Q O R A A L

Power

Xubin gobeed

Ammaan geel

Laandheere

Adyad waxa leh

Libinta Geeraar

Rag cadaalad waayaa

Aaraarta gabay

 Faarax Laanjeer (1910-1972)

  Reer Raage, HJ

Somali Poetry


Rag Caddalad waayaa


Gabaygan oo 80 beyd ku dhow wuxuu abwaanka kaga cabanayey ninkii reerkooda caaqilka u ahaa oo uu caddaalad xumi ku sheegay. Gabaygan waxan ka hayaa
Gabaygu ma dhamma

Rag caddaalad waayaa sidii, cawsha kala yaacye
Caarrow shabeel iyo Dhurwaa, nalagu cawreeye
Canka nagu gur bahal Goodiroo loo cimaamadaye.

Canda tarantay Caash-Boorri, bay ciidan leedahaye
Cunbullayska reeraha xigey, kula Carrawdaaye
Citiqaadday Raageba inuu kuu ciniin yahaye.

Weli curaddadiinnaan birtii, cadaw la taabsiine
Coomaaddahaan idinku cunin, ceedhin laba wiige
Coofleyda haaddaan indhaa, idinka ciideyne
Cishii baanad soo noqon adoo, cararay maantiiye
Mar haddii calooshayda geed Ciin ah lagu beeray......

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com