Q O R A A L
Bal ogoow
Laguma gooheene
Cige ma loo sheegay
Halkiinaa fadhiya
Daarood ku-xaar
Maya-daanu nidhi
Jawaabtii Yawle
|
Cismaan Indhoole & Maxamed
Yawle
Gabaygii
"kalagooye" la baxay ee Yawle tiriyey ayuu gabaygan intan yari naga soo
gaadhay jawaab u yahay. Yawle gabaygiisii halkan guji;
Raggu gabayga waa wada yaqaan, geed ka
toocsiga'e Gudcur iyo habeenbaa caddada, lagaga guuraaye Gurka iyo
xashiishkii adoon, gaadhi ka idlaynin Oonu gaasa-bixin lalama tago
golaha waawayne.
Geeloo irmaanoo nirgaha, edegga loo gooyey
Gabno waxay is mooddaa inay, geel u badisaaye Gaajada nirgaha kama
baxshaan, geel-candhooluhuye Kanse waa gufaacada baddiyo, gacanki
waalnaaye Soomaali baan ugu guddiyey, gacal walaaleeye Adna reero
uur wada galaad, kala guraysaaye Sidii Jaahil guunyada jiriyo, gaban
yaroo dhoorle Gugaaga iyo waa kala fogyiin, garashadaadiiye
Gudcurbaad gudaysaa iftiin, kuuma soo geline Guufbaa madaxa kuu
saaran, iyo geedka naagaha'e Guurtida Xildiid iyo Cismaan, gobo'da
Caynaanshe Gebi sare haddii anay ahayn, geel ma dhaqateene Gaawaha
karuur kuma shubteen, labada gooroode Gaaniyo irmaannada xeryaa,
galay ma foofeene Waa gaadh senteri kaa ahoo guudka kaa jira'e
Ayaa gaanka Habaryoonisoo, galabta kuu
baahan Nin guddoon xun beeshuu wadaa geeri waw halise
Gabaygan inta yar aan ka helnay isla Yawle ayuu tiriyey. Yawle
aabihiis Aadan Caws wuxuu ku baxay Xirsi Cismaan colaadihii
Xaaraama-cune.
Arbiciin
gu'baa aabbahaa, iil ku hoos jiraye Ninse itaal yaraadiyo gunbaa,
uurkutaallo lehe Marse haddaad Allaa kuu gartee, aarsan kari weydey
Anshax maaha waagii beryaba inad u "ooydaaye"
Eraygaa danbe ee "u oydaaye" ma hubno ee soo sax, gabaygana soo
dhammee.
|
M A Q A L
More
More
More
|