Geyi wada Casuura leh miyey Goodir ku ekaatay
Gabno iyo hashii aad ahayd xoor miyay gunudday
Ma gallacay sibraaradda karuur gama' dhanaankiisa
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
Imanmayso HY
Miyaanaan
Cibaaradaa daya
Moqorraysta
Jawaabti Samatar
Gadhka-Yogolka
Hadhuudhle
Dawdar falan
Daarood-ku-Xaar
Jawabti Dhuux
Yawle & Hinnig
Yawle & Hinnig
Keligi maahayn
Maax & Gadiid
Colaad Sokeeye
Ha samrina
Maa la heshiyo
D o o d
Ma magoolo
 










 
 
 
Geela

Maxamed Aadan Caws "Yawle" (HY)


Gabaygan wuxuu abwaanku ku sifaynayaa Geela oo muhimad weyn ku leh dhaqanka reer guuraaga ee Soomalida.
  Anaga geelu meeshii xumayd noogu geli waaye
Gubad barasan baa lagu furaa goorta roob helo'e
Goonyaha intaan sahan u diray geedo maw aragnay
Sida guluf Ogaadeen u kacay godollo ma jeedney
Ma ka gudbney qoladii xunbaa gaalku celiyaaye
Geyi wada Casuura leh miyey Goodir ku ekaatay
Gabno iyo hashii aad ahayd xoor miyay gunudday
Ma gallacay sibraaradda karuur gama' dhanaankiisa
Ganaaxbaanu kaga yaabaynaa gurigi maw diidney
Waxay doogga goysoba markuu farawgu gaasheeyey
Ee uu gammuurmaa ayaa loo galaasalehe??
Go'aankeedu waa meel biyo leh inay u guushaaye
Galool laguma raaciyo dhulkaa geed ul loo koraye
Madheedh loo gammuuruu sitaa Gaaf ninkii wadaye
Galabtaa carraabada waxay galangalcaysaaba
Habeenkii xeryaha Guullada yey Gaas u hoyataaye
Laba Ceelalyada loo gartaa guda allaylkiiye
Goor ay salaaddii tahoo galawgu eedaamay
Ka gug siiye oo waxay tubeen gegidi dheerayde
Gadh-madoobayaal maali jirey Gu' iyo Dayrtiiba
Iyo Innamadiibaw guntadey gaafannaan jiraye
Gunbaan shubi aqoonine la yaab say u gelayeene
Gaagga iyo halihii yarbaa fula gadaalkiiye
Hadhkaan geesna jirinbay biyaha dhab uga giigtaaye
Markaasaa raggii soo gudshiyo gacalku maalaaye
Gadaalkii dar loo qaybiyaa gura wadaamaaye
Giddigii wuxuu doonayaa geeljiruu maro'e
Intaan laba go' iyo shaadhyariyo garan u soo gooyey
Halkii Geed-Xadhaadh lagu ogaa Gooddi maw fuliyey
Habeenkaa goshii buurta iyo doox ma sii geliyey
Maantiina godankii Badweyn caws miyay guratay
Habeenkaana gaafkii Muyo iyo Garab ma loo hooyey
Ma ka gudiyey gelinkii dhexuu galauhu duulaayo
Qorraxdoo gabaabsiya miyaan daranta gaadhsiiyey
Waa goob illaahay ku diray guuldarriyo tuuge
Intaan gegi bannaan soo arrumay gaadh ma ka ahaaday
Gunbi iyo Gardheer iyo markuu galay wiyeerkiisa
Garmaamada markuu Eexasoor gudub u weydaartey
Habeenkaa ganuunii Buqdiyo gegi markuu qaytey
Gudoodiga Allaykii intay guura-bahallaysay
Goof iyo miyaa Hoosasamo gaaxda lagu geeyey
Gadaalkii miyaa laba maqnaa gacanta soo taagtey
Sibraarada guduutiyo miyuu gorofyo ceegaagshey
Gaashaan miyuu uga tuntumay gaaska qoladaydu
Guddoonlaawe iyo Daad miyuu sii gelgelimaystay
God-Heeliga bannaan iyo miyuu Goosha ka carraabay
Gobka Maxan miyuu hawbadloow geeddi kor u dhaafay
Guuleeddo waa necebyihiin gobolladeenniiye
Nimankays gamuumaynayseen waa guntanayaane
Gaadiyo badheedhbay markaa gaari(s?)fanayaane
Inaadeer garbaha yaan la tudhin gacanta mooyaane
Ha gam'ina ninkii gaadhxun waa lagu gabraartaaye
Guuleysta Cawloow waqiinaad gani ogeydeene.
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com