|
Garta
xeer-beegti iyo xeerarka somalida
Q: 1aad
Odayaasha iyo xeerbeegtida maanta nool ee garaha qaada ama doonaya
inay qaadaan waxaan jeclaan lahaa inay ka faa’iidasytaan mawduucan.
Somalidu waxay dhaqan iyo hiddo u lahayd garsoor wanaagsan, gobanimo,
is-jidmarin, is-xaalmarin, isudulqaadasho, is-dhaahin iyo mucaamil
nololeed oo wanaagsan, kuwaas oo la odhan karo waxa uu 100% ka
wanaagsaana shuruucda iyo qawaaniinta ay dunida casriga sheegataa
maanta ku dhaqanto, iyadoo aanad maanta arkayn cid isu garaabaysa iyo
cid is-garmarinaysa iyo cid garanaysa gartii xeerbeegti ee lagu kala
bixi jiray, sidoo kale ma jirto guurtidii xeerbeegti ee dadka ku kala
hagoogan jirtay marka ay xaajo murugto ee ay arimuhu dhab-qaan.
Gartu way noocyo badan tahay, berigii horena qofku waa yaqaanay sida
uu ku gar helayo iyo inay gari meesha ugu jirto iyo inkale, laakiin
noocyada loo garqaado waxa ka mid ahaa ama loo garnaqsado waxa ka mid
ahaa:Garaw, Dhaahin, Xaal, Muslax, Gar-cadaawe, gar-shareeco, gar-xeerbeegti,
Gar-booli, Gar-jilaad iyo qaar kale, waxaana dhici jirtay in la kala
gar-helo, iyadoo ay gartu noqon jirtay gar-cadaaladeed iyo gar-eexo,
laakiin ninku wuu gar-qaadan jiray, taasina waxay qayb ka ahayd
hiddosamida dhaqanka iyo gobanimada dadku lahaa.
Guddiga xeerbeegti ee garta qaadaysaa waxay ahaayeen kuwo yaqaan waxa
ay wax ka garnaqayaan iyo waxa ay wax ku dhamaanayaan, hadii ay muslax
tahay, hadii ay kala dareerin tahay, hadii ay gar cadaawe tahay iyo
hadii ay gar kale tahayba, waxaase jiray wax la odhan jiray Samatalis
iyo hadimo talis, kuwaas oo ahaa laba calaamo oo lagu kala sooci jiray
ragga had iyo goor garaha gala, kuwaas oo u qaybsami jiray nin daacad
ah oo la odhan jiray waa Samatalis iyo nin aan daacad ahayn oo la
odhan jiray Hadimotalis.
Garta hadii la feeniyo ama la Axalo-cunsiiyo cidda garnaqaysaa wax
ambiil (Racfaan) ah lagama qaadan karo, taasina waxa weeye garta adag
ee loo yaqaan gar-cadaawe.
Somalida badideedu maadaama ay suugaanta hodan ku ahayd, isla markaana
ay suugaantu ahayd waxay suugaanta u isticmaali jirtay garaha, sidaa
darteed bal aynu waxoogaa ka taataabano suugaanta garaha loo
isticmaali jiray iyo noocyada garaha ah ee lagu dhaqmi jiray, jidka ka
horeeya garta, cadaymaha lagu kala gar helo, sida loo kala gar helo,
xeerarka Somalida iyo kuwa xeer-ciqaabeedka ah, cidda xeerka jebisa
sida laga yeelayo...
Q: 2aad
Ninka inuu gardiid noqdo dhaqanka iyo xeerka waa ku ceeb, sidoo kale
hadii laga gar helo waa inuu garawshiinyo bixiyaa, waayo hadii uu
garawshiinyo bixin waayo waxay taasi noqonaysaa gun-nimo, laakiin
cidda garta naqaysa xataa hadii ay si cadaalad ah garta u qaado cidda
garta laga helay ma gafto waa layga eexday, waxba layma waydiin IWM,
sidaa darteed cidda garta naqda waxay mar walba dhaxlaan godob.
Laakiin cidkastaa haka cabatee cidda gartaqaadaysa waxa mar walba
looga baahan yahay cadaalad iyo inay garta aad uga baaraan-degaan,
iskana hubiyaan wixii ay cadaalad xumo uga iman karto. Sidoo kale
dadka ama dhinacyada garnaqsanaysa waxa mar walba looga baahan yahay
inay gartooda banaanka ku soo akhristaan oo ay qolo waliba dhinaceeda
si fiican u ogaato cidda ay is-hayaan waxa ay xaq ugu leeyihiin iyo
waxa dheeraadka ah ee sitaan, waayo waxa fiican inta aad banaanka
joogto ee aaddan golaha iman inaad gartaada soo akhrisato, maxaad gar
u leedahay, maxaadanse gar u lahayn, markaa "waa sidii Jemeshii Wacays
kaliile’, marka aad arin gelayso waa inaad talo ku dartaa oo hadii aad
is leedahay waxaa waad ku ceeboobaysaa aanad gelin, isla markaana
marka aad aragto in lagaa gar helayo ama aad gar darran tahay aad
garawdo. Soomaalidu waxay tidhaahdaa "nin aan garaw baranini gar ma
barran". Ta kale waxa iyana loo baahan yahay inaad malayso cidda aad
wada hadlaysaan ee kaa soo horjeeda inay kaa af-roon tahay (Af-tahamo
badan tahay) iyo in hadalkiisa lagaa xigo oo aanu kufkaaga ahayn,
waayo Somalidu waxay tidhaahdaa "gadh-ba gadh baa la tusaa".
Ta kale waxa jira hadal aan afkaaga ku wanaagsanayn oo afka
Inaadeerkaa ku wanaagsan, tusaale marka seedigaa kaa soo horjeeddo ama
arini idin dhexmarto, soddoggaa oo kale iyo qof kasta oo xil kugu leh
ama aaddan afka ku kala waaxi karin. Sidaa darteedna lagaaga toosan
yahay ama wax odhaahiisu afka cid kale ku wanaagsan yahay. Somalidu
waxay tidhaahdaa "Hadal nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama
hororsado". Laakiin dhaqan xumooyinka soo kordhay waxa ka mid ah in
labada reer ama labada qof ee arini dhexmarto halkii si wanaagsan
loogu gar-qaadi lahaa in gartooda la mashruuceeyo oo ay waqti dheer
qaadato ama cidiba kala saari waydo oo ay isku sii murgaan oo timaha
la isugu sooho ama marka ay arkaan in la isku dilayo ay iyagu iskood
isaga kala dareeraan.
Xiliyadii hore garta laba qof ama laba qolo loo qaadayaa kama ay badan
jirin inay maalin ama habeen iyo maalin socoto xataa marka ay guddidu
raagto oo ay debedda u baxdo, waayo waxa la odhan jiray "Guddi raagtay
ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan meesha ku jirin
ayey soo gelinaysaa", isla markaana hadimada iyo waxa xun lama talin
jirin, iyadoo xataa hadii aanu qofka aakhiradiisaba u tudhan ay marka
horeba hadimo-taliska iyo eexdu godob aan hadhin leedahay, sidaa
darteed hadii aad cid u gar-qaadayso ha u kala eexan, waayo waxa jirta
xikmad Soomaaliyeed oo tidhaahda "Meesha aad qof ka qaadanayso qof
baad kaga tegaysaa". Ta kale ninka hadimada iyo wax xun taliska ah
waxa uu cawaaqibkiisu ka muuqan jiray naftiisa, maalkiisa iyo
ubadkiisa, isla markaana cawaaqib-xumadaasi kama hadhin jirin sagaal
awaw ama abadkiis, iyadoo dhinaca kalena uu dadka dhexdiisa ka
noqonayo nin ceebo ioy naanayso leh oo canbaaraysan, bal eeg
maahmaahan "Nin wiil lihi xeer ma duraanto, nin markhaati been ah kuu
furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay", waayo
markhaatiga fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob, laakiin
ninka markhaati been ah furaa kalsoonidiisa iyo xeer-beegtinimadiisa,
waayo mar hadii lagu yidhaahdo "Ninkaasi xaajo qaad ma aha", War-gal
ma aha", "Hebel uga qaateen ma aha’ IMW waxa uu noqonayaa nin gabadhii
guur-beeshay. Sidoo kale ninka ay maalin ka xumaato waxa raaci jiray
jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la yidhaahdo "Gole
saymo, hoos-waliba hadalkiisa leh, golaha madhnaan lagagama tago",
waayo golaha ama ceeb ayaad kaga tagtaa ama raganimo ayaad kaga tagtaa.
Masallan ninka suuqa ka tow-tow leeya ee yidhaahda cidaas ayaa
gardarran ee maxaa wax looga qaban waayey waxa la odhan jiray "farasow
kacdaada iyo kadladaada isla sug".
Laakiin marka laga yimaado ninka hadimo-taliska ah waxa isna jiray nin
samatalis ah...
|
|