Dhoor
Gabaygan waxaan ka qoray Cabdulaahi Ibrahim
Xirsi oo ah wiil uu dhalay abwaanku taariikhdu markay ahayd 25.12.2011.
Ibrahim Xirsi (IHN) waxuu ku dhashay miyiga degaanka C/Afweyn abaara
1908.
Gabaygani waxuu ka hadlayaa
siday xaaladdu ugu muuqatay markii dagaalka sokeeye dhexmaray
Dhulbahante iyo H.Jeclo 1954/55 . Waxuu ku halqabsaday hal uu u bixiyey
Dhoor oo keligeed iska daaqaysa dhulkii ay colaada uga kala durkeen
labadii beelood ee dagaaalku dhex maray. Waa dhamaystirka gabaygii uu ka
jawaabayey
Aw Cabdi Muuse Maxamed ee aan hore idiinku soo diray.
Waxuu yidhi Ibrahim:
Meeshiyo
Dhudhubo..... , Dhoodi iyo Soolal
Dhaaxaad halkii dharab qabtoba,
dhuuni ku lahayde
Aan nabadda kuu dhowrayoo, dhowr nin duudsiyaye
Marse hadday dhanaanaatay oo, laysu dhalad sheegtay
Kala dhuumo
mooyee haddii, lays dhex mariwaayey
Waxba yaanay geedii ku dhibin,
Dhoor-ey Laan-Delebe(1)
Adigaa dharkaynkiyo hadhsada, gudhaci dheeraaye
Adigaaba dhaaddane mar hore, dhimay asaaggaaye
Waxba yaan
haldheertiyo nirgaha, haadku dhabaslayne
Waxba yaan kor-jooguhu ku
dhiman, dhinacyadaadaase
Waxba yaan markaad dheelmad tahay,
dhuungaluu hadhine
Muqlo iyo adaa ..... ku qada, dhowr cashoo idile
Dogobliyo waxaad dhuunyataa, dhabanki weynaaye
Ma dhuundhuumatide
kaalmahaad, dhab u timaaddaaye
Dheeldheelka kuma keeno iyo, dhaxan
arooryaade
Odayaal dhafa ah iyo Xaajiyaal, sooma dhididaane
(Dhulbahantaha
buu ula jeedaa)
Dhanka kama hagoogtaan intay, dhaxal u
sheegtaane
Dhulkii Eebbahay iyo biyii, dhaarti laga daaye
Dhukukule ka duul Muusihii, dhumucda weynaaye
(Muuse
Abokor)
Wax la yidhi hadaa dhuuxa guban, dhuug
ku cunayaaye
Dhaliyariyo geeliiba way, dhogor xumaadeene
Waxuu
Soolal kuu dhaafi jirey, dheelki nabadiiye
Adiga iyo loo kala
dhaqaaq, Dhoor-ey Karamaane .
(1)
Laan Deleb (waa geed gob ah oo ku yaala Karamaan hageeda hoose
oo
Buur Caanood ku dhow.
______________________________
Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)