Q O R A A L

H o r d h a c

S o o c a n e

Dagaalkii HJ

Buney Cabdalle

Dilkii Looya

Dilki G Garomed  

Nabadaynti Biciide

Colaaddii Rer Dahir

Dilkii Yonis Ibrahim

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 





Kite Fiqi (1810 - 1870s):


Qaybta 3aad


Dagaalweynihii Habar Jeclo


Waqti qiyaas ahaan ku aaddan 1850aadkii waxa dhacay dagaal Habar Jeclo soo kala gaadha kii ugu qadhaadhaa, uguna khasaaraha badnaa. Dagaallada reeraha Soomaaliyeed dhex maraa intiisa badani waa jilibbo iyo jibsimo hoose oof damac iyo aarsi isu geeyo dagaalkanise wuxuu ahaa mid sidaa ka duwan oo Habar Jeclo oon cidi ka maqnayni ay bari iyo galbeed isu dishay.

Dagaalkan baaxadiisa iyo khasaaraha uu sababay si aad u sawirato, nin Habar Jeclo ah oo waran hidin karayey oo dirirtaa ka maqnaaa waa yaraa, meydkii labada dhinacna aas ha joogee waxay noqotay in bahalaha boholo lagaga asturo. Dagaalku aarsi iyo utumo la kala haystay ma kellifin ee wuxuu damac ahaa in Maxamed Abokor iyo inta la deegaanka ahi ay Muuse Abokor burburiyaan, hanti iyo maal waxay haystaanna qaniimaystaan. Damacaa waxa hormood ka ahaa beesha Faarax Cabdille.

Habar Jeclo galbeed oo isu dhan oo ay hoggaaminayaan Nuux ayaa ciidan diigaanyo ah dul keenay beesha Muuse Abokor oo nabad iyo nimco Ilaah iskaga deggan. Markii ciidankii laga war helay oo uu beelaha Muuse Abokor kulaalayo ayaa Kite Fiqi ciidankiisii difaac adag u diyaariyey ka dibna intuu faraskiisii u dullaalay ayuu keligii ka hortegey ciidankii duullaanka ahaa. Wuxuu isku deyey inuu baajiyo belaayada soo fool leh markaasuu bilaabay inuu raggii ciidanka watay oo uu wada garanayo midnid ugu caqli celiyo kuna boorriyo inaanay Hj isku jebin ee ay ka noqdaan. Marba faraskii buu ciidamadii kala fadhiyey ee beeaha duullaanka ah dul geeyaa, marka qolo diidana kama daalo ee raac kaluu u tagaa si dagaal lagu hoobtaa u baaqdo. Geeraarradii uu maalintaa tirinayey nasiib darro wax badan lagama hayo waxase ka mid ahaa;

Labadeennan kurood,
Oo kaalalkoodi sita,
Oo laysku soo kiciyaa,
Waa masaa’ib kulmaysee,
War toloow kala jooja!

Markii la maqli waayey, dhawr goorna uu ku sigtay in waran la soo rideeyey haleelo uuna yaqiinsaday in nabad iyo walaalnimo laalantay oo dagaal lama huraan yahay, ayuu isagoo abaanduulihii ciidanka soo duulay nabadda lagu diiday ee lala garanwaayey xasuusinaya, jabna u rajaynayaa yidhi;

Haddii aad kari weydo,
Ama aad kasi weydo,
Kufaarkii inankiisoow,
Kariimkaan baryayaaye,
Kabaalkiinnu jab maanta.

Wagaas xabbadi ma jirin ee warmo iyo qaash weyn baa la isu adeegsan jirey waxana dhacay dagaal aad u qadhaadh, masaa’ibkii Kite ka digayeyna khasaare nafeed aad u balaadhan ayaa ka dhashay. Dagaalkaa waxa markiiba ka baxay Reer Daahir oo sida la weriyo fardihii ciidanka soo duulay wateen intoodii badnayd kaxaystay una muuqday shirqool. Waxa kale oo la sheegaa in Maxamed Axmed markii 5 nin ka dhimatay ay iyaguna dagaalka ka baxeen. Reerahaa dagaalka ka baxay oo sida la sheego dhexda ku aaddanaa waxay soo dedjiyeen oo ay sahashay in ciidankii la kala gooyo oo ay isu gurman waayaan.

Dagaalkii aagga Soocane saacado yar ka dibba waa lagu kaa baxay laakiin abbaanduule Malow la odhan jirey oo ciidanka soo duulay ahaa kuna beegnaa aagga Barre Adaraxmaan ayaa isaga iyo ciidankiisii maalintaa si xoog leh u dagaallameen oo ciidankii ka horjeeday qiirqiir geliyey. Solamadow, siiba Barre Cabdille waagaas waa ka tiro iyo tayo badnaa Faarax Cabdulle waxana dadka qaar sheegaan in la shirqoolay si awooddooda loo wiiqo. Kite markuu dagaalkii dhankiisa soo afjaray ayuu dhabar jebiyey ciidankii Malow dhacdadanna waayo dambe ayuu nin ay isu gabyeen oo Yaaquub Guuleed Cabdi Cismaan Iidle  la odhan jirey ugu manna sheegtay isagoo gabay uu lahaa ay ku jirtey “Riddadii Wareeg sownigii kaaga rogey maaha.”

Markii waagii danbe beryey ee gorgorkii iyo haaddii soo shirtay ayaa la bilaabay in la aaso raggii labada dhinacba ka dhintay. Inkasoo masaa’iibi dhacday haddana waxa muuqatay inaanu Kite jeclaysan waxa dhacay aadna uu uga xumaa. Gorgoorkii u soo shiray inuu dulbaaxsado meydkii raggii dhintay isagoo la hadlaya ayuu yidhi

“Waar waa jeedha Jibriiloo
Jinnow iiga udgoon
Oo janno iiga macaano
Anba waan jaqayaaye
Gorgorkoow ha ku joogsan!”

Inkastoo Kite ka xumaa dilka aan loo baahnayn ee Hj ku kala dhacay misana dhaqanka foosha xun ee Soomalida ayaa farayey inuu dagaalkii wax ka yidhaahdo. Isaga oo koobaya wixii dhacay, beesha reer Daahir ee dagaalkan wax ka soo abaabushayna u hanjabaya uxuu gabay ku yidhi;

Reer Maxamed maaggoodi, iyo malihi beenoowye
Waatay malyuun, iyo lag, iyo maayad kiciyeene
Guutada maqiiqani baqay mihindisaayeene
Maandhaaf rag waysugu tagaa maalin diririeede
Duulkii madhweyn maalinbaa mawdku jebiyaaye
Mari weydey Nuuxoow waxaad mijindisayseene
Reer Muuse waa mahadiyaa midha nin sheegtaaye
Wax dhaaxay qabiil magac lahaa, malaw ka siiyeene.

Nimankii maqaar loo ridyoo qaarba meel qabaye
Aadan Madoobe Daarood u muud, mooyi suu noqonne
Marsaduu u qaxay Yeesifkii, muunadda lahaaye
Reer Biniin galbeedbuu u mudhay, maganna weeyaane
Abokor Axmed buurtiyo medkuu, maati baxayaaye
Wax Bullaale meermeerayaa, meel an qarinayne.
Maxamed Axmed goobtii ka maag, madashi weyneyde
Midhadhbaa dagaalkii ku lumay, moosinkii hore’e
Abtidoon madhkii baa ku dhacay, midigti toosnayde

Reer Xaadna waataan makalay, mara-caddoodiiye

Solamadow sidaan ugu mintiday, meeshi laga waaye
Malkadii Wareeg baa la dhigay, Malow raggiisiiye
Midigtayda waataan ku diley, Madowgi dheeraaye
Waataan magooshaday raggii magaca weynaaye
Cimraan laba marqaaf buu ahaa lagu midgaaneeye
Magan iyo Cawaalaan lahaa, meesha yay imane
Nimanbaa muquunshaye inaan mudo ma doonayne
Geelaa Saraar meeraya, iyo moqitinkaa Oogle
Maryaweynta reer Daahir iyo nimanka maal weyn ah
Meeshaan maqaanaha u sido maantana anaa og.

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com