|
|
|
|
|
Garta xeer-beegti Q:
5aad By Caaradhuub
Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen caaqilnimo, ka dibna
waxay isu tageen nin Xidaar ah (Garyaqaan), dabadeedna wuxuu geeyey
geed hadh-subaxeedkii, iyadoo ay goortu ahayd goor barqo ah, markii uu
halkaa geeyeyna wuxuu ku yidhi "Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii
fadhiya", ka dibna hadhkii ayaa wareegay markii ay qoraxdii
subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin ayaa mid ka mid ahi halkii
la fadhiisiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aanu ka kicin, halkaas
oo uu bacadkiisii fadhiyey, isaga oo ku dhididay, kuna harraaday,
ninkii kalena kol-ba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey ,
dabadeedna galabtii ayaa odaygii Guurtida ahaa u yimi , ka dibna wuxuu
arkay labadii nin oo uu midna hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii
saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo aanu silic waxba uga dhinayn, ka
dibna odaygii Guurtida ahaa ayey ku yidhaahdeen na kala saar,
dabadeedna odaygii ayaa yidhi "Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba
isu garnaqaye, waayo ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u
taliyaa saw jabi-maayo, ninka kol-ba halka hadhka leh u wareegayeyna
sow kolba halka talada iyo xaajadu reerku joogto ku go’aan qaadan
maayo", sidaas ayeyna gartii labadaa nin ku dhamaatay.
Waxa kale oo la sheegay inay laba nin oo uu mid markaa ahaa suldaan ay
isku qabteen saldannada reerka, ka dibna sida igu maqaalo ah waxay
isula tageen Ina-Cabdulla Xasan, dabadeedna Ina-Cabdilla Xasan ayaa
ugu horayn labadii nin maalin casuumay, ka dibna labadii nin ayaa mid
sii kaxaystay 100 nin oo isugu jira reerkiisa iyo reerihii kale ee la
yaalayba, halka uu kii kalena keligii casuumaddii tegay, dabadeedna
Seyidkii baa ninkii keligii yimi ku yidhi "Dhaharow maxaynu ka wada
hadlaynaa waxa kaa madaxsan ninka dadkiiba dareersadaye", sidaas
ayeyna labadaa nin gartoodu ku dhamaatay.
Sidoo kale dhacday inay laba nin oo sida la sheegay Ciise ahaa ayaa
mid ka mid ahi maroodi dilay oo dhaawac u geystay , ka dibna nin kale
oo Ciise ah ayaa dhiigii maroodiga ka daatay raadkiisa raacay,
dabadeedna wuxuu u tegay maroodigii oo aan waxba la noolayn, ka dibna
wuu dhaawac-tiray oo sidaa ayuu maroodigii ku qudh baxay , laakiin
labadii nin ee midna maroodiga dhaawacay, midna dhaawac-tiray ayaa
dacweeyey oo xeer Ciise isla galay iyaga oo sida la sheegay geedkii
1aad ilaa geedkii 12aad isla maray, dabadeedna oday ka mid ahaa raggii
geedka fadhiyey ayaa arintii loo sheegay, odaygii baa yidhi, "Sow tii
la yidhi Maroodiga durdur mooyee dar ma deeqo, oo duur mooyee dureemo
ma qariso, oo nin makala (qudh-jara) mooyee nin mudaa ma dilo". Ka
dibna gartii sidaa ayey ku dhamaaatay, laakiin sida aan sheeko ku
maqlay odaygii markii uu gartii sidaa ku dhameeyey ayey naftii ka
baxday oo sidaa ku dhintay, waxaana la yidhi waxa halkaa ku baxay
halkudheg la magac baxay "Nin malaggii galay iyo mamaasan (Qabiil) u
gal".
Gar-booli: Waxa dhacda inay laba qof ama nin isku qaybsadaan
wax aanu midkoodna lahayn, sida lacag iyaga oo wada socda ay meel
cidla ah ka heleen, ka dibna uu labada nin midna hor arkay, midna
horqaaday, lacagtaasina waa booli aanu labada nin ee isku haysta midna
lahayn, laakiin marka laga gar-qaado labada nin mid-baa booligaa
yeelanaya oo aanu xayiigle (Xaqlihii ay lacagtu ka luntay) mooyaane
aanay cid kale ka kaxayn karin. Sidoo kale waxa dhacda xiliga
dagaalada in nin colka labada dhinac ee dagaalamaya ka mid ahi uu dilo
nin cadawga ka soo horjeeda ah, laakiin uu nin kale oo warranle ahi uu
furkii ninka la dilay gacanta ku dhigo, iyadoo uu furkaasi noqon karo
Faras ama qori, ka dibna ay furka ninkii ninka dilay iyo ninkii furka
gacanta ku hordhigay isku qaybsadaan. Labadaas nin-na nin wuxuu taagan
yahay "Anigaa ninka dilay oo furka ka ritay ama furkiisa dhacsaday
maadaama aan dilay, nin-na wuxuu leeyahay anigaa naftayda biimeeyey oo
cadawga ka soo qaatay furkan."
Sidoo kale waxa kale oo iyana dhacda in geel la soo dhacay uu nin
habeenka hore xeraysto, ka dibna uu ninkii la soo dhacay ka sheegto,
laakiin waa tii la yidhi Gari laba nin kama wada qosliso, sidaa
darteed garta booli xeerkeedu waxa weeye "Booli waxa leh ninka gacanta
ku hordhigay ama uu xeradiisa soo horgalay", ninkaasna waxa kiciya ama
gar xoolahaa kaga qaadi kara ninkii yedlaha ahaa ee xoolahaa lahaa,
laakiin meelaha qaarkood waxa xeer u ah in ninka wax dilay ee furka la
isku haysto ninkii lahaa dilay la siiyo qaalin la yidhaahdo
Shakama-qabad. Ta kale marka laga hadlayo xeerarka dagaalka gaadaha (Dilka
dhuumashada ah) mooyaane gulufku (Dagaalka kafool-kafoolka ah) ma laha
godob gaar ah, laakiin hadhow marka la heshiiyo ama la is-waraysto
ninkii furkii hebel inuu hayo lagu waraysto ama lagu arko, ninkaasi
isaga ayaa qaba ama loo raacayaa godobtii ninkii furka lahaa ee la
dilay.
Waxa kale oo dhacday ama dhacda inay laba nin oo dagaal wada galay
isku mar qori gacanta ku dhigeen, ka dibna way isku qabsadeen, laakiin
markii ay indoora kala maroojisanayeen ee ay isku xiiqeen ayaa markii
dambe mid qorigiisii uu hore u sitay tuuray, dabadeedna ninkii kale
inta uu sii daayey ninkii qorigiisa tuuray ayuu qaatay qorigiisii uu
tuuray, isla markaana ninkii qorigiisa tuuray wuxuu qaatay qorigii
booliga ahaa ee ay ninka kale isku haysteen. Laakiin maalintii dambe
ayuu ninkii qorigiisii tuuray ee uu ninka kale qaatay yidhi "Qorigaygii
ayuu ina hebel haystaa markaa xigaal ayeynu nahay oo dhac inagama
dhexeeyo’e halayga keeno qorigayga", dabadeedna waa laga siiyey,
ninkii qoriga laga qaaday waxa la siiyey samir-siis si aanay
xigaalnimadu u dhantaalmin.
Waxa kale oo dhacday inay wada duuleen laba qolo oo fandab leh (Xurguf),
ka dibna waxay soo dhaceen geel, dabadeedna geelii ay soo dhaceen ayaa
habeenkii meel looga xero-dhigay, iyadoo ay qolo waliba geel gaar ah
wadato, waxayna ku kala xereeyeen laba xero oo isku qabsan, laakiin
geelu waa oomman yahay, dabadeedna oday xiribta yaqaan (farsamada
xoola-dhaqidda) oo labadii col midkood ka mid ah ayaa yidhi "
Xeradeenna waxaad ka dhigtaan xagga xigta ceelkii uu geelu ka cabbi
jiray, isla markaana oodda labada xero u dhexaysa (Qoqobka labada xero)
waxaad ka dhigtaan mid gaabban", dabadeedna sidii bay yeeleen, ka
dibna habeenkii ayaa geelii qolada kale tuladii hal-doorka ahayd oo
dhami xeradii kale ee xagga ceelka xigtay ee colka kale u dhacday,
balse subixii ayaa geeli xerada kale u daatay nin is yidhi dib u celi,
laakiin nin colkii kale ah ayaa ninkii is-yidhi geela dib u sooc
xabbad ku dhuftay, sidaa ayuuna ku dhintay, dabadeedna...
La soco cadadka dambe. |
|
|
|
|
|
Ma
haysaa gabayo qoraal ah ama kuwo duuban oo aan halkan ku jirin
amase naga qabyo ah? Hoygasuugaantu wuxuu hayaa
qiyaasta 240 Cajaladood oo gabayo ah. Waxaanu diyaar u nahay inaan
<>1
Cajalad kuugu beddelo 5 Cajaladood oo aad doorato.
<>1
Gabay Qoraalna 5 gabay. |
|