Digaale Jamac wuxu ka mid ahaa rag badan oo gabyaa waaweyn ah
una dhashay gobolka Sanaag oo aan
Murtidoodu na soo gaadhin.
Gabayadan goo-gooska ah ma dhamma waxsaan rajaynayaa in
akhristayaashu soo dhammayn doonaan.
--------------------------
1)Waxa gabaygan sidaan filayno abwaanku tirshey 1950yadii,
waagaas oo ay dhaceen dagaallo dhawr ah oo u dhexeeyey Habar
Jeclo Bari iyo Harti.
Toga dhereran dhamacbaa ka shidan
dhuxulo naareede
Cumar Faarax (1) inu dhaawac yahay dhiillo ii timiye
Dhooyana? in laga qayliyay bay iila dhawdahaye
Adhi dhicida iyo ways xigaan geeso dhiig lihiye.
--------------------------
2)Gabaygan wuxu abwaanku sida muuqata u tirshey Garaad
Maxamuud Cali Shire oo ahaa Garaadkii Warsangeli. Abwaanku
wuxu uga digayaa Garaadka inay dhawrtaan dhalashadooda oo
aysan sheegan Muxumud (Qabiil) oo hayb ahaan Warsangeli Laga dhigay.
Maxamuud Caloow Muxumud yuu idinku maydhaabin
Yuu magaca kaa dilin nin xumi waa maqaadiro'e
__________________________
(1) Cumar waa Cumar Faarax Biciide