Q O R A A L

H o r d h a c

S o o c a n e

Dagaalkii HJ

Buney Cabdalle

Dilkii Looya

Dilki G Garomed  

Nabadaynti Biciide

Colaaddii Rer Dahir

Dilkii Yonis Ibrahim

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 





Kite Fiqi (1810 - 1870s):


Qaybta 9aad

Dilkii Yoonis Ibraahim
 & duullaankii ugu danbeeyey


Habar Yoonis oo Reer Ammaan Diiriye Sugulle isku dubbariteen awood iyo dhaqaalena is biday ayaa diiday inay Habar Jeclo ka cabbaan ceelasha Burco iyo Beer. Beesha Reer Daahir oo Habar Jeclo ugu galbeedaysa ayaa arrinkaa gardarro u arkay oo ganafka ku dhuftay. Habar Yoonis iyo ciidankii saldanadda cusub waxay diidmadaa kaga jawaabeen weerar ay geel badan kaga dhaceen Reer Daahir, rag qiimo badan oo uu ku jiro nin lagu ba'ay oo Yoonis Ibraahim la odhan ku jireyna intay qabteen ayay dileen. Yoonis Ibraahim si foolxun ayaa loo dilay oo waa la dhufaanay taasoo sababtay in dilkiisa Habar Jecloba ka cadhootay.

Abbaanduulayaashii Reer Daahir ee Seed Cawed, Jaamac Xaashi iyo rag culus  oo ay hoggaaminayaan ayaa Reer Yoonis oo Kite Fiqi abbaanduule weli u yahay qaylo-dhaan kula dhacay. Geeraarradii iyo gabayadii maalintaa Seed tirinayey wax badan lagama hayo waxad se mooddaa in wixii dhacay geeraarkan aan dhammayn ee Seed Cawed Sardheeye tiriyey uu ku dhan yahay.

Xayoow Yoonis Ibraahin
Waa maantay xayireen
Xiniinyii ka jareene,
Xigaaloow nala kac!

Waa maantay Xerya-gaallo
Xayndaab nooga dhigeene
Xigaaloow nala kac!

Waxaan gaajo la xoodmay
Hadday geela Xayaab leh
Xigsimaysanayaane
Xigaaloow nala kac!

Marka Seed iyo Jaamac Xaaji Reer Yoonis u hiil doonteen waxa la sheegaa inuu Dirir Guutaale oo ciidamada Habar Yoonis ku soo socda qiyaasayaa inuu ku geeraaray:

Sidii neef la bireeyoo
Buuxsinkii laga qaaday
Badhyaweyn Habar Yoonis
Neefkan baasaha raacay
Intaan soo boganaayo
Ha ii sii bahardaaddo!

Falka dhufaanidda, dhegagoynta, indha-ridka iyo xadgudubyada la midka ahi waxay ahaayeen dhaqanka galbeedka Isaaq iyo Ogaadeen laga yiqiin, deegaannada bariga se laga qariibsado. Falkan foosha xun oo Habar Jeclo oo dhammi ka cadhootay aad ayuu uga sii cadhaysiiyey abbaanduule Kite Fiqi Yuusuf iyo beeshiisa oo waagaas deegaannada woqooyiga ugu awood badnayd.

Markii warbixintii oo buuxdaa dhacay ayuu Kite Fiqi isku dubba riday ciidan uu duuliyo kii ugu tirada badnaa, noqonna doona dagaal uu galo kii ugu danbeeyey. Xilligu waa intaan Ingiriis carrada iman oo qiyaas ahaan ku beegan 1870kii, waxa lagu dagaallamayaannna waa warmaha xiiraya iyo hootooyinka saanucu tumay. Kite tolkiisa hiilka ugu yimi wuxuu niyadda ugu dejiyey geeraarkan soo socda:


"Hadda ways arki waydey
Afkana waa isu taagtaye
Haddaan oofta galbeedka
Waayo layga aqoonsanoo
Nin awoodle la gaadhin,
Haddaan Daahir la eedin
Ilmaadeer ma wadaagno
Anna laan adag miihi.

Colaaddaa la unkaayee
Isaxaaqi galbeediyo
Gunbuur soo ololaayo
Reer Xuseenna u oomay
Ma iyagaa Ilma Nuux
Uun kaleeto ka beermay
Maanigaan arkihayn
Maanigaa ka agnaana
Maanigaa ka abliita
Oodda maan kaga qaado.

Guluf baad aragteene
Haddaanan guuto aloosan
Alifeyn iyo shii’ ah,
Odayuu taliyeenoo,
Abbaanduule wato,
Kob ilaali qureedday
Ku iftiimin salaadda
Ilmaadeer ma wadaagno
Anna laan adag miihi.

Haddaan Eexiyo Cayniyo
Ogaadeen laga naadinoo
Mataanaa afka joogiyo
Burco oon laga dooran
Awrtana Tuuyo la dhaafin
Oonan xoolo itaal leh
Albaab laysugu keenin
Ilmaadeer ma wadaagno
Anna laan adag miihi..

Haddii aan aqal weynoo
Gurgurkii la adkeeyey
Udbaa loo bixinnin
Ilmaadeer ma wadaagno
Anna laan adag miihi.

Haddaan oori wanaagsan
Oohin waayo ku raagin
Isir baanan ahayn.

Sida geeraarka ku cad, wuxuu Kite ciidankii uu isku dubba riday ku tilmaamayaa 2000+ (Alifeyn iyo shii’). Waqtigaa waa yaraa ama ma jirin reer awooday inay intaasoo ciidan ah isu keenaan. Kite Fiqi wuxuu ciidan dhuroba wuxuu diyaariyey ciidan daad lagu masaalay oo ka kooban Danwadaag (Rer Yoonis, Cumar, Bahmajeelo, Idarays Muuse) iyo Barre Adaraxmaan qaarkiisa ay oodwadaagta ahaayeen. Markii Kite ciidankii dhaqaajiyey ayaa Jaamac Xaashi oo aad ula cajabay badnaanta iyo nidaamka ciidanka raacba-raac ka danbeeyo ayaa ku maansaooday;

“Maalintii col la sheego
Curaddadii Ilma Yoonis
Ee rag cadaadin yiqiiniyo
Biciidii Cobol joogiyo
Kitoo Caynab ku joogiyo
Cumarna waa marayaaye

Haddaan guuto cillaalan
Berri Ceelxume geeyo
Candadii Habar Yoonis
Cagta sow mari maaha.”

Habar Yoonis markay ka war heleen ciidanka hirka lagu masaalo ee ku soo fool leh ayay geelii qaxiyeen, difaacna waxay ka galeen deegaannada u dhow Burco oo aan markaa magaala ahayn ee ahaa ceelal geelu ka cabbo. Dhawr kun oo ciidan ah oo abbaanduulihiisa uu Kite Fiqi lahaa ayaa Habar Yoonis lagu ekeeyey, raggii kibirku hodayna waxa la wadhay Burco iyo agagaarkeeda. Markii ciidankii la muquuniyey ee geelii Habar Yoonis Beer iyo Burco laga waayey ayaa Ceelxume iyo Oodweyne caasha la saaray. Abbaanduulihii caanbaxay ee Cabdi Fadal ayaa markii Oodweyne la gaadhay ee geelii laga waayey ayuu maalintaa yidhi;

Beeri waa qoobka fardaa
Burcona waa ceel qalqalaad
Oodweynoow qallalloow
Illeen geelu ma quuto.

Geel ciidan xooglihi fardo ku goobayaa isma qariyo’e Habar Yoonis baa xeryaha loo soo madoobeeyey oo geel iyo gammaan waxay hayeen ayaa Habar Jeclo soo dareersatay. Ciidankii intaa kuma ekaane waxa iyana la galay reero Maxamed Ciise ah oo deegaanka woqooyiga Burco ka dhawaa. Geeraarradii uu Kite Fiqi tirinayey waxa ka mid ahaa:

“Soddohdii laba Muusiyo
Reer Xuseen ida saartiyo
Reer Caynaanshe sikiiriyo
Reer seenyoone Cabdi,
Sagaalkaa odayaable
Markaan seefta u qaaday
Igu siinad xumaa"

Abbaanduule Reer Ammaan ah oo magaciisa aanan weli xaqiijin ayaa dagaalka uu Kite ku qabtay, faraskiisiina waa mulkiyey. Kite abbaanduulayaasha iyo dadka uu qabto ma layn jirin ee wuxuu u gacan geliyey nimankii Cumar Daahir ee Jaamac Xaashi iyo Seed Cawed. Abbaanduulaha la qabtay waxa la weydiiyey saddex arrimood ahaa

1. Ma ku fekertay geelii reer Sugulle ee Cawaagta (Summad) lahaa ayaa rag dareersan doonaan?. Wuxuu ku jawaabay "maya".
2. Ma is tidhi adoo reer Ammaan ah oo awoodda intaa le'eg isku dubbaritay ayaa Habar Jeclo ku qabanaysaa?. Markaasuu yidhi "maya".
3. Ma kugu soo dhacday Habar Jeclo oo ku qabatay ayaa ku bixin doonta? Taasna "maya" ayuu abbaanduuluhu kaga jawaabay.

Abbaanduulahaas halkaasaa lagu sii daayey, maalkii la soo moora-duugayna waa la qaybsaday.

Falkii lagula kacay Yoonis Ibraahin ma noqon mid la mahadiyo ee wuxuu dhaliyey in aakhirkii Habar Yoonis baryo ku cabto ceelkii ay muddo yar ka hor Habar Jeclo uga dhaarteen. Muusannawgii ka dhashay Yoonis Ibraahim iyo mashaqadii ka danbaysey ee ciidankii Kite Fiqi abbaanduulkiisa lahaa waxa gabay abwaankii weynaa ee Dirir Warsame (Yeesif) oo yidhi:

Geelaa Dixaha miranaya, een lagu mannaagaynin
Aad midabka mara Suuli ah, iyo macawis aad mooddo
Ninna kama maqnaadeen haddaan, maylka loo tumane
Waxa Ciisa Muusaha makalay muhashadiisiiye
Qoyan waxay maraaraha u kori waa miciin li'iye
Mergiyada kuwii lagu jaraa muusannow dhigaye.

Burcona moosin iyo bay ahayd malabki doocaane
Ma maggaabiyaan reer Xirsigii laysku mawtiyaye
Nimankii makaawiga ahaa miidhi reer Sugulle
Mi’ateyn miyaa laga makalay wada maraakiiba

Nabadii mishiiqsiga ahayd ma u macaanaynay
Ma maroodigii baa arlada midab kaluu yeelay
Miyaa muusannowgii ku baxay Yoonis magiciisa

Toljecluhu ninkii maag is yadhi waa muslimiyaaye
Minjahaa Isaaq siman yahayee muruq u roonaaye
Giddi Habar Magaadleba colaad midigta maw saarnay.

Markii uu soo gebagaboobay dagaalkii deegaannada Burco ee uu sababay dilkii Yoonis Ibraahim, waxa gacanta Habar Jeclo galay deegaan iyo xoolo laxaad leh oo geel iyo gammaan leh. Xoolihii goobta marayey waxa ka mid ahaa faras dhib weyn abuuray oo uu furtay abbaanduulihii ciidanka Habar Jeclo oo ahaa Kite Fiqi. Dagaalkan muddo aad uga horraysay ayuu abbaanduule Kite Fiqi oo faraskiisii Haliil la hadlayaa yidhi:

“Marka waagu hagaagee
Higta weerar dhacdee
Hebelloow la yidhaahdo
Hormasaartiyo boob
Kolla waanad hurayne
Haddaadan wiilka haweysan
Eee hubkiisii la diyaara
Anaa haadka cunsiinne
Halkuu joogo i geyn
Oodan neef hab wanaagsanoo
Daruur hoortay la moodoo
Heensihiisa la yaabo
Halyey wiila ka xoorinoo
Haliiloow dhacsannin
Wallee haybis danbeetiyo
Hawshaduu noqon maayo.”

Kite Fiqi wuxuu ahaa nin istaraayijiyada dagaalka Soomaalida ku xeeldheer oo ciidanmada ka soo horjeeda taliska ka abbaara, dagaalkanna sidaa uu geeraarka kore ku sheegay ayuu sameeyey oo wuxuu furtay faras gammaanka ka sheeggan oo uu lahaa abbaanduulihii ciidanka Habar Yoonis.

Jaamac Xaashi oo Abokor Cumar/ Reer Daahir ahaa ayaa markuu arkay faraskii Dhoorre la odhan jirey ee Kite furtay waxa galay damac, wuxuuna ku dedaalay in faraskaasi gacantiisa soo galo. Jaamac Xaashi wuxuu ahaa nin fardo yaqaana faraskanna malaha taariikhdiisa la socda ee wuxuu Kite Fiqi ka codsaday inuu faraska siiyo, geel, gammaan iyo gabdhna waa u ballan qaaday. Sababo badan dartood, Kite Fiqi way la ahaan wayday inuu faraskii uu gacantiisa ku furtay sahal ku bixiyo, codsigaa kaga yimi Jaamac Xaashina wuu ka cudurdaartay.

Waagaa farduhu waxay ku jireen halka maanta hubka teknikada ahi ku jiraan, weliba farduhu iskuma jiraane sengayaashaa sheeggan qaarkood dhawr boqol oo halaad baa lagu diidi jirey tusaalena waxa innagaga filan faraskii Xuseen Xasan Rooble Suldaan oo uu 100 halaad ku diiday. Jaamac Xaashi diidmadii Kite kuma ekaane wuxuu ka soo wareegay musdanbeedkii ciidanka reer Yoonis, siiba wuxuu abbaaray Maxamed Faarax (Maxamed Tunbuur) oo ay xidid meel ka ahaayeen.

Tunbuur oo ka mid ahaa musdanbeedka beesha reer Yoonis wuxuu ahaa halyey sifooyin badan oo wanaagsan kulansaday, beeshiisana magac iyo maammuus ku leh waxayna wada dhasheen halyeygii Cawed Faarax ( Cawed Dooyo) oo isna taliska iyo kubarada reerka ka mid ahaa. Tunbuur dhan wuxuu ka ahaa halyeeyadii Soocane ee safka hore, dhanna wuxuu ka ahaa nin wadaad ah oo inta uu weysadiisa biyeysto goob kasta oo Habar Jeclo isku khilaafto dhexdhexaadin la taagnaan jirey. Wuxuu ahaa nin nabadda ka shaqeeya, kelmedaha illaa maanta lagu xasuustana waa “Weysadii Tunbuur” ee dhanna weysada qaadka uu u watay, dhanna sahayda biyaha dhulka uu u dawaafi jirey inuu islaaxiyo. Tunbuur sifooyinkaa wanaagsan ee uu lahaa Eebbe waa uga abaal guday oo manidiisiii baa Ilaah u barakeeyey. Tafiirtii Maxamed Tunbuur maanta 4,000 oo qof bay in badan kor u dhaaftay.

Kite Fiqi oo xoolo badan iyo xiloba loo soo bandhigay wuu ka cudurdaartay mar kaleinuu faraska laga codsaday dhiibo, halkaana waxa ka dhashay hadallo duulduulay oo iska hor imaad abuuri gaadhay. Tolnimada iyo walaalnimada ka sokow reer Faarax iyo reer Fiqi Yuusuf aad bay isugu dhawaayeen oo dagaalkan muddo bilo ka horraysay ayaa Maxamed Tunbuur iyo Abokor Fiqi Yuusuf oo Kite la dhashay, isla markaana ka mid ahaa culimada waaweyn ee reerku xaramka isu raaceen si ay waajibka Alle u soo gutaan. Abokor Fiqi oo saamayn culus ku lahaa Kite Fiqi safarkaasi markuu Yemen iyo Xaramka dhexdooda marayo ayuu geeriyooday, Tunbuurna wuxuu ahaa ninkii Abokor Fiqi dhuunyay ee bud dhigay.

Kite Fiqi oo ahaa abbaanduule waaya arag ah wuxuu dareensanaa in farasku huwan yahay guushii goobta iyo mahadhada taariikheed ee aynu maantaba hadal hayno ee dagaalkan lagu xasuusan doono. Waxa taa u dheerayd in neefku gammaanka ka sheeganaa oo boqollaal geel ah ka qiima badnaa oo uu ku xisaabtamay in farasku berito deegaamadooda geli karo!

Kite oo ku adkaystay inaanu faraska bixin, dhanna uga murugoonaya walaalkii Abokor iyo Warsame Faarax oo maalmahaa geeriyooday ayaa ku geeraaray.

Ninkii xaadda lahaa iyo
Xaakinkiiba la waayoo
Xilihii naga dhaarte
Oo xalaaloobe hablii.

Isagoo Faraskii la hadlayana wuu sii wadayoo yidhi:
Waryaahee Xamar Dhoorre!
Haddii Xaashi yimaaddo,
Ama xoolo la keeno.
Amay oori xalaal ah,
Xariir soo huwiyaan,
Nin ku xoogsade mooyee
Inaanan xaajo ka qaadan,
Xilaabaan ku dalaaqay.

Dagaalkani wuxuu ahaa kii ugu danbeeyey ee Kite Fiqi qaado, muddo yar ka dibna wedkii baa haleelay.



M A Q A L

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com