|
Home
|
Gabayo
|
Maqal
|
Abwaan
|
Halqabsi
|
Imanmayso HY
Miyaanaan
Cibaaradaa daya
Moqorraysta
Jawaabti Samatar
Gadhka-Yogolka
Hadhuudhle
Dawdar falan
Daarood-ku-Xaar
Jawabti Dhuux
Yawle & Hinnig
Yawle & Hinnig
Keligi maahayn
Maax & Gadiid
Colaad Sokeeye
Ha samrina
Maa la heshiyo
D o o d
Ma magoolo
Keligii Maahayn
Maxamed Aadan Caws "Yalwe" (HY)
Yawle ayaa gabadh reer caynaanshaa doonay isagoo dhalinyaraa dabadeedna cabdi laahi
maxamed oo (Muuse ismaaciil) ah (Reer gadiid) oo nin wayn oo raga reeraa u taliya ka
mida ayuu damcay inuu salaamo dabadeetana salaantii buu ka qaadi waayay waxaanu ku
yidhi hay salaamin ma ragii aabahaa dilay baad inan ka doontay halkaas buu yawle
gabaygan ka tiriyay iyadoo dadku leeyiin gabaygani wuxuu ahaa kii ugu horeeyay ama
mid baa ka horeeyay.
Kaftan hadalka qaar kuma galo oo waa karaahiyo
Kasha aniga iigama dhaco iyo kaarka feedhaha
Kulli halaqu xaaraamacune kaal is wada ruubye
Kunbaa lala dilee aabahay keligi maahayne
Arladana kur caydha iyo ka baday kuray agoomeed
Ma soo kicin sidii loo kanbalay koofil iyo giib
Kalaa saajimaa maarrihii lagu kabaal qaad
Kubtu mudhuxday dibirootigii kiinki gaalada
Kudladna way u yiileen lafuhu sida kashkaashkaas
Kutubtiyo shareecada ragii keenay lagu tuur
Kararahe ashraaf iyo kuwii kaafka haybsaday
Iyaguba kilaha iyo ku go?e kadigi beereed
Kala ridanay reerahan aad igu karaamayn
Cabdalaha waxaa igaga kulul kiiska reer hagar
Kontan baha makaahiila ayuu koobay reer Caliye**
Raga kibirka lagu laynayo ayaa igaga kaar wayn
____________
** Reer Cali = Jilib Arab ah
Copyright 2000 - 2002
HoygaSuugaanta
.com