Gabaygan soo socda
wuxuu Alla ha u naxariistee Aw Cabdi ugu jawaabay Ibraahim Xirsi Dirie
(Gacamey) oo gabay ka tiriyey colaaddii 1954/55 dhexmartay Muuse Abokor
iyo Dhulbahante. Gabayga Ibraahim si aad u akhrisato
halkan riix
Iyadoo geyiga
layna yadhi, gaanka laba Yoonis
Inagoo gob wada taala aan, goorna
kala guurin
Waatii gunuus yare dhaceed, nagaba guurteene
Gartallowga waydinkii ku tegey, Gooddiyada hawde
Waataad Dhulbahantii
wax gaday, garabka saarteene
Ina Kooshin Gurey waydinkii, gaday
raqdiisiiye
Goortii la gowracay Barraa, Gobollo diirteene.
Inay garasho yaab tahay waxaan, idinka gaadhsiiyey
Waatii guddoonkii
ku dhacay, galab carrowtiine
Gobka Maxan, gawaannada Masliyo, Dhiiri
iyo Goobo
Gadhka Kooretuunshiyo markuu, gudubka Oog dhaafay
Geeddigu ammaan buu ahaa, reerba meel galo e
Geeli harraadnaa miyaan
gaadhka lagu meerin?
Gendelkiyo miyaan loo xidhxidhin, giringir loo
xoodey?
Goortuu biyaa gaday miyaan, gaaxdii laga maalin?
Goble–Dumey maantii ayaa, idinka soo gaadhay?
Garaad Faarax maantaa,
ayaa gooman jebinaayey?
Garawada abeerkiyo ayaa, goolka loo qallayey?
Miyaydaan waraaqaa guntane, gudaya noo keenin?
Miyaanaan sidii
roob gu'iyo, galay u soo muuqan?
Miyaan guurtidaan ahay arlada, gees
walba istaagin?
Geedkaad maraysoba miyaan, Gaas ku daba joogin?
Guushaa Isaaq naga dilaa, goobta dabadeede
Garka Muuse kaa xigo
haddaan, goorna lagu ciilin
Godankaa Wareeg iyo maxaa, Guban ku
taabsiiyey
Waataynu Gaad iyo lahayn, laba Gureedhoode
Bal ayaa
geyiga aad degtaan idin gudoonsiiyey?
______________________________
Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)