Q O R A A L
H o r d h a c
S o o c a n e
Dagaalkii HJ
Buney Cabdalle
Dilkii Looya
Dilki G Garomed
Nabadaynti Biciide
Colaaddii Rer Dahir
Dilkii Yonis Ibrahim
|
Kite Fiqi
(1810 - 1870s):
Qaybta
4aad
Qabashadii Cabdalle Cumar (Afxakame aabbihii)
Reer Yoonis & Maxammuud
Garaad
Qaybtanna waxaynu kaga sheekayn doonnaa dagaal
qadhaadh oo dhexmaray ciidamaddii Reer Yoonis ee uu Kite Fiqi
abbaanduulaha u ahaa iyo ciidan Max’ud Garaad (Dhulbahante) ah oo uu
hoggaamiye u ahaa Cabdalle
Cumar oo dhalay abbaanduulihii
la odhan jirey Faarax
Afxakame.
Waddammadii Ka qayb
galay dagaalkii 2aad ee aduunku markii xarbigii dhammaaday ee ay
ciidamadoodii guryo-noqdeen waxa bilaabmay xilliga gaaladu u bixisay
“baby boom” oo caruur badani calool gashay. Soomaalidu waxay leedahay
xillli kaa u eeg oo ay abaaro riiqdheeraaday Ilaahay nimco u xejiyey si
aad ahna ay u tarmeen, xilligaas oo ku aaddanaa dhammaadkii
qarnigii 18aad iyo bilawgii kii 19aad. Reeraha
laandheeraha sheegta ee Soomaalida intooda ugu badani xilligan ayay
hanaqaad noqdeen waxanna tusaale u soo qaadanayaa beesha Maxamuud Garaad
siiba Naaleeye Axmed oo markii hore ahaa dadyar oo reerka Yaxye la
yidhaahdaa u talin jirey.
Cabdalle Cumar Cali Naaleeye oo
xilliguu noolaa ka mid ahaa ragga u taliya Maxamuud Garaad waxa dadkuu
dhalay ka mid ahaa Faarax Cabdalle oo Afxakame ku magac dheeraa. Xilli
ku dhow 1850 ayaa Cabdalle oo ahaa abbaanduule shirraban ay ceel ku
kulmeen Kite Fiqi Yuusuf. Waa niman aan war isku seegganayn hayeeshee
markii u horraysay kulmaya ee waxa hadalladii dhex maray ka mid ahaa in
Cabdalle weydiiyey xilliga uu soo beego, Kitena wuxuu u celiyey inuu soo
beego marka reerahoodu dooxooyinka geelu ugu dhalo ee ay naqa ka
daaqayaan. Cabdalle wuxu Kite weydiiyey waxa uu falayo hadduu
dooxooyinka ka qabsado, Kitena wuxu u celiyey inuu toggagga dooxooyinka
haba uu dib ugu guranayo. Cabdalle oo kalsooniyi ka muuqataa mar kale
weydiiyey waxa uu yeelayo hadduu togagga ka fadhiisto, Kitena
istraatijiyadiisaba ma qarin ee wuxu yidhi afaafka buuraha ayaan dib ugu
guran halkaa ciddii iigu timaaddaana nabad kaga laabmimayso. Waa niman
isku kalsoon oo aan waxba kala qarsanayne doonaya inay hadhcad kala
baxaan oo midkood la muquuniyo.
Cabdalle Cumar awoowgii iyo
awoowgiisii 2aad oo Naaleeye Axmed ahaa mid waliba dhawr iyo toban wiil
buu dhalay oo rag door ah ayaa u ciidan ah, Max’ud Garaad oo dhanna waa
uu watay. Muddo ka dib ayuu Cabdalle Cumar oo ciidan
Dhulbahante ah oo xoog leh wataa galay beesha Kite Fiqi oo nabad iyo
naq roobaad ka daaqaya dooxooyinka Jarato iyo Gomosh. Dagaal qadhaadh
ayaa dhacay waxana jabkii laxaadka lahaa ee ciidammadii duullaanka ahaa
soo gaadhay ka markhaati kacaya in nolol lagu qabtay abbaanduulahoodii
Cabdalle Cumar iyo rag uu ku jiro.
Kite Fiqi sida uu ka yeelay
Cabdalle ayaa u markhaati ah inaanu ahayn nin dadka iska laaya ee dhawri
jirey xuduudaha Alle oo ah meesha gobannimo oo dhammi isugu
biya-shubato. Ciidankii jabay firxadkoodii waxay wargeeyeen in raggii
idlaaday, Cabdallena ragga lala hadhay uu ku jiro.
Maxbuuskii la
qabtay reer Yoonis si wanaagsan oo gobannimo leh bay ka yeeleen oo intay
nasiyeen oo u loogeen ayay haylihii uu xidhnaana dhar qiimo leh oo
hoggaamiya u qalma hadiyad u siiyeen. Isaga iyo dhawrkii nin ee la
qabtay inta ciidan lagu daray ayaa ooshii Max’ud Garaad markay gaadheenbay dib uga soo noqdeen. Cabdalle
wuxuu tegey isagoo axankiisii la cunay beeshiisiina ay ciidan rogaal
celis ah ururisay. Abbaanduulihii ciidanka wuxuu raggiisii weydiiyey "
Mar raggii dhintay baynu u soo aarnaa mise gobannimada Cabdalle iyo
raggiisa lagula dhaqmay baynu ka abaalgudnaa", tan danbena waa isugu
daasteen.
Cabdalle Cumar marku
gurya-tegey ayuu isagoo ka abaalgudaya sidii gobannimada ahayd ee laga
yeelay, wuxu amray inay laba nin ka daba tagaan nimankii gurya-keenay oo
u sheegaan inuu doonayo inay xididaan oo uu gabadh siiyey. Cabdalle
gabadhii uu dhalay ee Buney Cabdalle oo ahayd dayixii Nugaal u ifayey oo
nin walba diidday ayuu kula xidaday reer Yoonis waxana halkaa ka
bilaabmay xidhiidh iyo xiditinnimo muddo badan qoysaska labada
abbaanduule u dhaxaysay oo illaa maanta wax ka sii noolyihiin.
Buney Cabdalle oo Afxakame la dhalatay
waxa raggii ay dhashay ka mid ahaa abbaanduulihii ugu danbeeyey ee
ciidankii Soocane oo xilli u dhaxeeya 1912-1913 ku dhintay goobtii
Ilkacad ee Daraawiish iyo Reer Yoonis isku dileen, boqollaalkuna ku
idlaadeen.
Beesha Dhulbahante oo ah reeraha Soomaalida ugu
taariikhda yar ugu se beenta badan waxay faafiyaan in Afxakame nin Habar
Jeclo ah mag kaga qaaday sakaaro uu deegaankooda ka dabtay. Ma ay laha
cid ayaannu dilnay iyo geel baanu dhacnay ee caqligooda marooraa ku leh
ninbaa carro Dhulbahante tegey oo sakaaro aanu dabashadeeda dhaqan u
lahayn dabtay oo mag lagu xukumay ka bixiyey! Afxakame inkastuu nin
geesi ah ahaa haddana waa ninkaa aabbihiis maxbuuska u noqday reer
Yoonis oo taariikhdii iyo tafiirtii ka dhalatay ay maragga u tahay.
Bahdilkii uu ku sameeyey ninka Yaxye (Dhulbahante) ee uu yidhi waan
guursanayaa iyo dirirtii Cali Duullane ayuu Afxakame taariikh lahaa,
reeraha aabbihii badbaadiyey ee Reer Yoonisna iyo Muse Abokorna col ma gelin ee wuu ka
haybaysan jirey.
Dhawr sano ka dib ayaa Buney Cabdalle reerkoodii
u dhibaad doonatay. Markii Buney Cabdalle ay Max’ud Garaad oo aabbaheed
u taliyo gaadhay waxa dhibaaddeedii isu rogtay sidii boqorad la
gelbinayo oo xoolo badan iyo dad
nool ayaa dhibaad looga soo dhigay.
Dhibaaddii Buney Cabdalle waxa ka mid ahaa saddex nin oo kala ahaa
midgaan xoolaha u qala, tumaal , iyo yibir, taafiirtii
nimankaasi ka tageenna weli waa dhaqan yihiin oo reer Cabdalle Gawracane
iyo reer Saqadhi ayaa ka mid ah.
Waxa xilligaa ka hor iyaduna
dhibaad doonatay gabadh Buney walaasheed ahayd oo u dhaxday Biciide
taasoo si caadi ah, asii aan u dhawayn sidii Buney loo dhibaadiyey, loo
qaabilay. Nin Reer Iidle ah oo la odhan jirey Yaaquub Guuleed Cabdi Cismaan
Iidle oo sida labada gabdhood ee walaalaha loo kala dhibaadiyey
saluugsan ayaa gabay ku yidhi;
Barraha raysin-raysin u fadhiya tan iyo
Reenweyne Iyo
nimanka Raariyo degiyo buurta rogedkeeda
Iyamay rakaab adag bideen aniyo Reer Yoonis.
Kite Fiqi jawaabta uu gabaygaa ka bixiyey faahfaahin uma baahna
waxayse ku tusaysaa sida uu abbaanduulayaashii la waqtiga ahaa uga
duwanaa. Kite Fiqi oo ninkaa walaalkii ah u caqli celinayaa wuxu yidhi,
Barraha raysin-raysin u fadhiya tan iyo
Reenweyne Iyo
nimanka Raariyo degiyo buurta regedkeeda
Midna raqiisi maayoo anaan ribo ku sheegayne
Abtirsiimo labadeenna reer waysku raacdaaye
Maxaad raran dhexdeenna uga shidi sow nin raga
miihid!
Haddii ay rabshadi oogantoo belo la roocaadsho
Goormaa rakaab jilicsanaan rag igu quulquulay
Hadmaa deeqi igu raawatay, oo liidno i raacday
Riddadii Wareeg sow ninkii kaaga rogay maahi.
Rig dheh madfaca aan
rakibay, roobadda agteeda
Rashka aan ku daadinahayiyo, liifadda is
raacday Gabay raatub waw dhigi
jirey, ee ra’ iyo laankeeda
Rasuulkii (SCW) ma sheegine intii dabadi raad
qaadday Goormaa
cilmiga ruugistii nalaga roonaaday
An se ma ogi dabaday rag dhalan dunida oo
raagta.
Wareeg waa dagaalkii Muuse Abokor iyo Habar Jeclo
galbeed dhexmaray ee aynu qaybtii tan ka horraysay kaga soo sheekaynay.
Abwaanka Shawle Xaaji Jibriil oo dhibaaddii Buney
Cabdalle ka warramayaa waa kii lahaa:
Kebed raan leh, aqal laysu raro, rara la soo duubo
Haamaha rigrigada leh, dermiyo, raaxo kala
jaada
Dhaqankeenna xididka is rabaa, waysu roon yahaye
Qof dad nool la soo raaciyo, oo raalli lagu
siiyo Reer
Yoonis bay gaar u tahay riba dhibaadeede
Rajiistaraha taariikhda sow raad ku qoran
maaha!
Allaylehe haa, waa taariikh
cadceedda sideeda u cad oo aan muran ku jirin.
|
More
More
More
More
More
More
|