Q O R A A L

  Power

  Libinta Geeraar

  Xubin gobeed

  Ammaan geel

  Laandheere

  Adyad waxa leh

  Rag cadaalad..

  Aaraarta gabay

 

 Faarax Laanjeer (1910-1972)

  Reer Raage, HJ

Somali Poetry


Laandheere


Gabayo goo-goos ah. (Fadlan ii soo tebi haddaad hayso maansadii abwaankii weynaa ee Faarax Laanjer).
1. Gabaygan wuxu ka tirshay abwaanku doorashooyinkii lixdankii oo uu rag Buuhoodle ugu hanjabayey. Ragga Dhulbahantaha uga gabyayey madasha waxa ka mid ahaa nin la dhihi jirey Aadan Carab oo dhuumnan jirey markuu Faarax Laanjeer arko. Faarax wuxuu abwaannada kale ku argagax gelin jirey Gole-ka-fuulka suugaantiisa iyo quwida eraygiisa.

Luga Booci lebigii jirde leh,  loodin kari waaye
Libin Samada taal yaa fariid, ladani qaataaye
Laan-dheere Nuux ah yaa kursiga, leader ku ahaaye
Ha lug-go'in Dhurwaayoow, Libaax kuuma laylyamo'e.

2.Gabaygan labada Beyd naga soo gaadhay wuxu u tirshey wiil malaha ku eedeeyey inuu Geel-Qaad yahay. Wuxu wiilka ogeysiinayaa inaanu waxba ogeyn wiilku oo uu habeenkaas geeloodu u qorshaysanaa.

Caruur dheregtey waayeel ma oga, caataduu qabo'e
Waxa cidhifka loo taagan yahay kaa Canjiidda lehe.

3. Gabaygan wuxu u tirshey nin Madi ahaa oo loo Boqray inuu beeshiisa hoggaamiyo. Ninkaas oo uu ku tilmaamayey inuu saldanadii ka horqaaday niman rag iyo maalba ka badnaa oo meesha ayagu isla rabay.

Timcad jilicsan buu Dhurwa, taw ka soo odhanne
Ma tixgeliyo geesigu fulihii, tahara-waaweyne
Toddobaatankii Ba' Ijo, oo taagan garabkayga
Haddiii uu Taygaskii keli ahaa, Taajki ka hor qaatay
Ninkii tab iyo xeel garanayoow tiro ha xaalayne.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 



 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com