Q O R A A L
H o r d h a c
S o o c a n e
Dagaalkii HJ
Buney Cabdalle
Dilkii Looya
Dilki G Garomed
Nabadaynti Biciide
Colaaddii Rer Dahir
Dilkii Yonis Ibrahim
|
Kite Fiqi
(1810 - 1870s):
Qaybta
3aad
Dagaalweynihii Habar Jeclo
Waqti qiyaas ahaan ku aaddan 1850aadkii waxa dhacay
dagaal Habar Jeclo soo kala gaadha kii ugu qadhaadhaa, uguna khasaaraha
badnaa. Dagaallada
reeraha Soomaaliyeed dhex maraa intiisa badani waa jilibbo iyo jibsimo
hoose oof
damac iyo aarsi isu geeyo dagaalkanise wuxuu ahaa mid sidaa ka duwan oo
Habar Jeclo oon cidi ka maqnayni ay bari iyo galbeed isu dishay.
Dagaalkan baaxadiisa iyo khasaaraha uu sababay si aad u sawirato, nin
Habar Jeclo ah oo waran hidin karayey oo dirirtaa ka maqnaaa waa yaraa,
meydkii labada dhinacna aas ha joogee waxay noqotay in bahalaha boholo
lagaga asturo. Dagaalku aarsi iyo utumo la kala haystay ma kellifin ee
wuxuu damac ahaa in Maxamed Abokor iyo inta la deegaanka ahi ay Muuse
Abokor burburiyaan, hanti iyo maal waxay haystaanna qaniimaystaan.
Damacaa waxa hormood ka ahaa beesha Faarax Cabdille.
Habar Jeclo galbeed oo isu dhan oo ay hoggaaminayaan Nuux ayaa
ciidan diigaanyo ah dul keenay beesha Muuse Abokor oo nabad iyo nimco
Ilaah iskaga deggan. Markii ciidankii laga war helay oo uu beelaha Muuse
Abokor kulaalayo ayaa Kite Fiqi ciidankiisii difaac adag u diyaariyey ka
dibna intuu faraskiisii u dullaalay ayuu keligii ka hortegey ciidankii
duullaanka ahaa. Wuxuu isku deyey inuu baajiyo belaayada soo fool leh
markaasuu bilaabay inuu raggii ciidanka watay oo uu wada garanayo midnid
ugu caqli celiyo kuna boorriyo inaanay Hj isku jebin ee ay ka noqdaan.
Marba faraskii buu ciidamadii kala fadhiyey ee beeaha duullaanka ah dul
geeyaa, marka qolo diidana kama daalo ee raac kaluu u tagaa si dagaal
lagu hoobtaa u baaqdo. Geeraarradii uu maalintaa tirinayey nasiib darro
wax badan lagama hayo waxase ka mid ahaa;
Labadeennan kurood,
Oo kaalalkoodi sita,
Oo laysku soo kiciyaa,
Waa masaa’ib kulmaysee,
War toloow kala jooja!
Markii la
maqli waayey, dhawr goorna uu ku sigtay in waran la soo rideeyey haleelo
uuna yaqiinsaday in nabad iyo walaalnimo laalantay oo dagaal lama
huraan yahay, ayuu isagoo abaanduulihii ciidanka soo duulay nabadda lagu
diiday ee lala garanwaayey xasuusinaya, jabna u rajaynayaa yidhi;
Haddii aad kari weydo,
Ama aad kasi weydo,
Kufaarkii inankiisoow,
Kariimkaan baryayaaye,
Kabaalkiinnu jab maanta.
Wagaas
xabbadi ma jirin ee warmo iyo qaash weyn baa la isu adeegsan jirey
waxana dhacay dagaal aad u qadhaadh, masaa’ibkii Kite ka digayeyna
khasaare nafeed aad u balaadhan ayaa ka dhashay. Dagaalkaa waxa markiiba
ka baxay Reer Daahir oo sida la weriyo fardihii ciidanka soo duulay
wateen intoodii badnayd kaxaystay una muuqday shirqool. Waxa kale oo la sheegaa in Maxamed
Axmed markii 5 nin ka dhimatay ay iyaguna dagaalka ka baxeen. Reerahaa
dagaalka ka baxay oo sida la sheego dhexda ku aaddanaa waxay soo
dedjiyeen oo ay sahashay in ciidankii la kala gooyo oo ay isu gurman
waayaan.
Dagaalkii aagga Soocane saacado yar ka dibba waa lagu
kaa baxay laakiin abbaanduule Malow la odhan jirey oo ciidanka soo
duulay ahaa kuna beegnaa aagga Barre Adaraxmaan ayaa isaga iyo
ciidankiisii maalintaa si xoog leh u dagaallameen oo ciidankii ka
horjeeday qiirqiir geliyey. Solamadow, siiba Barre Cabdille waagaas waa
ka tiro iyo tayo badnaa Faarax Cabdulle waxana dadka qaar sheegaan in la
shirqoolay si awooddooda loo wiiqo. Kite markuu dagaalkii dhankiisa soo afjaray
ayuu dhabar jebiyey ciidankii Malow dhacdadanna waayo dambe ayuu nin ay
isu gabyeen oo Yaaquub Guuleed Cabdi Cismaan Iidle la odhan jirey ugu manna sheegtay isagoo
gabay uu lahaa ay ku jirtey “Riddadii Wareeg sownigii kaaga rogey
maaha.”
Markii waagii danbe beryey ee gorgorkii iyo haaddii soo
shirtay ayaa la bilaabay in la aaso raggii labada dhinacba ka dhintay. Inkasoo masaa’iibi
dhacday haddana waxa muuqatay inaanu Kite jeclaysan waxa dhacay aadna uu
uga xumaa. Gorgoorkii u soo shiray inuu dulbaaxsado meydkii raggii
dhintay isagoo la hadlaya ayuu yidhi
“Waar waa jeedha Jibriiloo
Jinnow iiga udgoon
Oo janno iiga macaano
Anba waan jaqayaaye
Gorgorkoow ha ku joogsan!”
Inkastoo Kite ka xumaa dilka aan loo baahnayn ee Hj ku kala dhacay
misana dhaqanka foosha xun ee Soomalida ayaa farayey inuu dagaalkii wax
ka yidhaahdo. Isaga oo koobaya wixii dhacay, beesha reer Daahir ee
dagaalkan wax ka soo abaabushayna u hanjabaya uxuu gabay ku yidhi;
Reer Maxamed
maaggoodi, iyo malihi beenoowye
Waatay malyuun, iyo lag, iyo maayad kiciyeene
Guutada maqiiqani baqay mihindisaayeene
Maandhaaf rag waysugu tagaa maalin diririeede
Duulkii madhweyn maalinbaa mawdku jebiyaaye
Mari weydey Nuuxoow waxaad mijindisayseene
Reer Muuse waa mahadiyaa midha nin sheegtaaye
Wax dhaaxay qabiil magac lahaa, malaw ka
siiyeene.
Nimankii maqaar loo ridyoo qaarba meel qabaye
Aadan Madoobe Daarood u muud, mooyi suu
noqonne Marsaduu
u qaxay Yeesifkii, muunadda lahaaye
Reer Biniin galbeedbuu u mudhay, maganna
weeyaane Abokor
Axmed buurtiyo medkuu, maati baxayaaye
Wax Bullaale meermeerayaa, meel an qarinayne.
Maxamed Axmed goobtii ka maag, madashi
weyneyde
Midhadhbaa dagaalkii ku lumay, moosinkii hore’e Abtidoon madhkii baa
ku dhacay, midigti toosnayde
Reer Xaadna waataan makalay, mara-caddoodiiye
Solamadow sidaan ugu mintiday, meeshi laga
waaye Malkadii
Wareeg baa la dhigay, Malow raggiisiiye
Midigtayda waataan ku diley, Madowgi dheeraaye
Waataan
magooshaday raggii magaca weynaaye
Cimraan laba marqaaf buu ahaa lagu midgaaneeye
Magan iyo Cawaalaan lahaa, meesha yay imane
Nimanbaa muquunshaye inaan mudo ma doonayne
Geelaa Saraar meeraya, iyo moqitinkaa Oogle
Maryaweynta reer Daahir iyo nimanka maal weyn
ah Meeshaan
maqaanaha u sido maantana anaa og.
|
More
More
More
More
More
More
More
|