Q O R A A L

H o r d h a c

S o o c a n e

Dagaalkii HJ

Buney Cabdalle

Dilkii Looya

Dilki G Garomed  

Nabadaynti Biciide

Colaaddii Rer Dahir

Dilkii Yonis Ibrahim

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 





Kite Fiqi (1810 - 1870s):


Qaybta 2aad


Ciidankii Soocane:

Soocane wuxuu ahaa ciidan xoog leh oo beesha balaadhan ee Reer Yoonis lahayd kaas oo deegaannada guban, saraar, hawd iyo Nugaalba ka sheegganaa qarniyadii 19aad iyo bilawgii qarnigiii inna dhaafay ee 20 aad.

Wuxuu ahaa ciidan sooc ah oo isku beel ah.
Wuxuu ahaa ciidan xul ah oo aan kala dhicin.
Wuxuu ahaa ilmaadeer is dhaarsaday oon dagaal ku kala tegin.
Wuxuu ahaa ciidan nidaamsan oo madax iyo musdanbeedkiisaba leh.
Wuxuu ahaa ciidan adag oo aan xadgudbin, xilkas iyo xeerbeegtina u taliso, waxyaabo badanna kaga soocnaa ciidamo beeleedyo badan oo taariikhda Somalida soo maray.

Inkastoo aan la hubin goorta, iyo sida magacu ku baxay, haddana sifahaa aan kor ku xusay midkood ama dhammaantood ayaa loo malayn karaa in magaca Soocane ka yimi.

Taariikha kooban ee laga hayo Soocane ayaa u marag ah awoodda ciidankaas iyo deegaammada kala fog ee fardahoodu gaadheen. Ma ahayn ciidan dagaal keli ah ku kooban ee waxa taariikhdu xustay inay ummado badan oo isku rogman lahaa idamka Ilaahay ku kala badbaadiyeen, Eebbena ku guuleeyey. Ciidankaas oo dhawr hoggaamiye isaga danbeeyeen, dagaallo badanna la galay beelaha deriska, kuwo durugsan, iyo qawlaysatadii Daraawiisheed waxay iskood u kala tageen jabkii Daraawiish ee 1920kii.

Abwaankii Gabayxoog ayaa gabay ku sifeeyey laxaadka Soocane islamarkaana tilmaamay kana marag kacay inay Soomaali oo dhan ka soo hoydeen. Gabayxoog isaga oo ciidankaa laga qayliyey guhaamaya waa kii yidhi.

Soomaali oo idilba waw sacatareeyeene
Soocane Ilaahoow ku bixi sebenka duulaaya
Samaydiin ma dhiidhido maalintay seenyo ololayso
Sacad Yuunis iyo Bihidarays saymo ugu oodma
Sawliila waataad wax badan uunka sababteene.

Gabaygaa waxaynu kaloo ka qaadanaynaa in magaca Soocane uu Daraawiish iyo ingiriisba ka horreeyey. Soocane wuxuu ahaa ciidan ay hagaan waayeel ruugcaddaa, culimo Alle yaqaan ah, iyo hogaamiyeyaal aan libiqsan kuwaasoo nin kastoo is kibir waalayba keeno ku soo xidhay. Beelo dhawr ah oo awood is biday ayaa ciidankani kibir jebiyey, kuwo kale oo damac lahaana ku kellifey inay candhuuftoodii dib u liqaan. Soocane waa ciidanka goobaha badan Daraawiish kula dagaallamay ee maqadimiintii Maxamed Cabdulle Xasan mawtiyey, fardihiisa kuwii ugu qiimaha badnaa oo faraskiisii Weysaysane ku jiro ka furtay. Weyseysane waxa furtay Xasan Oomaar Xuseen Cali, gabayadii Wadaadku ugu calaacalayeyna waxa ka mid ahaa:

Wadeecayse neefkii fardaha ugu war weynaaye
Wahay-wahe ma Weysaysanaa waaxid kale fuulay
Wedkana diidi maayo ee sidee inanku ii wiiqay.

Ugu danbayn waxa taariikhda ciidankii Soocane sawir innaga siinayaa sida imaatinkii Ingiriiska ka hor iyo xilligii Daraawiisheedba ay qabiilooyinka Soomaaliyeed u kala awood iyo ciidan badnaayeen.


Mus-danbeedkii "Soocane"

Ciidanka Soocane wuxuu lahaa musdanbeed colaad iyo nabadba kelmedda u danbaysa leh. Waxay ahaayeen nimanka Eebbe garansiiyey inay iska dhex doortaan hoggaamiyayaal iyo abaanduul hibo Eebbe wata oo taariikhda galay. Waayeelka, waxgaradka, iyo culimada garashadaa lahaa ee beesha ayaa la mid ahaa ama ka sii qiima badnaa hoggaamiyayaasha Soocane ee inta badan la soo hadalqaado.

In talada la wada lahaa oo ay waayeelka Reer Yoonis ka go’day waxa muujinaya dhacdo uu Kite Fiqi ku doonayey in lagu galo geelal Harti lee yahay oo u soo doogsin raacay deegaanka Eexo iyo deegaannada ka ag dhow. Musdanbeedkii beeshu arrinkaa waa diideen waxayse dhawr maalin ka dib isugu noqdeen talo ay ku go’aansadeen in geelashaa la galo. Nasiib darro hadal hayntii geela markiiba waa laga war helay, markaasay nimankii lahaa kadimmadii Eexo iyo Balanbaal hoganayey dhulkoodii dib ugu qaxiyeen, sidaasna ciidankii duullaanka ahaa uu u hungoobey.

Markii raadkii geela qaxay la arkay ayaa niman soo jeediyeen in geelasha laga daba tago balse Kite Fiqi oo markii hore la qilaafay, saaladii geelana ka gartay in geelu haatan jiciirtay ayaa arrinkaa ka yidhi;

Quluublaawe tolkayoow,
Balanbaal qararkiisiyo,
Markay Eexo qubnaydbay
Wax la qaado ahayd!
Iminkoo ay qaxdayoo
Garab Qaarrey ka meertay
Xadeedna qoorta ka dhaaftay
Yaa sengii qoonbinayaayoon
Saaladii qar jebshey! (1)

Hogaammiyayaashii Soocane waxa ka mid ahaa Kite Fiqi, Cawed Dooyo, iyo Cismaan Abokor Fiqi. Suugaanyahanno dhawr ah ayaa raggii kale ee musdanbeedka ahaa qaar ka xusay. Tusaale, Maxamed Muuse wuxuu ahaa raggii Ingiriis 1884kii u diiday in dumarkoodu ciiddeenna ku dhalaan. Dhacdadan oo hadda rag kale lagu masabido waxa abwaanka Shawle X Jibriil oo arrinkaa gabay ku sheegay yidhi:

Reer Yurub markay doonayeen ramagga ciiddeenna
Ingiriis markuu soo rab yidhi, gudaha Red sea-ga
Raggii taliyey gaal yuu ku dhalin raarta gurigeenna
Runtii Maxamed Muuse maalintuu rabiyey seeftiisa
Reer Yoonis waa ficilo uu, raatib u lahaaye
Rajiistaraha taariikhda sow raad ku qoran maaha.

Abwaankii Axmed Salaan oo isna xusaya dhacdadii Bohol-yar ee Faarax Biciide lagu heshiisiyey waxa uu yidhi.

Buruudkii Warsame Aadan bay badi ka yaabeene
Bartii uu turqaday Ina Kidaar looga kala baydhye
Aadmiguba waatuu ka baqay beladi Reer Khayre.

Odayadii saddexda ahaa ee Reer Siciid ee ciidanka lixaadka leh dhex dhigay Cumar Daahir iyo Xasan Daahir ee aan intaa ku joogsane ficilka gobannimo ee ay  raaciyeen uunku tacajabey waa cutub ka mida ah taariikhdii  Soocane.
Miyaan dhammayn karayaa! Miyeyse kala dhaceen!
Waa igu gef inaan rag aan kala dhicin oo isku magac iyo martabad ah aan qaar ka magacaabo ee Ilaahay ha u naxariisto dhammaantood.
_________________
(1) Waxan ka qoray cajalad uu duubay Ciise Maxammuud Daallin




 

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com