|
Gar-jileed:
Gar-jileedda waxa la yidhaahdaa kama taggana macne ahaan buus-buus ka
horgee, waayo qofka garta loo sito ama loo sheeganayo ayuu ka
horgeeyaa wax u eg waxa loo sheeganayo, waxaas oo dadka markaa jooga
kaga qosliya, isaga doonaya sidii uu suurtagal uga dhigi lahaa sidii
ay labadaa wax isku nooc u noqon lahaayeen. Tusaale ahaan nin baa beri
waraabe dabbin u dhigay, ka dibna waraabihii oo dabbinkii ku jira ayaa
nin kale soo maray ooo uu waraabihii oo dabbinkii ku jira dilay.
Ninka hore ee waraabaha dabbay sababta uu u dabbay waxay ahayd inuu
dilo, laakiin hadana isaga oo is leh wax baad kaga helaysaa ayuu
ninkii kale ee waraabaha dilay qaanabay oo uu ku yidhi maxaad u dishay
waraabihii aan dabtay, ka dibna Haa ayuu ku yidhi , dabadeedna waxa uu
ku yidhi "ii keen waraabahaygii", ka dibna waxa uu ku yidhi "waayahaye
soo qabso waraabe aan kuugu saanyo (qiimihiisa lagu sargooyo)",
laakiin wuu soo waayey waraabe kale ilayn waraabe gacanta ugu jiraa ma
jiro’e, sidaas ayuu dabadeedna ku garwaayey. Tusaale kale hadii aynu
soo qaadano waxa la yidhi nin baa beri yidhi "Wan (Neef) aanu Berbera
ku wadnay oo aanu isnidhi dawga Sheekh mariya ayey badhidiisa oo aad u
waynayd noo mari wayday dawgii, dabadeedna nin kale ayaa isna yidhi "Beri
baan ka shaqayn jiray hudheel, markaas ayaanu anaga oo 100 nin ah hal
digsi wada xali jiray, boqolkayagaa nin oo aanu nin-na ninka kale
arkayn, dabadeedna ninkii wanka ka sheekaynayey ayaa yidhi, "Taasi ma
wax dhici karaa", ka dibna ninkii digsiga ka sheekaynayey ayaa yidhi "Hadaa
ma sheekada aad ka sheekaynayso ayaa suurtagal ah", ka dibna halkaas
ayey labadii nin isku liqi kariwaayeen oo ay iska kala tageen oo ay
arintoodu noqotay "inaga baandhee". Sidaa awgeed garta tusaalayaashaa
aynu soo qaadanay u nooc eg ayaa la yidhaahdaa Gar-jileed ama gar-badh.
Laakiin sidoo kale waxa gar-jileed loo yaqaan garta aan dawga ay
leedahay la marin ee la marin-habaabiyo.
Gar-kala dareeris: Garta la yidhaahdo garta kala dareeriska ma
aha mid loo eego cadaalad, laakiin waxay ua egtahay xal ama garta
muslaxa loo yaqaan ayey u egtahay, isla markaana ragga had iyo goor
garta caynkaas oo kale ah wax ka tara ama wax ka qabtaa waa ragga ku
sifoobay samatalisnimada.
Garta kala dareerisku cidna way ku jiifsataa, cidna way u sed-burisaa,
laakiin had iyo goor inta badan waxa loo garta caynkaas oo kale ah loo
qaadaa laba qabiil inkasta oo laba qof-na loo qaadi karo, masalan
cidda ama qabiilka wax geystay waxay leedahay ama lagula dhaqmaa wax
la yidhaahdo Qaboojis, jilid-salaax, sacabo-wadhad IWM. Marka arinta
ama garta caynkaas oo kale ah lagu jiro waxa jirta xikmad Somalidu
isticmaasho, taas oo ay tidhaahdo "Marka nin indho gar-darani ooyaan,
indho gar leh maxaad mooday". Laakiin waxa jirta xikmad kale oo
tidhaahda "Walaalkaa hadii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha
gaadho", taas oo macneheedu yahay ninkii aad candhuufta ku tuftay
gacantaada waad ka mari kartaa.
Cidda ama qolada wax tirsanaysa ama wax loo geystay iyadana dhinaceeda
waxa loo jeedinayaa waxyaalo ay ka mid yihiin Naq, Cabatin, baanis IWM.
Tusaale ahaan marka uu nin si kama’ ah u dhinto wax hidaayo ah ma laha
ee waxa la kala qaataa ama la kala gurtaa magtii oo dhan oo ah
boqolkii halaad, iyadoo jifidana mar la kala qaato, qubanahana ama
magweyntana mar la kala qaato, hadii la doonana mar saddexaad wixii
hadhaa magta ka ah la isa siiyo, laakiin kolayba meel nin ku dhintay
ma hawl iyo taah yara, taas oo masalan hadii ay mar kale tiiyoo kale
dhacdo ay qolada wax laga dilay odhanayso "maantana ma laynoo noqday,
kii hore ayaanay deero-deero u hirdiyin".
Laakiin bal aynu eegno sida arinkoodu noqonayo laba qolo oo ay hidaayo
hore ka dhexaysay, hadana mar kale sidaas oo kale loo dilay hebel oo
aanu reerka laga dilay ku jirin nin ka qiimo badani ama hadii aynu si
kale u nidhaahno ahaa nin aanay reer hebel uga dambayn, ka dibna la
isu soo qalab iyo rag urursaday, iyadoo muusanow la iskula
dhex-wareegayo oo la leeyahay "Boqole boqol baa lagu doonaa", ka dibna
tol kale oo labada reer ee dhiiladu ka taagantahay u simmani xaajada
soo dhexgalo, iyadoo ay arintu meel-xun marayso oo ay ku dhowdahay
inay faraha ka baxdo oo ay labadii col is-kulaalayaan, isla markaana
ay hadimotalis iyo bagaan beloba meesha joogo oo Go’ ridayo, waxayna
qolada soo dhexgashay tidhaahdaa "Belaayo hor la qabto ayey leedahay
ee daba la qabto malaha".
Waxa kale oo la yidhaahdaa "Reerku hadii aanu lahayn laba laba lagu
gudo (Deeqsiyo), laba isu guda (Talo-qabeenno), laba laga gudo (geesiyiin)
waxa la yidhaahdaa reerku reer ma aha, waxaana halkaa ka muuqatay
inaanay reerka waxba ka dhamaanayn, mesalan ninkii oo boqol halaad ah
hadii ay raggii dhexda ahaa ay xukumaan 150 Halaad iyo gabadh
godob-reeb ah, isla markaana la yidhaahdo "Waa mag-dharaareed",
mag-dharaareedna waa magtii oo hal mar la wada bixinayo oo aan sidii
caadiga ahayd waxba loo soo noqonayn, laakiin marka sidaa la xukumo
arintaasi xal kale malaha, gartaasina waxay ku foorartaa qoladii wax
dishay...
La soco cadadka dambe. |
|