Q O R A A L

 Qardhasa cadde

Naqwi gabay

  G u h a a n

Q u f r a a n

Majeerteen1

Majeerteen2

Maal an lee yahay

Saalax & Sugulle

Saalax & Sugulle

  Allahayoow

 

 

 

 

 

 

 

 Saalax Maxamed (Saalax-lay-diray)

HY - Sa'ad Yonis  

Somali Poetry


Saalax Lay-diray & Majeerteen

Saalax Maxamed oo ku magac dheeraa Saalax Lay-diray (ama Ma-Lay-Diray) ayaa waa casumaad ka helay Majeerteen. Markuu Majeerteeniya gaadhay waxa qaabilay oo malaha casumaaddana lahaa Cali Sharma'arke oo tolkiis magac ku lahaa isla markaana afarrey tuuran jirey. Saalax Lay-Diray wuxuu waqtigii uu noolaa ahaa ragga fara-ku-tiriska ah ee suugaanta looga danbeyn jirey islamarkaana ninkastoo afmaal ahiba ka cabsan jirey waayo Saalax gabayga ma doondooni jirin ee wuxuu ahaa ragga suugaanta gole-ka-fuulka Eebbe ku manaystay oo sidii mawjadeed u burqan jirey.

Cali Sharma'arke ayaa Saalax oo jooga faanay oo yidhi "majeerteeniyo intii madax madow baa is le'eg" Saalaxna intuu aad ula yaabay ayuu u sheegay in faro, ragannimo iyo xadaaradba ay hanti Isaaq tahay nin kalena uusan sheegan karin. Gabaygii uu halkaa ka tiriyey Majeerteen waxba uguma dhimin ee wuxuu bilaabay inuu tolkiis sifeeto gabayga oon dhammaynna waxa uu Saalax ku yidhi;

 

Sacad Yoonis baydi u fadhiya, barasankii oogo
Oo bawdyaweynoow sengaha, badalli fuulaaya
Ama kiisa bari ee Xarshoow, baadda lagu siiyo
Iyo buuro Tuurwaa ahoon, lagu ba'naan-noonin
Oo burursha aadmiga ninkay, boogi kala gaadho
Muus Carre, nimankaa badsaday, barakadii Sheekha
Ama niman burcada Xiis degoo, bili rag loo dhiibay
Ama Bah-Awal nimankaa Shalcaw, lagu bariideeyo
Ama nimanka Bookh dega Sanbuur, mudanka beerkiisa
Ama Samatar buur iyo fadhiya, marin bagaaggeeda
Amase Baho iyo Cai Faaraxiyo, beesha laba Iidle
Ama niman Axmed ah oo barraxan, badaha coonkooda
Ba'naan innamadii Cali Barre een cidina beegaynin
Reer Yoonis buuraha dega iyo Cumarka baalleeya

Bulshadii Cimraan iyo Sammane ama Bah Maajeelo
Ama Nuux Ban-Cawl iyo fadhiya, Beer iyo agteeda
Ama Aadan aan lagu bahsayn, budh iyo maadhiinka
Ama Yeesifkaa bilic gobeed, burada loo siiyey
Ama niman Berbera degey akhyaar badhax-la' weeyaane
Arabiyo Birzuug iyo Gadiid, beesha laba laba Xoosh ah
Ama Ciidagalahaa batay, ee baro rag dheeraaday
Ama Celi Siciidkaa baxwaray, baydidiyo khayrka
Nimankaa Burco isugu tegey, ee baarka laba Muuse
Isaxaaq, barbaartii Kaliil, ama Biyaa Qaasim
Ba-Dhulbahante aan belo darteed, buuq la maqashiinnin
Iyo Boqorradii Sugulle, oo budhadh hayeenkii ah
Iyaduba Bah-Geri waa og tahay, geela beyga lehe
Baqdin iyo xumaanbay qabaan oo nagaga baydheene
Kiristaanka bayga leh naftuu nagala biimaaye
Seyidkii belaayada ahaa bi'innay waagiiye
Intaasaan badh dhaafaye haddaan bug isku soo siiyo
Been sheegi maayee runtaa wada bannaanaatay
Boqornimo Ilaah ii gartiyo baraha dheeraada
Raganniimo beri aan dhaweyn buro naloo siiye
Ninkii nooga ba'ayaa Suweyne baradho haw doonto.


 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com