Q O R A A L
H o r d h a c
S o o c a n e
Dagaalkii HJ
Buney Cabdalle
Dilkii Looya
Dilki G Garomed
Nabadaynti Biciide
Colaaddii Rer Dahir
Dilkii Yonis Ibrahim
|
Kite Fiqi
(1810 - 1870s):
Qaybta
7aad
Heshiisiintii Faarax Biciide ee Bohol-yar
“Ba farooyadii kala tagtee, tobanba meel aaday
Togga Bohol-yareed
maalintii, taandho laga yeelay
Ninkastoo tabdiiddo leh markii, tiir
la qabadsiiyey Tolnimiyo wanaaggii la helay waa tabtii weliye.”
——Axmed Rooble Buraale (Axmed Carab)
Halkan guji : Dagaalkii Faarax Biciide.
Qabyaaladda Soomaali isku
halaagtay waa mid indha la’ oo shaydaan usha u hayo, xad iyo xuduudna aan
lahayn. Qabyaaladdu sida ay u socoto waxay dadka geyeysiisaa in labadii
aabbe wada dhalay bah-bah isu colaadsadaan, isuna curyaamiyaan.
Dagaal foolxun oo soo noqnoqday ayaa dhexmaray Axmed Faarax iyo Iidle
Faarax oo ka mid ah beelaha ugu tunka weyn Biciide Yoonis.
Indha
Aarre wuxuu ahaa nin Boqor ah oo Habar Jeclo Bari iyo dadka ku hoos
noolba u talin jirey. Boqorku wuxuu dadka ka qaadi jirey cashuur taasoo
ninkii xoolo lihina uu geel u bixin jirey, kii safar magaalo u
yimaaddaana timir ku gudi jirey. Reer Iidle oo ay beesha boqorka isku
bah yihiin (Ba Farooyo) ayaa diidday cashuurtii boqorka, Indha Aarrena
wuxuu taa kaga jawaabay erayadii raadka reebay ee ahaa
“Timir la
waayaaba tawsi korodhay.” Dagaal aad u ba’an oo boqorkii Indha Aarre iyo
rag kale oo culus oo labada dhinac ahi ku naf waayeen ayaa beeshii
Boqorka oo Axmed Faarax ah iyo reer Iidle dhexmartay, dhawr jeer oo la
dhexgalayna nabadii way ka dhega adaygeen.
Beesha Axmed Faarax
ayaa weerar saf balllaadhan ah ku qaadday beeshii ay walaalaha ahaayeen,
reer Iidlena waxay ciidan hayeen bay masraxa dagaalka soo tubeen.
Ciidankii Soocane ee Reer Yoonis oo Kite Fiqi wato ayaa labadii beelood
kala dhexgalay Ilaahayna dartood ku baajiyey dil iyo darxumooyin kale oo
ka dhalan lahaa dagaal sokeeye. Axmed Faarax oo weerarka lahaa ayaan
jeclaysan dhexgalka beesha Reer Yoonis, abwaankii geesiga ahaa ee
Xujaale Axmed Muuse waxa gabay uu tiriyey ku jirtey:
Kobta Sabar, waraabaha kebdiyey, keli ahaan
maayo Nabad aan
kal iyo laab ahayn, laygu kari maayo
Abtirsiimihii kala kab-go’ay soo kabkabi
maayo.
Dedaal badan ka dib, Axmed Faarax aakhirkii waa
qabsoomeen, nabadii tolkood u wadayna waa ogolaadeen. Musdanbeedkii Reer Yoonis dagaalkii
markay joojiyeen ayay geedkii nabadda u gogleen sidaana ku dhexgaleen
labadii beelood ee shaydaanku is tusay.
Buruudkii Warsame Aadan: Gobtu abaalka
loo galo ma illowdo ee abwaan Axmed Salaan la odhan jirey oo waayo danbe
ka sheekaynaya tolnimadii Reer Yoonis maalintaa muujiyeen waxa gabay uu
tiriyey ka mid ahaa:
Markay
baarqabbaddu caranayeen buunka karinaayey
Berigaaba Reer Yoonis baa baawarka lahaaye
Booddada sengaha uguma tago baqalka naaxaaye
Buruudkii Warsame Aadan bay badi ka yaabeene
Bartii uu turqaday Ina Kidaar looga kala
baydhye
Aadmiguba waatuu ka baqay beledi reer Khayre.
Rag dhawr ah
oo Warsame Aadan, Cabdi Kidaar iyo Cawed Dooyo ka mid ahaayeen ayaa
gartii labada reer lagu dhexdhexaadiyey doorkii ay ku lahaayeen laga
xusi karaa, Kite Fiqina dhiig joojintii iyo fulintii go’aammada
musdanbeedka ayaa lagu xasuustaa. Warsame Aadan wuxuu ahaa ninkii riday
xukunkii “Xeerkii duudsiga” oo Reer Yoonis caan ku noqday, sida la
sheegona markii ugu horraysay uu Cali Galaal (Reer Yoonis) u kala qaaday
Ciise Muuse & Sacad Muuse colaaddii lagu dilay Cag-geel. Xeerkaa
duudsiga Reer Yoonis beelo dhawr ah oo dil culusi kala gaadhay ayuu u
kala qaaday waana lagu nabday.
Xukummadii maalintaa dhacay waxa
kaloo ka mid ahaa in Axmed Faarax loo xukumay deegaannada Beeyada ee Ba
Farooyo lahayd.
Waa taariikh waafi ah oo ka markhaati kacaysa
qiimaha ay beesha Yoonis Adaraxmaan ku dhex lahayd Habar Jeclo iyo
dhammaan durriyadda Sh Isxaaq ku abtirsata. Waa qaliil beel isu dhan oo
dhan kasta oo nolosha geyiga Soomaalida ka mid ah - colaad iyo nabadba -
saamayn ku yeelatay, haddii se hal kelmed lagu mataanaynayo beesha Reer
Yoonis waxay noqonaysaa “hiil” aan shuruud lahayn.
|
More
More
More
More
More
More
More
|