Q O R A A L

 Qardhasa cadde

Naqwi gabay

  G u h a a n

Q u f r a a n

Majeerteen1

Majeerteen2

Maal an lee yahay

Saalax & Sugulle

Saalax & Sugulle

  Allahayoow

 

 

 

 

 

 

 

 

Saalax Max'd Yare (Saalax Ma-Lay-Diray)

HJ - Sa'ad Yonis  

Somali Poetry



Gabaygan waxa sida la sheego Saalax ka mariyey xaruntii Daraawiishta. Ina Cabdille Xasan baa loo sheegay inuu xarunta yimi nin gabyaa weyn ah markaasuu codsaday in la soo tuso. Markii Saalax yimi ayuu Ina Cabdulle Xasan weydiiyey Saalax inuu gabyo asna wuxuu ugu jawaabay "Haa". Ina Cabdulle Xasan ayaa markaas yidhi bal gabay hadda aan ku aragnee. Saalax wuxuu yidhi "Xarfaha Quraanka yaa laga gabyaa ee keebaad doonaysaa inaan ka gabyo". Ina Carre wuxuu u haystay Saalax nin wax soo biirsaday'e markuu hadalkaas yidhi ayuu gadaal u fadhiistay oo cabbaar fekeray ka dibna yidhi "Bal Nuunka ka gabay". Saalax gabaygan aan dhamaystirnayn ayuu meeshii ka marshey;

1. Nasli gabay hadduu leeyihiyo, naafac laga dhawro
2. Naxwihiisa anigaa bartay, iyo kiisa nuurka lehe
3. Nahnahlaha waqay uma tirshiyo, naytidaan garanne

4. Niyada jookha maantuu galee, naafku guri joogo............
5. Noociisu wuxu gaadhayaa, nudubta feedhaa'e
6. Niishaanka ruuxaan la helo, naarigaa dili'e
7. Naafada danbeetuu sidii nabar kacdoomaaye.

8. Raguunbaa wax nuunnaynayaan, nooli ku hadlayne
9. Anse kayga nadarkaad ka garan, naahiguu yahaye
10. Ni baryadi, Naf la calaacalkiyo, naago ku ammaanka
11. Niyadayda waxay daarranyiin nuqul sideediiye.

12. Waxan dhab ugu nuuxnuuxsadaa, naam qabiiliga'e
13. Nuxnuxdiyo naxliga beenahiyo, naqalka shaydaanka
14. Namiimshuhu warkuu keenaybuu, nacasku raacaaye
15. Nu'da hadalka naafaca dibnaha, nuuska dhegihiinna
16. Anna nadartu waxan soo arkaan nacam idhaahdaaye.

17. Dhulkoo nabada, weedh laysku naco, naadi ma aqaanne
18. Nashwadiyo nasabad sheegadkiyo, nabarradii baane
19. Mar hadduu rag taas igu nekedo ama i niib doono
20. Anna haluu shisheeyuu ka naxo naqay dharaartaase.

21. Dadka waxan is noqonnaa ninkay, neeftu qabataaye
22. Abidkay iskuma sii nabnabo, kaan i naasibine
23. Nin i neceb nasteexiyo wanaag, amase naanayti
24. An waa horeto nidar baan ka naqay nuqunsi mooyaane.


Ina Cabdulle Xasan wuxuu Saalax ku yidhi " Saalaxow Daraawiishi kuu soo gabyi maysee adna ha u soo gabyin" asna hawraarsan buu yidhi laakiin axdigaasi waa jabay oo Saalax lay-diray gabayo badan buu u tirshey Daraawiish.

soo sax, soo dhammee

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com