Q O R A A L

H o r d h a c

S o o c a n e

Dagaalkii HJ

Buney Cabdalle

Dilkii Looya

Dilki G Garomed  

Nabadaynti Biciide

Colaaddii Rer Dahir

Dilkii Yonis Ibrahim

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 





Kite Fiqi (1810 - 1870s):


Qaybta 5aad


Dilkii Looya


"Cal-gal, Cal-gal baa saara"

Intaan gaalku geyiga Soomaalida iman, qoryaha lagu dagaallamaana aysan gacanteenna soo gelin, qabiilooyinku isku muruq, magac iyo martab toonna ma ahayn. Taariikhda aynu maantay xusaynaa waa midtilmaamaysa awooddii iyo hiilka beesha Reer Yoonis ku caanbaxday, waana dhacdo kulansatay saddex nin oo ka mid ahaa ragga fara-ku-tiriska ah ee Isxaaqiyada u kacay horraantii, badhtamihii, iyo dabyaaqadii qarnigii 19aad.

Beesha Cumar Daahir waxay ka mid ahaayeen reeraha awoodda leh ee xuduudaha galbeed iyo koonfur galbeed ee Habar Jeclo ku gudbanaa. Waa xilligii ay kacaameen niman qiimo lahaa oo aynu ka xusi karno Seed Cawed Sardheeye iyo Ducaale Cilmi. Dagaallo dhawr ah oo ay la galeen Habar Yoonis, Dhulbahante iyo Ciise Muuse ayay ku libaysteen oo citiqaadeen inaan cid is hortaagi kartaa jirin. Duullamadaa ay qaadeen mid ka mid ah ayay ku gaaciyeen beelo Maxamed Ciise ah oo uu hogaamiye u ahaa nin ka mid ahaa raggii taariikhda Isaaqa calanka u siday badhtamihii qarnigii 19aad oo Geelle Garoomeed la odhan jirey.

Ciise Muuse markii ciidankii Reer Daahir laga war helay oo in subaxdii la gelayo ay caddaatay ayaa la go’aamiyey inay dhanka buuraha beesha u qaxiyaan si wuxuun ugu badbaadaan. Nin aanan iska hubin inuu Geelle ahaa ayaa islaantiisii faray inay awrta degdeg u rarto. Gabadhii oo awrkii raraysa, kana xun ragga ay geesinnimada u guursatay ee iyagoon dagaallamin cararaya ayaa hees hawleed tirtirsi ay uga jeedday awrkeedii kula hadashay iyadoo leh:

“Raggayaga raggii qabay,
Yaa laga roori Riiraash.
Ma isqaawintaydiyo,
Orgi qabad ah qalistiisaa,
Loo qoodha weynaa”.

Markii gabadhi heestii ku celcelisay ayaa Geelle ku xila-furay oo amray in awrta rarka laga furo, dagaalna la isu diyaariyo. Beeshii ciidanku dul fadhiyey ma seexan ee way isu qayshatayoo wixii ciidan la hayey ayaa la isku dubbariday sidaasna waxa subaxdii ku bilaabmay dagaal lixaad leh. Dagaal xeelad kama maarmo’e dagaalyahannadii Cumar Daahir inta loo baqa cararay ayaa goob istaraatiji ah loo galay ayaguna intay dabinkii ku dhaceen ayaa caloolacad ka dhacday oo rag badan laga laayey.

Firxadkii ciidankaasi markuu gurya noqday ayaa Geelle Garoomeed ciidan ka daba diray oo geelii Cumar Daahir laanta ku duugay. Seed Cawed oo ciidan xoogaa ah wata ayaa geelii ka daba tegey haseyeeshee markuu arkay raadkii ciidanka xoogga leh ee geela qaaday ayuu raggii hakiyey oo yidhi yaan ragga iyo geelu iska keen raacin ee ka hadha. Geella Garoomeed oo filayey in Seed Cawed geela ku dagaallami doono ayaa markuu arkay ciidanka hakaday geeraar aanan wada hayn ku yidhi:

“Nimankii qolmanaayee
Is qalloocin yiqiinee
Layma qoomo lahaayoow
Acmed qaarar madoobiyo
Qoodhidii Bah Cawo
Saleebaan is qalluufiyo
Qaar kalaan garanaayiyo
Qabkii Seed lagu sheegay.

Waataa Qawl ololaysee
Togga qoori maraysee
Ma qudhawga baqdeen
Car! maa soo qabataan

Haddiise Geelle qandhuuftoo
Col quruurux la madoodiyo
Ciidan uu u qorshaystay
War hooyaay ka qammaada!”

Ragga hore ee le’day iyo geela la qaaday ka dib ayaa Reer Daahir talo isugu laabtay. Waa maalinta ay baxday “Calgal-calgal baa saara” ee Cumar Daahir garawsadeen inaan Reer Yoonis hiil uga sokayn. Seed Cawed iyo niman la socda ayaa Reer Yoonis qaylodhaan ugu yimi warbixintii uu maalintaa Seed taliskii ka yidhina waxa ka mid ahaa.

“Kuwii Doollo cabbaayey
Kuwii doox Herer joogay
Kuwa beerta damqaaya
Kuwa xeebta dillaala
Dunjigeed Ba Magaado
Duunkeedaannu collownoo
Col dareema la moodaa
Na dabbaalanaya!
Raggii door ka dhammaa
Geelii duubi kaxayste
Dadka yaannu xignaa
Daahir yuu la dhashay
Ayaa duudda Jibriila
Colkuu duulin yiqiiniyo
Kite-na mayga dan raacday

Axmed Faarax na diidyoo
Dantiisuu isma raacdoo
Inuu kaa digo mooyee
Doqon hiil ma yaqaanoo
Waaba noo dudayaan

Reer Muusoow ma dullowday
Haddaad maanta na diiddo
Sidii doonni bad saaranoo
Dakhalkii ka hallaaboo
Dabayluu ku kaceen
Dib naloo arki maayoo
Degnayee na ogaada

Abbaanduulihii hiilka badnaa ee Kit Fiqi iyo Reer Yoonis waxay go’aansadeen inay dilkaa iyo dhacaa ay jawaab waafi ah ka bixiyaan, ka dibna waxa la diyaariyey ciidan diigaanyo ah oo waajibaadkaa ka dhabeeya.

Geelle Garoomeed

Ciise Muuse waxa u kacay nin Kite Fiqi la martabad ahaa oo ahaa geesi gacantiisu cid walba oo farasku la gaadhaba ay taabatay. Ciidammadiisu waxay mooraduugeen Sacad Muuse, Garxajis, Ogaadeen, Dhulbanate, iyo Habar Jeclo oo dilkooda aynu hadal haynoba. Taariikhiisa waxa ka mid ahaa inuu Yaraantiisii ciidan geliyey Reer Yoonis, xoolona ka dhacay.

Kite Fiqi maadaama uu Geelle Garoomeed wajahayo wuxuu isku dubba riday Ciidan aad u baaxad weyn oo buur iyo bannaanba ka dagaallami yaqaana wuxuuna Geelle Garoomeed ka weeraray gubanka iyo buuraha Golis. Markii baaxadda ciidanka buuraha fananaya la arkay ayaa Geelle raggiisii dagaalka ka saaray si aan ragga iyo xooluhu isaga raacin, ka dibna galbeed ayay gurteen Kitena sidaasuu xoolihii Ciise Muuse ku calfafay. Waagaas Berbera waxa haystay Axmed Nuux, Makaahiilna waa intaanu Bullaxaar u wareegin oo Habar Awasha xeebta waa u bariyeeyey. Niman Makaahiil ah oo geel Bahmajeelo leedahay loo tirinayey ayaa maalintaa cagta sii mariyey. Kite Fiqi geeraaradii uu kaga hadlayey ujeedada duulaankiisa, dagaakii dhacay, Ciise Muusihii cararay iyo khasaarihiisii dagaalka waxa geeraarradiisii ka mid ahaa.

Nimankii cadcaddaa,
Cumar Daahir ahaa,
Cariskii rista Looya
Cidladaad ku wadheeniyo
Cooddidii aad jarateen,
Cidna waysu xignaa
Cafinna maayo wallee.
Ee ciddii Muuse Jibriiliyo
Ciise Muuse la waaye
Ma Makaahiil ciddi-dheeraan
Ku calaalugay maanta.

Kite Isagoo Makaahiilkii uu galay u sheegaya inaanu ku tala gelin inuu khasaare badan gaadhsiiyo hayeeshee uu fardihiisa caajiska ka bi'inayey waxa geeraarkiisii ka mid ahaa:

Makaahiil ciddi-dheeroow
Colna kuuma an keenin
Cidna kaama an layn
Cuudna kaama kaxaysane
Sengeyaal calasoobey
Oo dhidid-caalle ku raagay
Yaan cartankii ka ba’sheye
Ma cidbaan wax u geystey!

Dagaalkii buuraha Golis ee Ciise Muuse lagu qaaday ayaa dhacay, rag door ahna raggii Cumar Daahir waa laga daba geeyey. Gabay lab beyd naga soo gaadheen waxa  mid ahaa:

Haddaan Golis ka soo rogay riyihii lagu gobsheynaayey
Oo aan guudka Wagareed u baxay guro miyay seegtay.

Markii Kite guuleystay ee dagaalkii gabagaboobey ee uu guulaysatay ayuu Kite ka sheekaynayaa awoodda, lixaadka, iyo taariikhda ciidankii Geelle Garoomeed ee uu ka libaystay.

Ugaadeenka Doollood marbay col u dareersheene
Habar Yoonis duunkeed marbay dumar ka yeeleene
Nuux wuxuu dagaal qabay marbay wada dulleysteene
Annagana digtii hore marbay nagu dabreeyeene (1)
Rabbigaybaa ka diidey ee marbay dunida qaateene
Dig ma tahay dugaaggii haddaan dacar magowsiiyey.


Waagaa xilki waxyar ka hooraysay waxa nin gaal ah oo Soomaliland yimi qoray in beesha Ciise Madoobe gashay Yoonis Nuux oo ay 200 oo maato iyo caruur ah dileen. Goobtaa iyo tan aynu ka soo sheekaynay deegaanna aad uma kala foga waana isu waqti dhawaayeen, hayeeshee afcaasha ciidamadii duullaanka ahi sameeyeen aad bay u kala fogaayeen. Waxaynu uun ka qaadanaynaa in ciidankii Reer Yoonis hab dhaqankoodu ka duwanaa kuwii la waqtiga ahaa oo ay wada aaminsanayeen kelmedihii Kite Fiqi ee ahaa “dagaal waa xarraga qaadasho.”
______________________
(1) Geelle Garoomeed oo xoolo badan Dhulbahante ka soo dhacay ayaa intaanu gaadhin Ceeldheere ayaa la sheegaa inuu 20 faras u diray ool Reer Yoonis ah oo uu geela inay hunguriyeeyaan uga baqay illaa 20 ninna waa ka dilay. Berigaana Geelle waa laga daba duulay oo geelii uu soo dhacay in badan oo ka mid ahna waa lagala hadhay, ragna waa ka dhinteen. Waa halkaa meesha Kite lee yahay "Annagan digtii hore marbay nagu dabreeyeene".



  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com