Daarood-ku-Xaar
Gabaygani aan dhammaystirnayni wuxuu ka mid yahay silsiladdii
`Daarood-ku-xaar`ee Habar Yoonis iyo Daarood (Ogaden &
Biciidyahan-Majeerteen) ku dhexmartay deegaanka dannood u dhaw. Gabaygan
waxa kaloo ka qayb qaatay gabyaa badan oo Habar Yoonis ah oo aannu ka
xusi karno Cilmi Liig oo silsiladda bilaabay, Yawle, Ina Kaahin
Feedhoole, Cige Aw Cali; Fadlan soo dhammee:
Codka gabayga nimanbaa tirshoon, caarif ku
ahayne
Haddii anan culuuntiisa baran, cid uma sheegeene
Caqaar
jaada iyo shaah darbay, kaga cabaadshaane
Halka Calanku yaal baan
sidii, Caarshe ka hadlaaye.
Cosob geelu kama maarmo, iyo Caado
kii baxaye
Cida galawgaa fiintuu fuuluu, carari gaadhaaye
Isagoo
caroofi isu baxay, oo ciidanku horjoogo
Ina cayaayir lagu weeraraa
waa ka caariyo e!
Camma iyo intii loo qabsaday, codadka Yaasiinka
CabdilQaadir iyo Shiikhyadaa, loo cawaansadaye
Cankuurka ula tage waa
dagaal, ciidha loo qabaye
Cabdaadkii garnaylkiyo markuu, ciyayey
dhawr-qaadku
Cishadaa raggii lagala hadhay, boqol cadbaa dheere
Cokanaa waraabii kobaha? caajis ku ahaaye
Kuna collownay Daarood
sidii, duulka reer Caliye
Camaar iyo markii Maalinguur, caydha laga
yeelay
Waxa ay........ u xidheen ciirsi kale waaye
Cudud baan ku
qaadnee Wardheer cidi namay siine!