Ha samrina waxan saadiyaa innama seegaane
Ha samrina sabciin iyo kunbaa sidata maadhiine
Ha samrina sirqaa lagama tago saman colaadeede

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
 
Imanmayso HY
Miyaanaan
Cibaaradaa daya
Moqorraysta
Jawaabti Samatar
Gadhka-Yogolka
Hadhuudhle
Dawdar falan
Daarood-ku-Xaar
Jawabti Dhuux
Yawle & Hinnig
Yawle & Hinnig
Keligi maahayn
Maax & Gadiid
Colaad Sokeeye
Ha samrina
Maa la heshiyo
D o o d
Ma magoolo
 
 











 
 
Maxamed Aadan Caws
 

Geeraarkan Yawle wuxu ka tiriyay dagaalladii dhex maray Muuse Care iyo Muuse Ismaaciil isagoo markaas tilmaamaaya faraha Ismaaciil Care oo uu ka soo jeedo.

Sugulli Habar Yoonis
Saa'idku ku lahaa iyo
Ceynaashihii ka sokeeyeyiyo
Reer Weydow sanadaakan
Samow Xaaji Waraabe
Oo Seydidkiiba Alfaalay
Ugaadhkii sanjacnaaa
Ee marka sarmo la sheego
silolaanta aqoon iyo
Muusahaas sinta buurta iyo
Seynta qoorta ka yaala
Xuseenkii samcannaa ee
Soomaali oo dhan aqoonin
Gumbuur oo kun saloogan
Saacateen ku helaaya
Waxba yaan kala soocin
Sifahood kala sheegine
Sagaal kooda bahood
Ay sedaxbaysla dagto
Ka samaan ka samaan
Kuwaas baan sugayaaye
Sammri maayo dhahaaya
Gadhweynoo sanqadhaydiyo
salawgayga maqalaysoo
Dooxadii Suradeed
Sengayaasha ku naaxay
Subax soo qabysanysa iyo
Sacadna waannu u yeedhi


Halkaas markay maraysay ayaa hadana wuxu Yawle tirinayaa gabaygan u ku hal qabsanaayo nin la odhan jiray Sugaal oo lagu qabtay dagaaladaas iyo rag kaloo badan oo Muuse Ismaaciil ah oo dagaaladaas lagu qabtay ayuu Yawle ku guubaabinayaa gabaygan hoose.

Ha samrina waxan saadiyaa innama seegaane
Ha samrina sabciin iyo kunbaa sidata maadhiine
Ha samrina sirqaa lagama tago saman colaadeede
Ha samrina seef laguugu heeshay baad sahayan doontaane
Ha samrina sagaal baa u go'ay sararta reer Cawl'e
Ha samrina sodcaal bay ku iman sabada caymeede
Ha samrina waxan saadiyaa inama seegaane
Sideediyo Sideediyo Sideed sano haday gaadho
Ha samrina Sugaalow raggi weydin sugayaaye.

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com