Q O R A A L

 

Dilkii Cali Guun

Warkaa dhimay

Celiya reerkayga

Ammaan Faras

Fawd(Geeraar)

Murti qubane ah

Gu'baa dooxa biyeeya

Ha muquurin...

 

 

 Digaale Jaamac Max'ed

(1880 - 1995)

  HJ - Biciide - Boho

Somali Poetry


Geeraarka soo socda waxuu digaale ka tiriyey arooskii Xaaji Ducaalle Cabdalle (Uduruxmiin) oo guursadey gabadh Muuse Carre ah. Isagoo yarad fiican oo mood iyo maalba leh bixiyey ayaa loo diidey inuu aqalka galo ilaa uu bixiyo shan geela oo dheeraad ah. Arrintii buu soo gaadhsiiyey rag Faarax Biciide ah oo Digaale ku jiro. Waxay isku soo raaceen sodon nin oo fardooley ah oo Digaale abbaanduul u yahay. Nimankii Muuse Carre oo aqalka hortiisa isku gadaamey ayuu Digaale oo ragii kalena dabo safan yihiin isasoo hortaagey. Waxuu Yidhi:

Neefku waa sagaal jir,
Saraar buu ku dhashay,
Sur buu geeda ka daaqay,
Waa gaalkaa sadexaysanoo
Anba waa isitaaye!
Ninkuu suulka ku gooyo,
Ama gaaddada saaro,
Ama saynta ku saydho,
An wax laygama saaro.


Markaasuu jeedalkii ku dhuftay oo faraskii labadiisa jeeni markii uu sare u qaaday ayaa nimankii aqalka ku gedaannaa laba u kala go’een oo banneeyeen aqalka afaafkiisii. Sidaasay soddonkii nin iyo Xaajigii ku hoyden. Markii sadqadii la cunay ayaa Digaale raggii ku maaweeliyey Geeraarka soo socda.

Waxuu yidhi:

Afar wayga darmaanka,
Afarna wayga dumarka,
Afarna wayga Ducaale.

Afar wayga darmaankoo,
Degganaa dir samaa,
Dawgu sii mari laa,
Dawgu soo mari laa,
Degmadeena dhexdeeda,
Ku dabbaal deg lahaa!
Ma dhashii Dab –la-taagiyo,
Duubigii Isxalbaa ?
Minaanwaar la dabooloo,
Dekeynaaya miyaa?
Ma Dayuurad kacdaa?
Ma daarii Berberaadoo,
Daaqadii la furaa ?
Ilaahow dafac tuuriyo,
Libaax dooxa kahay.

Afarna wayga dumarkee,
Gabdhahaa is daroorsha,
Dooggii bay subkadaan,
Waxay diiba ismarshaaniyo,
Wax doocqani la moodo,
Iyagoo damac waayey,
Midbaa duunyo ka geeya,
Markaasay dallacaan,
Bil bay duub xidhataa,
Diiddo aan dhab ahayniyo,
An ma doono ninkaa,
Bay dibadaa la martaa.
Dad ninkii u dan sheega,
Dambasyaal huwisaa,
Fiqigaa ku duceeya,
Markaasay degel yeelan.
Nin Dumaali ma deeqdo,
Caruurtii durba laa,
Dulmi baanu qabnaa,
Duryan bay ku dishaa.

Carmalkaa is daroorsha,
Beryey kuu demeshaa,
Dab-doceedyo shiddaa,
Darfooley gogoshaa,
Wixii looga dan yeesho,
Diyaar kaaga dhigtaa,
Idinkoo isku doora,
Bay dafiraad iyo ceeb,
Dembi kuula baxdaa,
Dalaaq baa ku wanaagsan,

Halna wayga Ducaale,
Waa nin dood iyo deeq,
Diinta Eebbe yaqaane,
Waryaadhay ha la daasto.


Marna waa kii isla madashaa lahaa


Gaari waa gu’ badhkii,
Waa Gusoore cusbaaday,
Waa gargaarsi aduunyo,
Ninkii Guulle u dhiibo,
Gadaal buu ku gam’aaye
Ee aan goonbaarta tilmaamo,
Indhahaa ganuun ah,
Ilkahay gayaxdaa,
Aqalkaa guradiisa,
Meel gammaan la bariijiyo,
Goob jileed u fishaa!!

 

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 




































Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com