Q O R A A L

H o r d h a c

S o o c a n e

Dagaalkii HJ

Buney Cabdalle

Dilkii Looya

Dilki G Garomed  

Nabadaynti Biciide

Colaaddii Rer Dahir

Dilkii Yonis Ibrahim

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 





Kite Fiqi (1810 - 1870s):


Qaybta 8aad


Kala badbaadintii Daahir Faarax

Dagaallada sokeeyaha isku dhiigga ah soo kala gaadhaa Soomaalida way ku badnaayeen. Cumar Daahir iyo Xasan Daahir ayaa dagaal foolxumi ku dhexmaray meesha la yidhaahdo Magab oo qiyaasta 25km Berbera bariga kaga beegan. Labada qolo midkood oo dil xumi ku socdo ayuu soo kala gaadhay ciidankii Reer Yoonis oo ay hoggaaminayaan odayo Reer Siciid ahi. Dad badani gobannimada afkay ka sheegtaane markii dagaalkii la joojiyey ayaa saddex oday oo reerka ahi sameeyeen afar waxyaabood oo islaamnimada iyo tolnimadaba ku wanaagsanoo aanan masaalkooda taariikhda ku maqal.

1. Waxa Ilaahay gacantooda ku baajiyey oo ay joojiyeen dagaal lagu dabar go’o.

2. Saddexda oday ee maalintaa ducada iyo sharafta qaatay midkood reerkii dilku gaadhay dhaawacoodii ayaa kafaala qaaday inuu u booga dhayo, baan iyo baxnaanona taarto.

3. Odaygii labaad wuxuu goobta ka iclaamiyey in reerkii dilku gaadhay oo rag yari ka noolaayeen gabdho daruur u eeg uu u wada meheriyo, waana ka dhabeeyey oo rag badan oo reerkaas u nool awoowayaashood waxa dhalay gabdhihii maalintaa la bixiyey.

4. Odayga 3aadna wuxuu Xasan Daahir dejiyey deegaan looga gurman karo haddiba belo danbe dhacdo kaas oo ay illaa maanta ku dhaqan yihiin.


Dagaallkii Axmed Faarax & Daahir Faarax:

Inakastoo aanu Reer Yoonis dagaalka labadan beelood ciidammo dhex dhigin, haddana labadii beelood ee diriray midkood oo beelo badani ka go’doomeen ayay ciidankii Soocane badbaadiyeen. Geeraarradii Chief Caaqil Cawed Dooyo rag beeshaas ka mid ahi u tirsheenee magangelyada lagu siiyey weli waxbaa laga hayaa, waana ku daba jirnaa.

Dhexdhexaadintii Kite Fiqi ee HY galbeed:

Dhexdhexaadintan xog badan kama hayo aan ahayn Cajalad uu duubay abwaankii taariikhyahanka ahaa ee Maxammuud Daallin oo si kooban arrinkaa uga hadlay iyo Abwaan Axmed Rooble Roorgodan oo isagu gabay ku sheegay nabadaynta reer Yoonis ee Habar Yoonis Galbeed. Sheekadu waxay nagu soo gaadhay in Reer Xuseen iyo reer kale oo Habar Yoonis ahi is dileen colaaddooduna riiq-dheeraaratay oo la furdaamin kari waayey. Beelihii dagaallamayey waxa gaadhay taariikhda Reer Yoonis ay dhawr reer oo Reer Sh Isxaaq ah oo colaaddooda loo maara waayey sida ay u xalliyeen sidaa darteed bay wefti u direen Reer Yoonis si intooda hadhay loo kala badbaadiyo. Axmed Carab oo dhacdadaas iyo dhacdooyin kale oo nabadayn ah gabay sheegayna wuxuu yidhi::

“Taariikhda Reer Yoonis waa, tiin horuu baxaye
Tamar iyo tayoba reerka waa, lagu tilmaamaa
Intii dunidu taagnaydba waa, loo tixgeliyqaye
Tolnnimiyo dagaal labadaba, waa tiirri nimanood

Ba farooyadii kala tagtee, tobanba meel aaday
Togga Bohol-yareed maalintii, taandho laga yeelay
Ninkastoo tabdiiddo leh markii, tiir la qabadsiiyey
Tuldaha iyo beeyada markii, la isu tuurtuuray
Tolnimiyo wanaaggii la helay waa tabtii weliye

Iyadoo reerku kala taagan yahay, Taanga iyo Waarso
Habar Yoonis baa noogu timi, teedka Qacabeed
Tuuyaa la gaadhiyo halkay, tahan u joogeen
Toddobaad ergada oon jooginbaa, loo tanaasulaye

Waxaan taray tolla’ay muusannow, taxadarkaan geystey
Tuur-uusna waa laga hayaa, taarhawaa’iga e

Nin kastaaba tiro aan la hubin, toon ha soo dhigo
Taw-tawda iyo faanku, waa tiix habeennimo’e
Anuunbaa toosin kara maalintay tuuro leedahay.

Gobannimada miqyaaskeedu waa dhaqanka wanaagsan ee Eebbe ka raallida yahay. Qabiilka isu dhammi waa kan astaamaha Alle ka raaliga yahay laga helo ee colaad iyo nabadba saamaynta taban ku yeesha. Abwaankii Shawle oo gabay uu tiriyey kaga hadlay wanaag badan oo beesha reer Yoonis lahayd wuxuu ku soo khatimay.

Ragna ways naqaan Rabbina waa ka baqannaaye
Haddii uu Rasuul jiri lahaa Maxamed (SCW) soo raaca
Reer Yoonis buu noqon lahaa ruux ka soo baxa’e.



 

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com