Q O R A A L

H o r d h a c

S o o c a n e

Dagaalkii HJ

Buney Cabdalle

Dilkii Looya

Dilki G Garomed 

Nabadaynti Biciide 

Colaaddii Rer Dahir

Dilkii Yonis Ibrahim

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 





Kite Fiqi (1810 - 1870s):


Qaybta 4aad


Qabashadii Cabdalle Cumar (Afxakame aabbihii)


Reer Yoonis & Maxammuud Garaad

Qaybtanna waxaynu kaga sheekayn doonnaa dagaal qadhaadh oo dhexmaray ciidamaddii Reer Yoonis ee uu Kite Fiqi abbaanduulaha u ahaa iyo ciidan Max’ud Garaad (Dhulbahante) ah oo uu hoggaamiye u ahaa Cabdalle Cumar oo dhalay abbaanduulihii la odhan jirey  Faarax Afxakame.

Waddammadii Ka qayb galay dagaalkii 2aad ee aduunku markii xarbigii dhammaaday ee ay ciidamadoodii guryo-noqdeen waxa bilaabmay xilliga gaaladu u bixisay “baby boom” oo caruur badani calool gashay. Soomaalidu waxay leedahay xillli kaa u eeg oo ay abaaro riiqdheeraaday Ilaahay nimco u xejiyey si aad ahna ay u tarmeen, xilligaas oo ku aaddanaa dhammaadkii qarnigii 18aad iyo bilawgii kii 19aad. Reeraha laandheeraha sheegta ee Soomaalida intooda ugu badani xilligan ayay hanaqaad noqdeen waxanna tusaale u soo qaadanayaa beesha Maxamuud Garaad siiba Naaleeye Axmed oo markii hore ahaa dadyar oo reerka Yaxye la yidhaahdaa u talin jirey.

Cabdalle Cumar Cali Naaleeye oo xilliguu noolaa ka mid ahaa ragga u taliya Maxamuud Garaad waxa dadkuu dhalay ka mid ahaa Faarax Cabdalle oo Afxakame ku magac dheeraa. Xilli ku dhow 1850 ayaa Cabdalle oo ahaa abbaanduule shirraban ay ceel ku kulmeen Kite Fiqi Yuusuf. Waa niman aan war isku seegganayn hayeeshee markii u horraysay kulmaya ee waxa hadalladii dhex maray ka mid ahaa in Cabdalle weydiiyey xilliga uu soo beego, Kitena wuxuu u celiyey inuu soo beego marka reerahoodu dooxooyinka geelu ugu dhalo ee ay naqa ka daaqayaan. Cabdalle wuxu Kite weydiiyey waxa uu falayo hadduu dooxooyinka ka qabsado, Kitena wuxu u celiyey inuu toggagga dooxooyinka haba uu dib ugu guranayo. Cabdalle oo kalsooniyi ka muuqataa mar kale weydiiyey waxa uu yeelayo hadduu togagga ka fadhiisto, Kitena istraatijiyadiisaba ma qarin ee wuxu yidhi afaafka buuraha ayaan dib ugu guran halkaa ciddii iigu timaaddaana nabad kaga laabmimayso. Waa niman isku kalsoon oo aan waxba kala qarsanayne doonaya inay hadhcad kala baxaan oo midkood la muquuniyo.

Cabdalle Cumar awoowgii iyo awoowgiisii 2aad oo Naaleeye Axmed ahaa mid waliba dhawr iyo toban wiil buu dhalay oo rag door ah ayaa u ciidan ah, Max’ud Garaad oo dhanna waa uu watay.  Muddo ka dib ayuu Cabdalle Cumar oo ciidan Dhulbahante ah oo xoog leh wataa galay beesha Kite Fiqi oo nabad iyo naq roobaad ka daaqaya dooxooyinka Jarato iyo Gomosh. Dagaal qadhaadh ayaa dhacay waxana jabkii laxaadka lahaa ee ciidammadii duullaanka ahaa soo gaadhay ka markhaati kacaya in nolol lagu qabtay abbaanduulahoodii Cabdalle Cumar iyo rag uu ku jiro.

Kite Fiqi sida uu ka yeelay Cabdalle ayaa u markhaati ah inaanu ahayn nin dadka iska laaya ee dhawri jirey xuduudaha Alle oo ah meesha gobannimo oo dhammi isugu biya-shubato. Ciidankii jabay firxadkoodii waxay wargeeyeen in raggii idlaaday, Cabdallena ragga lala hadhay uu ku jiro.

Maxbuuskii la qabtay reer Yoonis si wanaagsan oo gobannimo leh bay ka yeeleen oo intay nasiyeen oo u loogeen ayay haylihii uu xidhnaana dhar qiimo leh oo hoggaamiya u qalma hadiyad u siiyeen. Isaga iyo dhawrkii nin ee la qabtay inta ciidan lagu daray ayaa ooshii Max’ud Garaad markay gaadheenbay dib uga soo noqdeen. Cabdalle wuxuu tegey isagoo axankiisii la cunay beeshiisiina ay ciidan rogaal celis ah ururisay. Abbaanduulihii ciidanka wuxuu raggiisii weydiiyey " Mar raggii dhintay baynu u soo aarnaa mise gobannimada Cabdalle iyo raggiisa lagula dhaqmay baynu ka abaalgudnaa", tan danbena waa isugu daasteen.

Cabdalle Cumar marku gurya-tegey ayuu isagoo ka abaalgudaya sidii gobannimada ahayd ee laga yeelay, wuxu amray inay laba nin ka daba tagaan nimankii gurya-keenay oo u sheegaan inuu doonayo inay xididaan oo uu gabadh siiyey. Cabdalle gabadhii uu dhalay ee Buney Cabdalle oo ahayd dayixii Nugaal u ifayey oo nin walba diidday ayuu kula xidaday reer Yoonis waxana halkaa ka bilaabmay xidhiidh iyo xiditinnimo muddo badan qoysaska labada abbaanduule u dhaxaysay oo illaa maanta wax ka sii noolyihiin.

Buney Cabdalle oo Afxakame la dhalatay waxa raggii ay dhashay ka mid ahaa abbaanduulihii ugu danbeeyey ee ciidankii Soocane oo xilli u dhaxeeya 1912-1913 ku dhintay goobtii Ilkacad ee Daraawiish iyo Reer Yoonis isku dileen, boqollaalkuna ku idlaadeen.

Beesha Dhulbahante oo ah reeraha Soomaalida ugu taariikhda yar ugu se beenta badan waxay faafiyaan in Afxakame nin Habar Jeclo ah mag kaga qaaday sakaaro uu deegaankooda ka dabtay. Ma ay laha cid ayaannu dilnay iyo geel baanu dhacnay ee caqligooda marooraa ku leh ninbaa carro Dhulbahante tegey oo sakaaro aanu dabashadeeda dhaqan u lahayn dabtay oo mag lagu xukumay ka bixiyey! Afxakame inkastuu nin geesi ah ahaa haddana waa ninkaa aabbihiis maxbuuska u noqday reer Yoonis oo taariikhdii iyo tafiirtii ka dhalatay ay maragga u tahay. Bahdilkii uu ku sameeyey ninka Yaxye (Dhulbahante) ee uu yidhi waan guursanayaa iyo dirirtii Cali Duullane ayuu Afxakame taariikh lahaa, reeraha aabbihii badbaadiyey ee Reer Yoonisna iyo Muse Abokorna col ma gelin ee wuu ka haybaysan jirey.

Dhawr sano ka dib ayaa Buney Cabdalle reerkoodii u dhibaad doonatay. Markii Buney Cabdalle ay Max’ud Garaad oo aabbaheed u taliyo gaadhay waxa dhibaaddeedii isu rogtay sidii boqorad la gelbinayo oo xoolo badan iyo dad nool ayaa dhibaad looga soo dhigay. Dhibaaddii Buney Cabdalle waxa ka mid ahaa saddex nin oo kala ahaa midgaan xoolaha u qala, tumaal , iyo yibir, taafiirtii nimankaasi ka tageenna weli waa dhaqan yihiin oo reer Cabdalle Gawracane iyo reer Saqadhi ayaa ka mid ah.

Waxa xilligaa ka hor iyaduna dhibaad doonatay gabadh Buney walaasheed ahayd oo u dhaxday Biciide taasoo si caadi ah, asii aan u dhawayn sidii Buney loo dhibaadiyey, loo qaabilay. Nin Reer Iidle ah oo la odhan jirey Yaaquub Guuleed Cabdi Cismaan Iidle oo sida labada gabdhood ee walaalaha loo kala dhibaadiyey saluugsan ayaa gabay ku yidhi;

Barraha raysin-raysin u fadhiya tan iyo Reenweyne
Iyo nimanka Raariyo degiyo buurta rogedkeeda
Iyamay rakaab adag bideen aniyo Reer Yoonis.

Kite Fiqi jawaabta uu gabaygaa ka bixiyey faahfaahin uma baahna waxayse ku tusaysaa sida uu abbaanduulayaashii la waqtiga ahaa uga duwanaa. Kite Fiqi oo ninkaa walaalkii ah u caqli celinayaa wuxu yidhi,

Barraha raysin-raysin u fadhiya tan iyo Reenweyne
Iyo nimanka Raariyo degiyo buurta regedkeeda
Midna raqiisi maayoo anaan ribo ku sheegayne
Abtirsiimo labadeenna reer waysku raacdaaye
Maxaad raran dhexdeenna uga shidi sow nin raga miihid!

Haddii ay rabshadi oogantoo belo la roocaadsho
Goormaa rakaab jilicsanaan rag igu quulquulay
Hadmaa deeqi igu raawatay, oo liidno i raacday
Riddadii Wareeg sow ninkii kaaga rogay maahi.

Rig dheh madfaca aan rakibay, roobadda agteeda
Rashka aan ku daadinahayiyo, liifadda is raacday
Gabay raatub waw dhigi jirey, ee ra’ iyo laankeeda
Rasuulkii (SCW) ma sheegine intii dabadi raad qaadday
Goormaa cilmiga ruugistii nalaga roonaaday
An se ma ogi dabaday rag dhalan dunida oo raagta.

Wareeg waa dagaalkii Muuse Abokor iyo Habar Jeclo galbeed dhexmaray ee aynu qaybtii tan ka horraysay kaga soo sheekaynay.

Abwaanka Shawle Xaaji Jibriil oo dhibaaddii Buney Cabdalle ka warramayaa waa kii lahaa:

Kebed raan leh, aqal laysu raro, rara la soo duubo
Haamaha rigrigada leh, dermiyo, raaxo kala jaada
Dhaqankeenna xididka is rabaa, waysu roon yahaye
Qof dad nool la soo raaciyo, oo raalli lagu siiyo
Reer Yoonis bay gaar u tahay riba dhibaadeede
Rajiistaraha taariikhda sow raad ku qoran maaha!

Allaylehe haa, waa taariikh cadceedda sideeda u cad oo aan muran ku jirin.



 

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com