Q O R A A L

Dilkii Cali Guun

Warkaa dhimay

Celiya reerkayga

Ammaan Faras

Fawd(Geeraar)

Murti qubane ah

Gu'baa dooxa biyeeya

Ha muquurin...

 

 Digaale Jaamac Max'd

(1880 - 1995)

  Biciide - Boho

Somali Poetry


Digaale Jaamac (IHN) waxuu ka mid ahaa abwaanada waaweyn ee Gobolka Sanaag. Wuxuu la hana qaaday Diiriye Baalbaal (IHN) sida uu isaga naftiisu ii sheegay , Waxayna ahayd markii ay soobaxday Balwadu ee la gubi jirey shaadhadhka iyo lacagta qiiro awgeed. Digaale waxuu marin jirey suugaan koob-kooban oo xikmad leh. Waxuu ahaa nin male-awaal rumooba leh (intuition ).Taasoo aan idiinku sheegi doono gabayo uu ku saadaaliyey wax dhici doona oo Ilaahay qudradiisa rumoobey.

Xilliga uu dhashay iyo kan uu xijaabtay way sugi waayeen inta aan ka arkay wiilashiisu, aniga laftayduna dhaliishaas waxbaan ku leeyahay maxaa yeelay Digaale waxuu ahaa adeerkay labaad, waxuuna geeryoodey anoo dalka ka maqan.

Dilkii Jaamac Olol & Cali Guun

Gabayga aan idiinku soo horaysiinayaa waxuu ku saabsanyahay xidhiidh ka dhexeeyey dilkii Jaamac Olol (Boho) iyo Cali Guun (NaaleeyeAxmed ah Bah Idarays)

Gugii Geedo Waabeeyo oo ku beegnaa 1936 ayaa ninka la odhan jirey Jaamac Olol (Jaamac Yuusuf Axmed) oo ahaa Biciide/Boho lagu dilay meesha la yidhaahdo Kabiid iyo Karaxa oo Ceerigaabo Bari kaga beegan ka dib markii dagaal ceshiimo dhex maray degmo Boho ah iyo mid Naaleeye Axmed ah.

Nasiib darro Jaamac Olol qorigii(buntukhii) ayaa qasharku kaga dhegey halkaasaana lagu dilay iyadoo aanay Qoryo kale haysan ciddii la socotey. Dilka Jaama waxuu ahaa mid garab iyo gaashaanba lagu dhigay qiimaha uu ku lahaa Isaaqa Bari dhexdiisa awgiis. Gabayo badan ayaa laga tiriyey dilkaas, hase ahaatee waxaan idiin soo tebinayaa mid uu mariyey nin la odhan jirey Waraabe Guje oo ahaa reerka diley Jaamac Olol. Waraabe Guje wuxuu yidhi:

Godkii lagu cadaab Olol ninkii, gawracaan ahaye
Gaaggooda soo hadhay ninkaa, goobayaan ahaye
Godobna ha ka yaabina ninkii gacal leh loo aarye.



Jaamac nin aan la mastawe ahayn baa loogu aaray markaas iyadoo madashu gole tahay ayaa Digaale oo gabay laga sugayey ku jawaabey:"Anigu gabyi maayo ilaa la dilo nin la mid ah Jaamac Olol sida Cali Guun".

Ilaahay saadaashaas waa u aqbalay oo 17 sano ka dib , 1953, ayaa Cali Guun reer Iidle (Biciide) ku dilay Garadag agteeda ka dib markii uu geel ka qaaday meel la yidhaahdo Eexo. Markii Digaale maqlay warkaas oo uu in badan sugayey oo uu hubsaday meesha uu joogo Waraabe Guje oo aan war hayni ayuu gabayga soo socda tiriyey.

Gugii da’aba Guurow rag baa, gebi ku ciiraaye
Geeli la eed lagala tegey, godonka Eexoode
Gobtii Iidle, godobtii ka jare, Naaleeyii Gure e


Caligii [1] guraabaasi jirey, geesuhuu dhigaye
Gunti-haysta waxay kala heleen, gumuc rasaaseede
Gowdii dambeetana bir bay, kaga guddoonsheene
Guul bay ka keeneen halkay, Boho ka gaabsheene

Surad lama garaacee[2] rag baa helay galaaskiiye.

Nin gaboobey oo gurigi ba’ay, malaha geeraare
Bile Waa
l[3] halkii lagu gobluu, gii'da ka hayaaye
Garaad Faarixii goostay buu, gacal bidaayaaye
Iyaguna Garduur bay tageen, goosankii hadhaye


Waataanu geeraar lahayn, odaygii gaabnaaye
Oo uu guhaad iigu diley, geeridii Olole
Ku gedoodey odaygii ninkii wax u gelaayow'e.




Waxuu Digaale iisheegay in Waraabe Guje naxdintii u dhintay laba maalmood ka dib (IHN)>

[1] Cali Guun (Naaleeye Axmed)
[
2] Waa nin loogu aaray Olol oo aan u qalmin
[
3] Bile Dalmar Beergaal waa  Cali Guun aabbihiis

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

































Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com