Q O R A A L
Bal ogoow
Laguma gooheene
Cige ma loo sheegay
Halkiinaa fadhiya
Daarood ku-xaar
Maya-daannu nidhi
Jawaabtii Yawle
|
Cismaan Indhoole & Cabdi Gahayr
Laba nin oo reer Sugulle ah baa Ogaadeen dilay markaasuu Cabdi Gahayr
gabyey oo yidhi;
Waayadanba
habaryonisbaa, wahabku saarnaaye Sida caana weelkii ku jira, lama
wadaageene wadaaddada halkii lagu diliyo, Eegi waraqeeda
wareegada hadday ugu qalaan, waadhidii Xananley oon sida dabaylaha
wacdiga, weerarku is dhaafin ay Waaxley mariyaan colkii, webiga
jiidhaayey
Habar Yoonis baa col
qalqaashay waxayna oodaha u rogeen Ogaadeen ragna waa laayeen. Cismaan
Indhoole markaasaa gabaygii u furmay oo uu jawaabtan bixiyey. Fadlan soo
dhammee
Maansada beryahanaan
Cabdoow maallin ka ahaaye Macnaa loola jeediyo markuu xarafku ii
muuqday Xalay baan mirtii dhexe hurdada soo miliilicaye Intii
magaca Habar Yoonis baxay miir ma qaayibine Miskiinnada xorowdiyo
gobtaan magac wadaagteene Mataanaha Wardheerbaan cid kale miilo ka
cabteene
Markuuse Caarshe maalkii dirraa madaxa goynaayey
Dadka kale sidii maataday magane yeeleene "Maya"daanu nidhi, geeridii
mawdku ka adeegay Malkadii caddaankii la dhigay, madaxyadii duulay
Makallii ku jabay sow Togdheer maandhe garanmaysid Sidii mawdka
aadmiga dilaan midha dul joognaaye Wax masiibo haysaa ninkaan maal?
ku leenahaye.
|
M A Q A L
More
More
More
|