Q O R A A L

H o r d h a c

S o o c a n e

Dagaalkii HJ

Buney Cabdalle

Dilkii Looya

Dilki G Garomed  

Nabadaynti Biciide

Colaaddii Rer Dahir

Dilkii Yonis Ibrahim

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 






Farguri uu qoray Fiqi Yuusuf Cali Galaal

Kite Fiqi (1810 - 1870s):


Qaybta 1aad

Ibraahim Fiqi Yuusuf Cali Galaal oo Kite ku caanbaxay, wuxuu ahaa hoggaamiyihii ugu adkaa, uguna muddada dheeraa guutooyinkii Reer Yoonis ee muddo qarni ku dhow deegaannadooda iyo kuwo durugsanba saamaynta weyn ku lahaa. Wuxuu ahaa nin ka soo jeeda qoys culumo ah oo garansanaa xaqa aadanaha iyo xuduudaha Ilaahay, go’aan qaadashadiisa iyo dhaqankiisana laga dheehan karo. Aabbihii Fiqi Yuusuf iyo awoowgii Cali Galaalba waxay ahaayeen niman wadaaddo ah iyadoo kutubtii diiniga ahayd ee Fiqi Yuusuf uu far-guriga uu ku qoray qaarkood illaa maanta la hayo. Kite Fiqi Hooyadii waxay ahayd Cabban Maxamed Warsame (Reer Warsame) oo ka soo jeedday beesha Jaamac Siyaad ee Dhulbahante. Cabban oo lagu naynaasi jirey Cabban Kibirtey, wax ay walaalo ahaayeen Faarax Deer iyo rag badan oo tafiir badani maanta ka dhaqan tahay.

Kite wuxuu ahaa nin aad u caqli badan, aragti dheer, wada tashiga jecel, go’aan qaadasho leh, sidaa darteed ayaa talooyinkiisa intooda badan musdanbeedka reerku ugu raaci jireeen. Ma ahayn nin lixaad iyo lafweyn lagu majeerto ee wuxuu ahaa nin dhuuban oo laga sheegay inuu gabay uu tirshey ay ku jirtey:

Malaa johorad baa igu jirtee jiidh cid kuma deeqo”(1).

Wuxuu u muuqday nin laayaan ah hayeeshee waa ninkii bixiyey Dagaal waa xarrago qaadasho” oo gacantiisa waa ka dhawri jirey maatada, maganta, iyo birimageydada diinta iyo dhaqanka suubbani dilkooda mamnuucay. Hogaamiye tudhaale badan oo ragga ay iska soo horjeedaan markuu gacanta sare ka yeesho si gobannimo leh oo Ilaah ka raalli yahay ula dhaqma ayuu ahaa. Odhaahdii iyo ficiladii Kite Fiqi ee uu qaarkood kelida ku ahaa, ragna kaga soocnaa, saamayn xooggan oo qarniyo sii jiri doonta ayay bulshada Somalida, siiba deegaannaduu ka soo jeeday, ku yeelan doontaa.

KiteFiqi waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa aabbihii hiilka Soomaalida oo taariikhda kooban ee innaga soo gaadhay ayaa casharo badan innooga dhigaysa dhaqanka hiilka Soomaalida ee qabiilka ku salaysan. Wuxuu ahaa abhis badane tol jecel oo isku daya inuu beelaha ka soo horjeeday uu u caqli celiyo. Marka ay dirir iyo dagaal gaadho se wuxuu ahaa nin istraatijiyada dagaalka yaqaan oo ay hogaamintiisa ciidankiisu ku kalsoonaayeen, goobta la isku arkana sida cadceedda ayuu uga dhex muuqan jirey. Wuxuu ahaa hoggaamiye isu dhan oo dood, deeq, diin, dadnimo, dagaal iyo tayooyin kaloo badanba isku darsaday:

Haddii ay rabshadi ooganto oo belo la roocaadsho
Goormaa rakaab jilicsanaan rag igu quulquulay?
Hadmaa deeqi igu raawatay oo liidnimo i raacday?
Gabay raatub waw dhigi jiray, ee ra’ iyo laankeeda
Rasuulkii (SCW) ma sheegine intii dabadi raad qaadday
Goormaa cilmiga ruugistii nalaka roonaaday?
An se ma igu dabayd rag dhalan dunida oo raagta.

Wuxuu ahaa nin aan dadka iska weerarin ee xitaa xaqa ka maqan, illaa xad, nabad iyo caqli celin ku raadin jirey, hayeeshee haddii la kellifo waxa la gudboon kama gabban jirin ee taariikh mahadho leh ayuu ka reebi jirey. Walaalkii Ismaaciil Fiqi Yuusuf ayaa Habar Yoonis bari, siiba Muuse Ismaaciil, ay dileen(2). Aabbii Fiqi Yuusuf oo waagaa noolaa ayaa si uu dadku u kala badbaado, cid danbe aysan u dhiman, ayaa mag arrinkaa ka ogolaaday oo nimankii dilka geystey u tegey. Waxa la sheegaa in nimankii dilka geystey shireen, go’aanna ku qaateen in aanaay mag bixinayn. Nimankii warkaa aan wanaagsanayn Fiqi Yuusuf u waday waxa la sheegaa in  mas dhexda ka helay oo qaarkood miciyaha la gaadhay, taasoo sababtay in ay yiqiinsadaan in ay nin wadaada ah oo Alla ku xidhan xaqiisa duudsiyaan sidaana ay magtii ku ogolaadeen.

Muddo yar ka dib ayuu Fiqi Yuusuf dhintay nimankii dilka geysteyna mar labaad ayay yidhaahdeen mag bixin mayno sidaa darteed ayaa Kite Fiqi ergo ugu diray, ergadiina waa soo diideen. Kite wuxuu wacad ku maray inuu Ismaaciil Fiqi labaatan nin u gabawari doono, sidii buuna yeelayoo intuu reerihii galay ayuu tiraduu cayimay laayey;

Nimankii Ismaaciil dilee Daalo lagu sheegay
Wax Ibraahin xeebta ugu degey haatan dabin dhawre
Ergo loo darraadiyo xaqii diidney laga keenye
In labaatan loo dilay la sheeg diga-gubkiisiiye (3)

Taariikhdii dahabiga ahayd ee Kite Fiqi inta yar ee weli ka sii nool ayaa innoo iftiiminaysa – inta la og yahay – in aan nin Isaaq ka dhasha oo ka qiimo badnaa aanu jirin. Ragga la garab dhigi karo ee ay isku martabad dhawaayeen waxaan ka xusi karaa abbaanduule la odhan jirey Geelle Garoomeed oo ay Kite Ffiqi isku xilli ahaayeen isaguna guutooyinkuu wadan jirey cid walboo is biddi jirteyba dul geeyey.

Qaybtan waxan ku khatimayaa geeraar uu Kite Fiqi u tiriyey faraskiisii oo u sheegayo tacabka iyo hawsha uu ka mutay iyo filashadiisa ah inuu goobta dagaalka fardaha kale shiiqiyo.

Neefyow heeggan bilaashaa
Hadhkan geedka qaboow
Badhidaan ku hiraabshey
Hodankii Dixidii
Hanfigii Darantii
Hoosadii Balanbaal
Kibirbaa ku halleeyey.

Inyar hawl iyo ooniyo
Haraad kaamarebeynin.
Inyar meel an hoydiyo
Hurdadii iskama deyn.
Inyar heerre Libaaxa
Habeen kaama ilaalin.
Waa haddaanan hagoogtiyo
Hullaabtii iska xoorinoo
Intaan heensaha qaato
Hafiyaa Xakamaa
Afka kuugu hagaajin.
Koorii oo hog-ka-qaadiyo
Bustaa raanta haldhaa leh
Hab intaan kugu siiyo
Halhaleel u rakaabsanoo
Habka aad u dhaqaaqdiyo
Hardafkaad kala soocdana
Hoobaanoow lagu daawan.

Magaan waa hakadaayoo
Higsiguu ku lumaaye,
Dabada kaaga han weyni,
Dhexdana huur iyo siigiyo
Hufin baa loogu dhintaaye,
Habeenkaa la gudaayeen
Haasaawaa balxinaayee
Ay hadalkayga rabaan,
Raggu waygu hirtaayoo
Hareerna kuu duwi maayoo
Colki wuu hufayaaye
Haddii aadan horraanta
Sidaad heello tumayso
kolba hoobal cayaarinoo
Marka waagu hagaagee
Higta weerar dhacdee
Hebelloow la yidhaahdo
Hormasaartiyo boob
Kolla waadan hurayne
Haddaadan wiilka haweysane
Hubkiisii la diyaaree
Haybadeey ka sokeeya
Anaa haadka cunsiinne
Halkuu joogo i geyn.
Oo aadan neef hab wanaagsano
Daruur hoortay la moodoo
Heensihiisa la yaabo
Halyey wiila ka xoorinoo
Haliiloow dhacsannin.

Marka geelu hagaagee
Xabbaadhiisu hirqaadana,
Laba heeshi irmaaniyo,
Laba Gooja Hudeeciyo,
Laba Aaran hayeesiyo
Rati Haamaha dhaanshiyo
Gabantii hulganaydee
Hooyadeed laga gooyoo
Hifataa ololeysa,
Haqaqaysiga maahee
Hadaadan hoodo lahaannin
Oo hurintaa mar kaxayn.
Wallee haybis danbeetiyo
Hawshaadaw noqon maayo,
Ninkaasi way hubsan waayey
Hadhowto ima tidhaahdid.
_______________________________
[1] Waxan ka qoray Ciise Maxammuud Daallin
[2] Sababta iyo sida loo dilay Ismaaciil Fiqi weli maan helin waa se ku daba jiraa.
[3] Gabayga Kite Fiqi ayaa tiriyey baa la yidhi, Ibraahimka gabayga ku jiraana kan uu ahaa ma cadda. Waxa suurtagal ah in gabayga uu nin kale oo reerka ahi tiriyey, Ibraahinka ergada lagu diideyna yahay Ibraahim Fiqi (Kite Fiqi). Alle ayaa ku caalim ah.

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com