Q O R A A L

 

Dilkii Cali Guun

Warkaa dhimay

Celiya reerkayga

Ammaan Faras

Fawd(Geeraar)

Murti qubane ah

Gu'baa dooxa biyeeya

Ha muquurin...

 

 Digaale Jaamac Max'ed

(1880 - 1995)

  HJ - Biciide - Boho

Somali Poetry



Digaale Jaamac waxuu ku dhashay miyiga Ceel-Afwein 1880 waxuuna xijaabtey (IHN)1995. Gabaygan waxuu kaga cabanayaa seediyaashii oo u soo celin waayey mar ay haweeney u qabay ula guurtey xoolihii iyo caruurtiiba. Waxuu xusayaa gabay walaalkii Axmed Daad u mariyey inankiisa oo ka doonay inuu u guuriyo gabdh qoys-joogsi ah ,dabadeedna aabihhis usheegayo dhibaad la’aanta ka qabsatay gabdhihii hore ee ay guursadeen ee laga bixiyey xoolaha faraha badan. Gabaygaas waxaa ku jirtey :

Digaaleba shaluu qolo ku shubay qaad intuu cunaye
Qalad buu fahmee uma ekayn inuu qamaaraaye

Markii uu u tegey reerihii gabadha oo Sacad Yoonis ahaa (Reer Caweer) ayaa laysu dhiib dhiibey iyadoo loo sheegayo inaanay gabadhu lahayn walaalo iyo ilamadeerba oo aanay arrinteeda wax ka qaban karayn, hase ahaatee ay la dhalatay walaalo Naaleeye Axmed ah (Dhulbahante). labadii qolo midna kuma guulaysan inay wax u qabtaan oo reerkiisa u soo celiyaan. Labada gabay ee soo socda oo aan dhamays tirnayn ayuu mariyey .

Waxuu yidhi :

Gabaygii qabiilaha la yidhi, maygu soo qululay
Ma qanaabilkii Xaajigaa, aniga ii qaasa?
Qonofkii miyay ila heleen nimanku waa qayse?
Ma duulkii la quulquulayaa,n daba qudhaanyaystay?
Cali Qooma-shunixii[1] miyuu, qoorta ii geliyey ?
Kolkii habartu igu qaylisay ay igu qadhaadhaatay

Caweerkii qusuusida ahaa, ma iska qayshaartay?
Ma qabaal gaboobey noqdeen, qoomki Cumar Beyle?
Ma qasaaraqayb bay noqdeen, qaalmahaan bixiyey?
Markaanse guurka qabanqaabiyey, ee kala qorshayneeyey
Qaldamaye sidee bay arrini iigu qabaluustey?


Qoladii Dhulbahante ee xaaska la dhashayna waxuu ku yidhi tixa soo socda oo aan dhamaystirnayn:



Cali Naaleeyow yay taladu, ciiro kaa geline
Wiligiinba naag cirriq qabtaad, cidhib ku beeshaane
Intaan caaradhuub laysla dhicin celiya reerkayga.

Cumar[2] iyo Cismaan[3] iyo haddaan, Cali Yaruu[4] yeedho
Oo aan sida waraabaha u ciyo, cayn kalay noqone
Carradaa.... kugu yaraan, celiyayadiiye
Cimraan miihi Caateeye Dhoos caarki laga qaaday'e
Colkaa Muuse [5] miihi ee sidaa cuudka loo gubaye
Caamada la dhaco iyo ma ihi, ciilku noolada' e
Cantar Binu Shidaad baan ehee, celiya reerkayga.

Kumanyaal cirshiga meera oo, haadka la ciyaara
Kumanyaal cawshiyo biciid, cugaya liishaanka
Cirshigaan ka soo rogi sidii, curasho roobaade
Intaan caaradhuub laysla dhicin celiya reerkayga
Caanaa intaan layska qubin celiya reerkayga
.



Dabadeed markaasaa reerkiisii loo raray .


[1] Qooma-shunux - waa xashhiishka ka daata marka la talbiisaayo guryaha. Cali Muuse ayaa hore u yidhi"Waa qoomashunux naag aan qareen wadani"
[2] Cumar > Cumar Faarax Biciide (Boho)
[3] Cismaan > Cismaan Iidle (Reer Iidle)
[4] Cali Yare Axmed (Jilib Axmed Faarax Biciide ah)
[5] Muuse (Jilib Boho ah)


______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 





































Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com