Q O R A A L

  Power

  Libinta Geeraar

  Xubin gobeed

  Ammaan geel

  Laandheere

  Adyad waxa leh

  Rag cadaalad..

  Aaraarta gabay

 

 Faarax Laanjeer (1910-1972)

  Reer Raage, HJ

Somali Poetry


Ammaan Geel
Gabaygan waxan filayaa inuu yahay kii ugu danbeeyey ee Abwaanka weyn ee Faarax Laanjeeer tirshey. Gabaygan wuxu si xoog leh ugu sifaynayaa Geela oo uu aad ugu dheeraaday sifadiisa isagoo aakhirkana iskala mid dhigaya dhaqanka dawliga ah iyo dhaqanka geela oo uu aadka u yiqiin. (Gabaygu waa qabyo)

Geel waa dhibaato iyo taws laysku dhaqayaaye
Dheehiyo Samuudbaa ku jira dhiba xiniinyaaye
Mar haddii daruur dheregsaniyo Dhedo cirkaw fuusho

Dhiska guri dharraarimaha reerDhaax ma joogsado'e
Waa dhuuni-raacoo ma huro Dhiinjar geedo lehe
Dhuusasada ma daaqiyo Xarfada dhoobo-jiifta ahe

Dhallinyarada haysiyo guryaa waa ku dhinac dhaw
Ama dhacanta jebi ama u raray Dhooddi iyo Sool'e
Dhimbiishaan iliilaysanbuu dhereriyaa Hawd'e

Hadba Dhoorka oo hooraybaa lagu dhirbaaxaa
Iyadoo Dhammayseey la furay Toomo dhinacooda
Isagoo Madheedh dhuurleh iyo Dhuxun ka foofaaya

Oo dhogorta wada tuuray oo Dhicir Casaan yeeshay
Ayuunbaa col loo soo dhuraa booli-Dhaadhiyahe
Markay Dhoobigiyo lagu hor dilo dhayla wada naaxday?

Dhanbaal baa guryii loo diraa dhacantay Hiiraane
Habeenkaa dhawaaqeedu waa dhiillo iyo reene
Dhirbaa loo .......... wiilashii dhaarsanaan jirey

Raggii dumarka dhaadheer qaboo dhiibsan baa yimiye
Dhexda saanadaa lagu xidhiyo dhoomatada Wiiqa
Dhawr-qaadka soo qaate iyo Dheelli-tirihiiye

Dhanaankeeda nimankii dhamiyo dhayda iyo xoorka
Ku dhaguuge raadkii iyadoo dhawr habeen qadaye
Dharaar iyo Labo yay daba socdaan dhogor-idiinleeye

iyadoo...............................dhaanto daba joogto
Intay Dhaal bannaan kaga ridaan dhawr ka mootiye'e
Dhal Fallaago weeyoo baqaha kuma dhabriiraane


Sida dhibicda roobka yay Rasaas Dhedo ah keenaane
Dhudhummada cammuudda u geshoo laysu dhinacyeeye
Dhugta Sulubka iyo Liifadday Dhoor ku murugtaaye

Dhafan-dhaafka Sulubkay cabbaar kala dhex joogtaaye
Hadba labada dhinac bay colkii mid u dhaweysaaye
Markay dhagarta taal iyo arkaan dhiirridiyo shiishka

Oo u dhoolcasii dhaqay sidii dhidido awrkeeda
Hadba meel dhufaysay kuwii dhacay ku eertaane
Dheecaan halbowlaha qubtiyo dhuuxa bawdyaha'e

Dhaawaca dangiiguu gurtaa dhaxal-wadaaguuye
Is dhexgale dhufaankiyo duqdii dharasku saarraaye
Dhoolaha is geli Baarqabkii dhiirranaan jiraye

Wax ka dhigan dhismaha dawladeed sidigta dhoor-wiile
Dar horoo la dheeliyeyba waa dhaxal xumaysteene
Dhudhun lagaga qaadyaa iyo wedkii lagu dhaweeyaaba
Nin dharaaro haystaba Saldanad loogu soo dhigaye
Ku dhaqsada Distoorkiyo Sharcigaad ugu dhawaaqdeene

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com