Gabaygan
waxa uu Aw Cabdi Muuse (IHN) uga jawaabayey nin la odhan jirey Cawke
Jabane oo Dhulbahante ah J/Siyaad . Markii dagalka sokeeyey dhex maray
Habar Jeclo iyo Dhulbahante sannadihii 1954/55 ayaa Cawke Jabane isagoo
guubaabinaya dagaalyahanka beeshiisa uu tiriyey gabayga soo socda oo aan
dhamaystirnaym ;
Dhulku dheeg hadduu
leeyihiyo, dhuubatiyo maydhaq
Waa dhuuxa caymeed haddaa, dhicin
lahaydeene
Waxay dhuukisoba Habar Jeclaa, dhigatay xaaskiiye
Waa
kaa dhantacay Bownihii, dhagaxa saarnaaye
Dhugukule raggii joogi
jirey, hoos u soo dhece'e
Qarbedada kuwii dhaansan jirey, dhoomo
iibsade'e
Waxse dharwaqa Nugaal godan ninkii laga dhaqaajaaye.
Aw cabdi maba diidin Bownaha ee waxuu ku tilmaamay kibraani
dalkiiba qabsaday . Waxuu Cawke ugu jawaab celiyey tixahan soo socdaa oo
aan dhamays tirnayn dad kala duwana waa ka qoray iyagoo isku khilaafay
sida ay isu xigxigaan .
Aw Cabdi Waxuu Yidhi:
Bownaha dhantacey waxuu hilbaha, dheegga uga
doortay
Dhugukule waxuu uga degey, ee Dhooddi ugu faafay
Dhoomaa
wax loo iibsadee, dhabaski loo xooray
Car-idhaaf Ballida dhiiga leh,
iyo dhinaca Buuhoodle
Dhulkii waxaa qabsaday saanaddii Dhiinjarka
ahayde
Dhalashuu ku laafyoonayaa, dhug iyo miisaane
Mar
horeydun kala dhuumateen, dhuuxi Caynabo'e
Dhidaye iyo Taleex uma
ogoli, dhaan ad marisaane
Dhudhub kama dusaan odayadii, dhaaburayn
jiraye
Dhabbadaa horaan uga tashaday dhibiqtinkiinaase.
Dhiillada Shirshoorow horaa, dhidib u aasteene
Dhaaxaan lahaa nabaddu
waa, dhay aan qubanayne
Mar haddaa dhadhamiseen waxaan, idinka
dhowraayey
Dharwaqdaydun sheegteen hadday, dhaban ku naafaysey
Maxay dhaartu qaban faanku waa kii Dhulbahantaaye!
______________________________
Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)