Deyso Maradaada
Markii uu dagaalkii adduunku socdey 1941 ayaa Talyaanigu soo galay
Soomaaliland oo uu ka baxay Ingiriisku .Waxaa dhacay badxidhan waxaana
istaagey ganacsigii debedda. Baahi weyn ayaa ku timid dadka soomaaliland
gaar ahaan dhinaca dharka.
Hadaba Aw Cabdi muuse (AHN) ayaa
guursadey gabadh ka dibna Waxuu u sodcaallay Bari iyo walaalkiis Maxamed
Muuse (AHN) oo degenaa Shalcaw. Wuxuu Aw Cabdi soo helay laba maro.
Intii uu socdaalka ku jirey waxuu la kulmay cabsi badan, dhaxan iyo daal
. Habeenkii ayuu socon jirey maalintiina intuu dharka meel ku soo sheelo
ayuu cuno raadsan jirey.
Markii uu dharkii u keenay gabadhii uu guursadey ayey diiday inay
qaadato haddii aanu aradbeel kale u wadin reerka. Gabaygan soo socda oo
aan dhamaystirnayn ayuu u mariyey gabadhii isagoo uga waramaya dhibta uu
dharka ku soo helay.
[[ Gabaygan waxaa n ka qoray Axmed
Faarax Nowle ]]
Waataan
Dabaariyo ke tegey, darayda waaweyne
Waataan daraadaa habeen,
duuligaw xulaye
Dayrtiina bari looma kaco, duraha jiilaale
Dibno
jeexan, diif iyo xanuun, daalna ways bidaye
Dibindaabyo badan baan
arkee, dayso maradaada.
Mar haddaan dubkaagii asturay, dawlad
baan ahaye
Ingiriis dubaaqada ku taal, daaday madaxiiye
Jarman
waxuu dihnaadoba nabsigu, daamankii jebiye
Xabashiyo Talyaani is
derdere, laba diraacoode
Dabkii reerr Jabaan iyo bakhtiye, dacalki
Shiinaaye
Dumarkii la raaxeyn jirey, baan debecsi loo hayne
Dirham
loo helo iyo waxbay, dib u luquuntaane
Hadalkaa miduu la ga dabraa e
deyso maradaada.
______________________________
Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)