Q O R A A L
H o r d h a c
S o o c a n e
Dagaalkii HJ
Buney Cabdalle
Dilkii Looya
Dilki G Garomed
Nabadaynti Biciide
Colaaddii Rer Dahir
Dilkii Yonis Ibrahim
|
Kite Fiqi
(1810 - 1870s):
Qaybta
6aad
Dilkii Geelle Garoomeed
Qormadii hore waxaynu kaga soo
sheekaynay abbaanduulihii caanka ahaa ee Geelle Garoomeed iyo dagaalkii
dhexmaray ciidankiisa iyo ciidankii Kite Fiqi. Dagaalkaas muddo ka danbaysay ayaa Geelle oo ciidan badan wataa ku duulay Axmed
Garaad,Dhulbahante oo meesha Tuuro la yidhaahdo dangiiga, geeluna
Caynaba iyo Ceeldhaab uga cabbo.
Ciidanka Geelle oo dhawr goor oo
hore Dhulbahante iyo Ogaadenba u dhacay markan inta laga digniin helay ayaa loo
diyaargaroobey oo dhan kasta ciidan lagaga keenay, isagii iyo rag badan
oo uu ku jirana waa la dilay. Geelle abbaanduule magac weyn ayuu ahaaye
markii isaga iyo ciidankiisii badankoodii geeri lagu hubsaday ayay
Dhulbahante ku gabyeen inay Isaaq dhaawac aanay beryo ka soo kabanayn
gaadhsiiyeen. Nin Samatar Rogane la odhan jirey oo afarreyda yiqiin ayaa
gabay ku cabbiray khasaaraha ay geysteen, isagoo libin-gabyayana ku
maansooday:
Wallee reer
Isaaq kama bogsado burunjidii Geelle
Wallee baaba’aan maanta baday beerku ledi
maayo Boqol sano
wallee sooma dego bananka Tuuruuska.
Markii warkii dilka
Geelle faafay nacabka iyo ninkii uu ciilayba waa farxeen, gacalna waa ka
murugooday. Markii Reer Yoonis ka war helay dilka abbaanduulahaas weyn waxa la sheegaa
inuu Kite Fiqi madaxa qabsaday, cabbaarna murug darteed madixii iyo
gacmihii isu daayey. Kite iyo Geelle inkastoo dirir u dhaxaysay misana
laba hoggaamiye oo wax badan oo tolnimadu ugu horraysaa ka dhexeeyeen
bay ahaayeen. In kastoo rag dhawr ahi ka soo horjeesteen misana Kite
Fiqi iyo taliskii Reer Yoonis waxay go’aansadeen in Geelle Garoomeed loo
aaro inta dhiiggiisu qoyan yahay. Wuxuu ahaa go’aan Reer Yoonis ka
soocaya beelihii kale ee Isaaq ee deegaanka halyeyga lagu dilay ka ag
dhawaa.
Kite Fiqi waxa dhalay Dhulbahantaha dilka geystey
waqtigaasna colaadi kama dhaxayn Reer Yoonis iyo Dhulbahante oo berigaa
deegaan ballaadhan xuduud ka lahaa. Si aan madmadoow u gelin hadafka
duullaanka ayuu Kite Fiqi ciidankiisii amray laba shay.
Waa mide, wuxuu
ciidankiisa faray inay ku dagaal galaan oo ku dhawaaqaan kelmedaha
“Yaa Geelle Garoomeed lahaayeey”. Waa marka labaade wuxu faray in ninka
ay waranka la helaanba yidhaahdaan “Aar Geelle”. Abbaanduule Dhayliqe la
odhan jirey oo Reer Cali Geri ahaa ayaa markuu Kite Fiqi gartay yidhi
“abti sow adinkii Geelle colka ahaa maxaad noogu wacad furteen?” Kite
Fiqi wuxu ninkaa ugu jawaabay erayo caan noqday oo muujinaya inuu ahaa
nin aragti dheer oo meelo durugsan wax ka fiiriya. Kite Fiqi wuxuu
ninkaa ku yidhi;
Inkastuu is gumeeyo,
Ama uu is garaaco,
Isaaq guudka sareeto,
Aniga ii gudboone,
Haddaanan Geelle u aarin,
Oo warmahayga guduudin,
Oo gacmahayga ku daalin,
Duul gumaan ka dhashay!
Axmed
Garaad oo isu dhan ayaa maalintaa cagta la mariyey, waxay xoolo
hayeenna, geel iyo gammaanba, intoodii badnayd waxa la wareegey Kite
Fiqi iyo ciidankiisii. Waxa maalintaa la dilay abbaanduulihii Axmed
Garaadka oo Dhayliqe la odhan jirey iyo rag kale oo culus. Sida la
weriyey, waa maalinta gabadhi Dhulbahante ahi ku barooratay “Alla Geelle
Garoomeedoow gurigaa be’, dhal badanaa!” Markii Geelii Axmed Garaad la
isu soo tubay ayaa Kite ku geeraaray;
Geelan baatirta weyn,
Badankiisa la yaabay,
Nirgii boodhka hurdaan,
Nugaal hoose ku beermay,
Candhadiisa bullaasiyo
Burca taagan la moodo.
Inteeroo boqollaal ah,
Oo balanbeelyo Darmaanoo,
Sida biinta u duushaan,
Bahday maanta u haysto,
Boodoow kaa celin maayo.
Axmed Garaad waxay Kite iyo ciidankiisa ku wargeliyeen inay geela
dhacsanayaan oo lala sugo. Dhaqankii hore ee Soomalida ayay ka mid ahayd
inaan geela markiiba laanta lagu duugin lana saanyin illaa raggii maali
jirey tamari u run sheegto oo ay dhacsan kari waayaan. Kite wuxuu
nimankii ku wargeliyey inuu Ceeldhaab geela kula sugayo, iyaguna waa
ciidan doonteen oo Dhulbantii kale ayay u qayshadeen.
Kite Fiqi
geelii wuxu lix habeen ku negeeyey Rigacad oo Ceeldhaab u dhaw,
haddana Jillab la yidhaahdo, Caynabana wuxuu durduursiiyey 12 maalmood.
Ceeldhaab iyo Caynababa waxa dagaalka soo galay oo ku dhintay
Bahararsame iyo Barkad, abbaanduule Laqaf la odhan jirey oo adhaxda
lagaga jabayna waa ku waayeen.
Sida gabaygiisa ku cad, meesha la yidhaahdo Adhigeyr ayaa Kite laba
habeen oo kale u sii hooyey geelii.
Maalintii 21aad ayaa col reer Hagar
ah oo geela ka daba yimi la isku helay meesha la yidhaahdo Xagi. Dagaal
culus baa dhacay, nimankii geela ka daba yimi ee Reer Hagarna rag xoog leh
ayaa haadka loo wadhay oo hungo ayaa firxadkoodii la gurya noqdeen.
Markii dagaalkii dhammaaday ee aarkii Geelle Garoomeed lagu qancay,
hanaddo magac weyn lahaana u dhinteen ayuu Kite Fiqi oo libin-gabyayaa sawiray sidii wax u
dhaceen:
Nimankii
libaaxii dilee, luqunta soo gooyey
Awalkaa lixaadkiisu jabay, waa ludday maqane
Inaan laayo mooyee si kale waanan ledahayne
Barkadkii likaaciga badnaa lahanki beenowye
Cali Geri ku laafluuf siduu laydh ku soo
dhacaye
Bahararsamena waatuu ku lumay Laqaf colkiisiiye.
Ceeldhaab lalabihii
haddaan, lix ugu hoynaayey
Caynaba haddaan labiyo toban, uga ladaabsiiyey
Adhigeyr hddaan laba habern laasim uga yeelay
Dadku kala lafweynsane hadaan, laayey Hagar
Aadan Oon
Xagi-Garaad kula legdamay libin miyay seegtay.
Lix kun iyo lag mooyee
haddaan, guluf ku leexeeyo
Senge laqana mooyee haddaan, lugo ku soo duulo
Lufankiinna soo hadhay haddaan Laasane u daayo
Lafta Muuse kama dhalan haddaan garanta kaa
laabo.
Abwanka Shawle Xaaji
Jibriil oo sifaynaya dagaalka hore ee Rigacad ka dhacay ee muddada 160ka sano ka badan laga
joogo waxa gabay uu tirshey ka mid ahaa;
Kite Fiqi markuu guutadii kor u ragaad saaray
Ridada waranka “Aar Geelluhuu” boqolka
raacsiiyey Reer
Yoonis waa ficilo uu, raatib u lahaaye
Rajiistaraha taariikhda so raad ku qoran
maaha!
Abwaankii kale ee Ismaaciil Xalleef
(IHUN) asna waysagii geeraar uu waa hore tiriyey ku sifeeyey
dagaalka danbe ee Xaga-Garaad (Xagi):
“Cishadii Xagi-dii
Cusaybkii Hagar Aadan,
Kite goob ku casheeyey,
Waa markhaati caddaana!”
|
More
More
More
More
More
More
|