Q O R A A L

 

Bal ogoow

Laguma gooheene

Cige ma loo sheegay

Halkiinaa fadhiya

Daarood ku-xaar

Maya-daannu nidhi

Jawaabtii Yawle

 

 

 

 Cismaan Aadan (Cismaan Indhoole)

  HY  - Muuse Cabdalle

Somali Poetry


Naagahays hadal taqaanniine
Geel baa Reer Caynaanshe ka dhacay reer Faarax Max'd (Muuse Cabdalle). Geelaa sida la sheego awr laga qashay mooyee intiisii kale waa la soo celiyey. Cismaan Indhoole oo Berbera jooga ayaa rag ay kaftan wadaag ahaayeen oo Ciise Muuse iyo HJ ahi afarrey ku tuureen ay lee yihiin;

Muusa Cabdallii Golis fadhiyey, geeli laga qaadye
Iminkay guntanayaan siday gaadhi karayaane.

Cismaan Indhoole jawaabtiisii waxa ka mid ahayd beydadkan halqabsiga qaarkeed noqday; Gabaygu ma dhamma:

Hadal waxan ka idhi geelayaga, hawdka laga qaaday
Hadal kalena waa reer Berbera midan ku haaneedey!

Lugaa holosha, bawdyaa hilbala', ee harugu uun joogo
Haylaha buluugga leh, ulaha lala hulleelaayo
Nin Badeecad hoos jiifsadoo, hadh iyo shaah haysta
Weligiinba goob rag iska helay, libin ma hoysaane
Haki baa dagaalkiinnu yahay, lagu hor yaacaaye
Halkiinnaa fadhiya naagahays hadal taqaannaane.

Hadal kalana waa geelayaga, hawdka laga qaaday
Huudhiga yari mawjadduu, hubuq yidhaahdaaye
Halqullaahi meel laysu yimi, heel la wada joogo
Hore waxa u soo mara kolbaba, caalinkays huba'e
Hareeraa wax laga naadiyaa, kaan horuu idhiye
Sidii dunida loo soo halquu, hadal ka taagnaaye
Hooyadu kuway wada dhashaan, had isu deyneyne
Nin habeen xareeyoon la gelin horeba loo waaye.

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com