Q O R A A L

 Qardhasa cadde

Naqwi gabay

  G u h a a n

Q u f r a a n

Majeerteen1

Majeerteen2

Maal an lee yahay

Saalax & Sugulle

Saalax & Sugulle

Allahayoow

 

 

 

 

 

 

 

Saalax Maxamed Yare (Saalax ma-lay-diray)

HY - Sacad Yonis  

Somali Poetry

Gabaygan Alla-ka-cabsiga ah bal soo dhammee;

 

Allahayoow cirkoo dam ah, ayaad dacal ka faydaaye
Markaasaa Shamsadu daalacdaa, dunidu nuurtaaye.

Allahoow dalkoo oomman, baad dixa biyaysaaye
Markaasaa dugaag iyo dadiyo duunyo ka cabbaane.

Allahayoow cirkoo diiranbaad, caad ku dadabtaaye
Markaasuu daruur culus helaa, di'idna yeeshaaye
Oo ay dareemada dhulkiyo, dixidu baacdaaye.

Allahayoow mid baa duunyar, ood derejo siisaaye
Markaasaa la daba shaanbiyaa doobab iyo beele.

Alahayoow mid daadduumayaad, duni u dhiibtaaye
Markaasuu ka diihaal baxaa deeqna hidiyaaye.

Allahoow mid daw dhaafayaad, ku camirtaa diine
Markaasaa dullowgii taqwadi uga danbaysaaye.

Allahayoow kan loo dayriyiyo, hayga dhigin daallin
Oo ducada ii qaad sidaan kaa dalbaday caawa.

........Soo dhammee



 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com