Q O R A A L

H o r d h a c

S o o c a n e

Dagaalkii HJ

Buney Cabdalle

Dilkii Looya

Dilki G Garomed  

Nabadaynti Biciide

Colaaddii Rer Dahir

Dilkii Yonis Ibrahim

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 





Kite Fiqi (1810 - 1870s):


Qaybta 7aad


Heshiisiintii Faarax Biciide ee Bohol-yar

Ba farooyadii kala tagtee, tobanba meel aaday
Togga Bohol-yareed maalintii, taandho laga yeelay
Ninkastoo tabdiiddo leh markii, tiir la qabadsiiyey
Tolnimiyo wanaaggii la helay waa tabtii weliye.”
——Axmed Rooble Buraale (Axmed Carab)

Halkan guji : Dagaalkii Faarax Biciide.

Qabyaaladda Soomaali isku halaagtay waa mid indha la’ oo shaydaan usha u hayo, xad iyo xuduudna aan lahayn. Qabyaaladdu sida ay u socoto waxay dadka geyeysiisaa in labadii aabbe wada dhalay bah-bah isu colaadsadaan, isuna curyaamiyaan.

Dagaal foolxun oo soo noqnoqday ayaa dhexmaray Axmed Faarax iyo Iidle Faarax oo ka mid ah beelaha ugu tunka weyn Biciide Yoonis.

Indha Aarre wuxuu ahaa nin Boqor ah oo Habar Jeclo Bari iyo dadka ku hoos noolba u talin jirey. Boqorku wuxuu dadka ka qaadi jirey cashuur taasoo ninkii xoolo lihina uu geel u bixin jirey, kii safar magaalo u yimaaddaana timir ku gudi jirey. Reer Iidle oo ay beesha boqorka isku bah yihiin (Ba Farooyo) ayaa diidday cashuurtii boqorka, Indha Aarrena wuxuu taa kaga jawaabay erayadii raadka reebay ee ahaa Timir la waayaaba tawsi korodhay.” Dagaal aad u ba’an oo boqorkii Indha Aarre iyo rag kale oo culus oo labada dhinac ahi ku naf waayeen ayaa beeshii Boqorka oo Axmed Faarax ah iyo reer Iidle dhexmartay, dhawr jeer oo la dhexgalayna nabadii way ka dhega adaygeen.

Beesha Axmed Faarax ayaa weerar saf balllaadhan ah ku qaadday beeshii ay walaalaha ahaayeen, reer Iidlena waxay ciidan hayeen bay masraxa dagaalka soo tubeen. Ciidankii Soocane ee Reer Yoonis oo Kite Fiqi wato ayaa labadii beelood kala dhexgalay Ilaahayna dartood ku baajiyey dil iyo darxumooyin kale oo ka dhalan lahaa dagaal sokeeye. Axmed Faarax oo weerarka lahaa ayaan jeclaysan dhexgalka beesha Reer Yoonis, abwaankii geesiga ahaa ee Xujaale Axmed Muuse waxa gabay uu tiriyey ku jirtey:

Kobta Sabar, waraabaha kebdiyey, keli ahaan maayo
Nabad aan kal iyo laab ahayn, laygu kari maayo
Abtirsiimihii kala kab-go’ay soo kabkabi maayo.

Dedaal badan ka dib, Axmed Faarax aakhirkii waa qabsoomeen, nabadii tolkood u wadayna waa ogolaadeen. Musdanbeedkii Reer Yoonis dagaalkii markay joojiyeen ayay geedkii nabadda u gogleen sidaana ku dhexgaleen labadii beelood ee shaydaanku is tusay.

Buruudkii Warsame Aadan:
Gobtu abaalka loo galo ma illowdo ee abwaan Axmed Salaan la odhan jirey oo waayo danbe ka sheekaynaya tolnimadii Reer Yoonis maalintaa muujiyeen waxa gabay uu tiriyey ka mid ahaa:

Markay baarqabbaddu caranayeen buunka karinaayey
Berigaaba Reer Yoonis baa baawarka lahaaye
Booddada sengaha uguma tago baqalka naaxaaye
Buruudkii Warsame Aadan bay badi ka yaabeene
Bartii uu turqaday Ina Kidaar looga kala baydhye
Aadmiguba waatuu ka baqay beledi reer Khayre.

Rag dhawr ah oo Warsame Aadan, Cabdi Kidaar iyo Cawed Dooyo ka mid ahaayeen ayaa gartii labada reer lagu dhexdhexaadiyey doorkii ay ku lahaayeen laga xusi karaa, Kite Fiqina dhiig joojintii iyo fulintii go’aammada musdanbeedka ayaa lagu xasuustaa. Warsame Aadan wuxuu ahaa ninkii riday xukunkii “Xeerkii duudsiga” oo Reer Yoonis caan ku noqday, sida la sheegona markii ugu horraysay uu Cali Galaal (Reer Yoonis) u kala qaaday Ciise Muuse & Sacad Muuse colaaddii lagu dilay Cag-geel. Xeerkaa duudsiga Reer Yoonis beelo dhawr ah oo dil culusi kala gaadhay ayuu u kala qaaday waana lagu nabday.

Xukummadii maalintaa dhacay waxa kaloo ka mid ahaa in Axmed Faarax loo xukumay deegaannada Beeyada ee Ba Farooyo lahayd.

Waa taariikh waafi ah oo ka markhaati kacaysa qiimaha ay beesha Yoonis Adaraxmaan ku dhex lahayd Habar Jeclo iyo dhammaan durriyadda Sh Isxaaq ku abtirsata. Waa qaliil beel isu dhan oo dhan kasta oo nolosha geyiga Soomaalida ka mid ah - colaad iyo nabadba - saamayn ku yeelatay, haddii se hal kelmed lagu mataanaynayo beesha Reer Yoonis waxay noqonaysaa “hiil” aan shuruud lahayn.




  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com