Q O R A A L

 

Bal ogoow

Laguma gooheene

Cige ma loo sheegay

Halkiinaa fadhiya

Daarood ku-xaar

Maya-daannu nidhi

Jawaabtii Yawle

 

 

 

 Cismaan Aadan (Cismaan Indhoole)

  HY  - Muuse Cabdalle

Somali Poetry



Gabaygan wuxuu Cismaan Indhoole uga jawaabay gabay uu Cige Aw Cali oo ay gabay wadaag ahaayeen u soo tiriyey. Gabaygii Cige maanu helin weli. Gabaygu ma dhamma.


Gabaygu waa ciraabiyo hawiyo, caato iyo daale
Camma niman dhamayn baa is yadhi, caalim baa tahaye
Marse haddii cilmiga loo fashilo, ciiro lagu daahye
Cadceed iyo cadceed meesha iyo, ceelka Tegimaale
Curcuraa Wardheeriyo Nugaal, cidhifyadii Goonle
Inaan geelayaga kayn cosoba, cidi ka soo waabin
Oon caymadkiisana la qalan, Cige ma loo sheegay.

Canbaarkoo onkodaybuu ku dhalay, ceelki Xodayoode
Carmallada rimiyo baarqabbada, doobta ka cisiiyey
Caddad malaha Maadhiinyaraha, lagu carrawshaaye
Caanaa la qubayaa ka badan, mayaygi Caadoode
Wallee inanka soo caayayaa waw calool li'iye.

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com