isugu
dhawaayeen oo dagaalkan muddo bilo ka horraysay ayaa Maxamed Tunbuur iyo
Abokor Fiqi Yuusuf oo Kite la dhashay, isla markaana ka mid ahaa culimada
waaweyn ee reerku xaramka isu raaceen si ay waajibka Alle u soo gutaan.
Abokor Fiqi oo saamayn culus ku lahaa Kite Fiqi safarkaasi markuu Yemen
iyo Xaramka dhexdooda marayo ayuu geeriyooday, Tunbuurna wuxuu ahaa
ninkii Abokor Fiqi dhuunyay ee bud dhigay.
Kite Fiqi
oo ahaa abbaanduule waaya arag ah wuxuu dareensanaa in farasku huwan
yahay guushii goobta iyo mahadhada taariikheed ee aynu maantaba hadal
hayno ee dagaalkan lagu xasuusan doono. Waxa taa u dheerayd in neefku
gammaanka ka sheeganaa oo boqollaal geel ah ka qiima badnaa oo uu ku
xisaabtamay in farasku berito deegaamadooda geli karo!
Kite oo ku
adkaystay inaanu faraska bixin, dhanna uga murugoonaya walaalkii Abokor
iyo Warsame Faarax oo maalmahaa geeriyooday ayaa ku geeraaray.
Ninkii xaadda lahaa
iyo Xaakinkiiba
la waayoo
Xilihii naga dhaarte
Oo xalaaloobe hablii.
Isagoo
Faraskii la hadlayana wuu sii wadayoo yidhi:
Waryaahee
Xamar Dhoorre!
Haddii Xaashi yimaaddo,
Ama xoolo la keeno.
Amay oori xalaal ah,
Xariir soo huwiyaan,
Nin ku xoogsade mooyee
Inaanan xaajo ka qaadan,
Xilaabaan ku dalaaqay.
Dagaalkani wuxuu ahaa kii ugu danbeeyey ee Kite Fiqi qaado, muddo
yar ka dibna wedkii baa haleelay.
|
M A Q A L
More
More
More
More
More
More
More
|