Q O R A A L

 

Bal ogoow

Laguma gooheene

Cige ma loo sheegay

Halkiinaa fadhiya

Daarood ku-xaar

Maya-daannu nidhi

Jawaabtii Yawle

 

 

 Cismaan Aadan (Cismaan Indhoole)

  HY  - Muuse Cabdalle

Somali Poetry



Col Ogaadeen ah ayaa geel ka qaaday Baha Ismaaciil (HY). Geelii waa laga daba tegey raggii lahaana way dhacsadeen nimankii soo duulayna wax dhintay iyo wax firxadaa laga dhigay. Cismaan Indhoole ayaa warkii soo gaadhay markaasuu libta Baha Ismaaciil siduu ugu farxay gabaygan aan noo dhammayn kaga faallooday;

Ma gabyine beryahan waanigii, gaaxiska ahaaye
Hadba aniga oo gamashiyaa, gale yimaaddaaye
Warka Hawd Galbeed nagaga yimi, waa mid guul badane
Gacal nimad tihiinoo lib helay, waa gu' kuu da'aye
Anna gabayga inan faafiyaa igu gar weeyaane.

Geelii la qaadyeey markuu, gabanku soo qayshey
Garri weeye niman haysaninin, godanow maadhiine
Loo guray shakado giigsaniyo, gaabanow sumuce
Garawkiciye goortuu ratigu, goray ku sheemaayey
Uu garab ku riix iyo qallaco, geela celinaayey
Aad giirka labadiisa jiqil, gorayga moodaysay
Uu dhibida guudkiyo kelyaha, giir isaga yeelay
Gurxan ololka goortay nirgaha, gudub ka eegaysey
Geerida dhaqsaa leh buu dunida, geelu dheer yahaye
Is ...... raggii maali jirey labada gooroode
Goodaaddo waa ceebe way, geylan dirireene
Xergigeeda Goodeey miyaa, la isku soo gaadhay
Geesaha intii lagala maray, gaagyar laga reebye
Gaajada waraabii qabiyo, gudurigii haagye
Alloow may dadkaa kale galaan laguma goohene.

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com