Q O R A A L

 Qardhasa cadde

Naqwi gabay

  G u h a a n

Q u f r a a n

Majeerteen1

Majeerteen2

Maal an lee yahay

Saalax & Sugulle

Saalax & Sugulle

  Allahayoow

 

Saalax Maxamed Yare (laydiray)

HY, Saca yoonis Q u f r a a n

Somali Poetry


Tixdan waxa la sheegaa markuu Saalax tirshey inuu 40 habeen sii noolaa oo uu xijaabtay. Waa gabay uu kaga hadlayay inuu aakhiro iyo xaalkeed kaga mashquulay qabiil difaac iyo qooq isla markaana ay la gudboon tahay inuu naftiisa qool geliyo oo ku soo dabbaalo diinta.

Qorshihiisa gabay waanigii, qaanac ku ahaaye
Qoteeyaha sidaan ugu ahaa, qaarinimadiisa
Ninkaloo qiyaastii bartaa, kama qatoobeene
Dhaaxaan qatimay oo Naxwaha, qubay sidii roobe
Kolse hadaan qasiidado ku yaal, Qad iyo loox waayey
Oo aanu qaneecaad lahayn, qaylis waan nacaye
Nimankaa qurmaanka u hayaa, ha u qalqaaleene


Ashahaadda gaal laga qarshee, loo qayaxay muummin
Kolkaan qayd lahaa iyo markaan, anigu qaan gaadhay
Intii aan qabiillada jinni, iyo qaxar ku daalaayey
Horta maan qudhayda u tabcado qaafil yaan go'ine
Oo maan wuxuun kala qoqobo, qaayiska i saaran
Alla maan qaddeeyoo waxaan qabo ka soo toobo.

Qudradiisa kii nagu alkumay, aniyo qayrkayba
Qiyaamaha hadii aan hortago, aniga oo qaawan
Alla maan qaraamii godkiyo qarashki meeleeyo
Oo maan qufraan Eebbahay, qani ah waydiisto
Qiyaamada naftaa igu waddee, qar iga tuuraysa
Alla maan itaanay i qatalin geliyo qoolkeeda.





 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com