Q O R A A L
H o r d h a c
S o o c a n e
Dagaalkii HJ
Buney Cabdalle
Dilkii Looya
Dilki G Garomed
Nabadaynti Biciide
Colaaddii Rer Dahir
Dilkii Yonis Ibrahim
|
Kite Fiqi
(1810 - 1870s):
Qaybta
1aad
Ibraahim Fiqi Yuusuf Cali Galaal
oo Kite ku caanbaxay, wuxuu ahaa hoggaamiyihii ugu adkaa, uguna muddada
dheeraa guutooyinkii Reer Yoonis ee muddo qarni ku dhow deegaannadooda iyo kuwo
durugsanba saamaynta weyn ku lahaa. Wuxuu ahaa nin ka soo jeeda qoys
culumo ah oo garansanaa xaqa aadanaha iyo xuduudaha Ilaahay, go’aan
qaadashadiisa iyo dhaqankiisana laga dheehan karo. Aabbihii Fiqi Yuusuf
iyo awoowgii Cali Galaalba waxay ahaayeen niman wadaaddo ah iyadoo
kutubtii diiniga ahayd ee Fiqi Yuusuf uu far-guriga uu ku qoray qaarkood
illaa maanta la hayo. Kite Fiqi Hooyadii waxay ahayd
Cabban Maxamed Warsame (Reer
Warsame) oo ka soo jeedday beesha Jaamac Siyaad ee Dhulbahante. Cabban
oo lagu naynaasi jirey Cabban Kibirtey, wax ay walaalo ahaayeen Faarax
Deer iyo rag badan oo tafiir badani maanta ka dhaqan tahay.
Kite
wuxuu ahaa nin aad u caqli badan, aragti dheer, wada tashiga jecel,
go’aan qaadasho leh, sidaa darteed ayaa talooyinkiisa intooda badan
musdanbeedka reerku ugu raaci jireeen. Ma ahayn nin lixaad iyo lafweyn
lagu majeerto ee wuxuu ahaa nin dhuuban oo laga sheegay inuu gabay uu
tirshey ay ku jirtey:
“Malaa
johorad baa igu jirtee jiidh cid kuma deeqo”(1).
Wuxuu u muuqday nin laayaan ah hayeeshee waa ninkii
bixiyey “Dagaal waa xarrago qaadasho”
oo gacantiisa waa ka dhawri jirey
maatada, maganta, iyo birimageydada diinta iyo dhaqanka suubbani
dilkooda mamnuucay. Hogaamiye tudhaale badan oo ragga ay iska soo
horjeedaan markuu gacanta sare ka yeesho si gobannimo leh oo Ilaah ka
raalli yahay ula dhaqma ayuu ahaa. Odhaahdii iyo ficiladii Kite Fiqi ee
uu qaarkood kelida ku ahaa, ragna kaga soocnaa, saamayn xooggan oo qarniyo
sii jiri doonta ayay bulshada Somalida, siiba deegaannaduu ka soo
jeeday, ku yeelan doontaa.
KiteFiqi waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa aabbihii hiilka Soomaalida
oo taariikhda kooban ee innaga soo gaadhay ayaa casharo badan innooga
dhigaysa dhaqanka hiilka Soomaalida ee qabiilka ku salaysan. Wuxuu ahaa
abhis badane tol jecel oo isku daya inuu beelaha ka soo horjeeday uu u
caqli celiyo. Marka ay dirir iyo dagaal gaadho se wuxuu ahaa nin
istraatijiyada dagaalka yaqaan oo ay hogaamintiisa ciidankiisu ku
kalsoonaayeen, goobta la isku arkana sida cadceedda ayuu uga dhex muuqan
jirey. Wuxuu ahaa hoggaamiye isu dhan oo dood, deeq, diin, dadnimo,
dagaal iyo tayooyin kaloo badanba isku darsaday:
Haddii ay rabshadi
ooganto oo belo la roocaadsho
Goormaa rakaab jilicsanaan rag igu quulquulay?
Hadmaa deeqi igu raawatay oo liidnimo i
raacday? Gabay
raatub waw dhigi jiray, ee ra’ iyo laankeeda
Rasuulkii (SCW) ma sheegine intii dabadi raad
qaadday Goormaa
cilmiga ruugistii nalaka roonaaday?
An se ma igu dabayd rag dhalan dunida oo
raagta.
Wuxuu ahaa nin aan dadka iska weerarin ee xitaa
xaqa ka maqan, illaa xad, nabad iyo caqli celin ku raadin jirey,
hayeeshee haddii la kellifo waxa la gudboon kama gabban jirin ee
taariikh mahadho leh ayuu ka reebi jirey. Walaalkii
Ismaaciil Fiqi Yuusuf ayaa Habar
Yoonis bari, siiba Muuse Ismaaciil, ay dileen(2).
Aabbii Fiqi Yuusuf oo waagaa
noolaa ayaa si uu dadku u kala badbaado, cid danbe aysan u dhiman, ayaa
mag arrinkaa ka ogolaaday oo nimankii dilka geystey u tegey. Waxa la
sheegaa in nimankii dilka geystey shireen, go’aanna ku qaateen in aanaay mag bixinayn.
Nimankii warkaa aan wanaagsanayn Fiqi Yuusuf u waday waxa la sheegaa in
mas dhexda ka helay oo qaarkood miciyaha la gaadhay, taasoo
sababtay in ay yiqiinsadaan in ay nin wadaada ah oo Alla ku xidhan
xaqiisa duudsiyaan sidaana ay magtii ku ogolaadeen.
Muddo yar ka dib ayuu Fiqi
Yuusuf dhintay nimankii dilka geysteyna mar labaad ayay yidhaahdeen mag
bixin mayno sidaa darteed ayaa Kite Fiqi ergo ugu diray, ergadiina waa
soo diideen. Kite wuxuu wacad ku maray inuu Ismaaciil Fiqi labaatan nin
u gabawari doono, sidii buuna yeelayoo intuu reerihii galay ayuu tiraduu
cayimay laayey;
Nimankii Ismaaciil dilee
Daalo lagu sheegay
Wax Ibraahin xeebta ugu degey haatan dabin
dhawre Ergo loo
darraadiyo xaqii diidney laga keenye
In labaatan loo dilay la sheeg
diga-gubkiisiiye (3)
Taariikhdii
dahabiga ahayd ee Kite Fiqi inta yar ee weli ka sii nool ayaa innoo
iftiiminaysa – inta la og yahay – in aan nin Isaaq ka dhasha oo ka qiimo
badnaa aanu jirin. Ragga la garab dhigi karo ee ay isku martabad
dhawaayeen waxaan ka xusi karaa abbaanduule la odhan jirey
Geelle
Garoomeed oo ay Kite Ffiqi isku xilli ahaayeen isaguna guutooyinkuu
wadan jirey cid walboo is biddi jirteyba dul geeyey.
Qaybtan
waxan ku khatimayaa geeraar uu Kite Fiqi u tiriyey faraskiisii oo u sheegayo
tacabka iyo hawsha uu ka mutay iyo filashadiisa ah inuu goobta dagaalka
fardaha kale shiiqiyo.
Neefyow heeggan bilaashaa
Hadhkan geedka qaboow
Badhidaan ku hiraabshey
Hodankii Dixidii
Hanfigii Darantii
Hoosadii Balanbaal
Kibirbaa ku halleeyey.
Inyar hawl iyo ooniyo
Haraad kaamarebeynin.
Inyar meel an hoydiyo
Hurdadii iskama deyn.
Inyar heerre Libaaxa
Habeen kaama ilaalin.
Waa haddaanan hagoogtiyo
Hullaabtii iska
xoorinoo Intaan
heensaha qaato
Hafiyaa Xakamaa
Afka kuugu hagaajin.
Koorii oo hog-ka-qaadiyo
Bustaa raanta haldhaa leh
Hab intaan kugu siiyo
Halhaleel u rakaabsanoo
Habka aad u dhaqaaqdiyo
Hardafkaad kala soocdana
Hoobaanoow lagu daawan.
Magaan waa hakadaayoo
Higsiguu ku lumaaye,
Dabada kaaga han weyni,
Dhexdana huur iyo siigiyo
Hufin baa loogu dhintaaye,
Habeenkaa la gudaayeen
Haasaawaa balxinaayee
Ay hadalkayga rabaan,
Raggu waygu hirtaayoo
Hareerna kuu duwi maayoo
Colki wuu hufayaaye
Haddii aadan horraanta
Sidaad heello tumayso
kolba hoobal cayaarinoo
Marka waagu hagaagee
Higta weerar dhacdee
Hebelloow la yidhaahdo
Hormasaartiyo boob
Kolla waadan hurayne
Haddaadan wiilka haweysane
Hubkiisii la diyaaree
Haybadeey ka sokeeya
Anaa haadka cunsiinne
Halkuu joogo i geyn.
Oo aadan neef hab wanaagsano
Daruur hoortay la moodoo
Heensihiisa la yaabo
Halyey wiila ka xoorinoo
Haliiloow dhacsannin.
Marka geelu hagaagee
Xabbaadhiisu hirqaadana,
Laba heeshi irmaaniyo,
Laba Gooja Hudeeciyo,
Laba Aaran hayeesiyo
Rati Haamaha dhaanshiyo
Gabantii hulganaydee
Hooyadeed laga gooyoo
Hifataa ololeysa,
Haqaqaysiga maahee
Hadaadan hoodo lahaannin
Oo hurintaa mar kaxayn.
Wallee haybis danbeetiyo
Hawshaadaw noqon maayo,
Ninkaasi way hubsan waayey
Hadhowto ima tidhaahdid.
_______________________________ [1] Waxan ka qoray Ciise Maxammuud
Daallin [2] Sababta iyo sida loo dilay Ismaaciil Fiqi weli maan
helin waa se ku daba jiraa. [3] Gabayga Kite Fiqi ayaa tiriyey baa la
yidhi, Ibraahimka gabayga ku jiraana kan uu ahaa ma cadda. Waxa
suurtagal ah in gabayga uu nin kale oo reerka ahi tiriyey, Ibraahinka
ergada lagu diideyna yahay Ibraahim Fiqi (Kite Fiqi). Alle ayaa ku
caalim ah.
|
More
More
More
More
More
More
|