Q O R A A L

 

  Power

  Libinta Geeraar

  Xubin gobeed

  Ammaan geel

  Laandheere

  Adyad waxa leh

  Rag cadaalad..

 Aaraarta gabay

 

 Faarax Laanjeer (1910-1972)

  Reer Raage, HJ

Somali Poetry


Xubin Gobeed (Geela)


Faarax Laanjeer oo ahaa nin geel-qaadnimada ku caan baxay isla markaana suugaanta geela looga danbeyn jirey ayaa nin ay ilmadeer ahaayeen oo Dubbad Xiirey la odhan jirey u tirshey gabay ay ka mid ahayd.

Ka fadhiiso tuugada Ilaah ferejki baa dhow'e

Faarax wuxu markaas tirshey tixdan caanka noqotay ee suugaanta geela kaalinta hore ka gashay. Maansadani ma ahan tan keli ah ee Faarax Laanjeer u tirshey Geela.
Wuxu yidhi Faarax Laanjeer ilaah ha u naxariistee. (Gabayga ma dhamma) 

1. Xoolaha xadiidka ah naftaa Xiireyoow jecele
2. Xayaabada kasoofeenka iyo xuukadiyo goolka
3. Tani iyo xaawo iyo aadan waw xumadaysnayn??

4. Xasan iyo xuseen baa ogaa xeer u leeyahaye
5. xulafooyinkii horeba way kala xabaadheene
6. Xinkii Dheeha lagu gawracaan xiisadii hadhine

7. Seyidkii Xadeed iyo ku furay Xallin daraawiishta
8. Ee Xodayo geeyn jirey intuu xamar u heenseeyo
9. Xaafidal Quraanbuu ahaa soo xajiyey dhawre

10. Isagaba Xaq iyo Baadil waw kala xarriiqnaaye
11. Xaaraan hadduu yahay sengaha kuma xarraansheene
12. Xiitooy ma soo hoysan karo oday xagaystaaye

13. Xijigeedu wuxu saaran yahay xayn walaala ahe
14. Xidhka geeduhuu ugu jiraa Aar xabeebsadaye
15. Xanaftiyo warmaha dhiiga leh bay xaas ku korisaaye
16. Inuu xiinka duulduula yahayna waa xadiisiyae

17. Xaq ilaahay maantay tihiyo qalin xisaabeedka
18. Xasanaad in laysugu qoriyo inay xumaan doonto
19. Xukunkii Illaahay qoriyo xaakinkaa werine
20. Xarbi baarid xayraan col iyo xeelad iyo tuugo

21. Waa ugu xad-dhaafaa ninkay xiis u dagataaye
22. Anna way xalaal Xaawis iyo xagalo awr yaalle
23. Balse lama xujeyn karo ninkii xiito weerarae
24. Ma xayesh adhaan dhacay Burcay ka xantamaayeene

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com