Q O R A A L

 Cidi ma ku shegtay

  Ammaan Geel

Laguma weydiin

  Jug ma ridey

Waranka soofe

DiraDire

Af kala qaad

Kala qolo

Carruurtii Rasuulka

Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow"

HA - Sacad Muuse Af kala qaad

Somali Poetry



 

Cabdi Gahayr iyo Camanje ayaa isu gabyey markaasaa Camanje tirshey gabay hal-xidhaale ah. Cabdi Gahayr uma jawaabine wuxu yidhi ninku aakharuu ka gabayey oo anigu u gabyi maayo.

Ismaaciil Xayd Xirsi oo Berri-Carab ku maqan ayaa loo sheegay oo la yidhi nin Camanje la yidhaahdaa soo baxay. Gabay dheerbuu soo diray oo laga hayo;

Haddii Wiil Sinsaara u duwa oo Sikhina loo waayey
Anigaa sibsibadaw biyeyn oo waa saqiir dhalahe
Igu sima anigaa Caabbiyoow la ila sugayaaye
Iskana seexda Suuqii halkiyo Saadanbaan imanne



Camanje intuu iska tegey buu yidhi;

Wallee kuguma sugo saaxiryohow Seyladdii Herere.

Gabaygan waxa lagu khaldaa gabay uu lee yahay Xaaji Cali Geelle. Dad badan baa labada gabay isku dhex qasa oo markaa ka dib marna Afloow siiya marna Xaaji Cali Geelle. Intii tamartayada ah ayaan isku daynay inaan labada gabay kala gurno oo Abwaan walba intiisa goonni ugu xaradhno.
 

Afar boqol ka badan maansadaan, uurka ku hayaaye
Afarrayda nimanbaa tirshoo, lagu amaanaaye
Isaaq iyo Ogaadeen haddii, laysusoo urursho
Ninka aniga mooyee gabyaa waa afkala qaad.

Awr badan waaraabuhu hadduu, waa ajale laayo
Kuma aamusnaadee hadduu, uubatada qaado
Oo aarka wayn ugu yimaad waa afkala qaad.

Hadday ayra geel kuu rintood, waayabadan eegto
Uumiga kaliileeda hadday, aaminey curato
Oo ibiha naasaha la jaro waa af kala qaad.

Cirka oo awaal gudhay hadduu, oogo ka hillaaco
Laga ooli maayee haddii, lagu itaal guuro
Oon idhanka doog loogu tagin waa afkala qaad.

Markabkoo awaalkacay hadduu, shooladda afuufo
England iyo Walaa' buu tagaa, toban ayaamoode
Aafaadku waa bad'e haddii, dakhalku iimoobo
Kol haddii injiinku u fakado waa afkala qaad.

Nin sixiimad idihii ku guray, iyo alaabtiiba
Iyadoo ayaan maqan kolkay, uura culus keento
Duufaan hadduu kugu afrogo waa afkala qaad.

Culimada abaabiyo fadhida, Adari guudkeeda
Haddaan origa jaad loogu ridin waa afkala qaad.
sheikhii axkaantii bartiyo halkay diintu ku aroorto
Hadii alifle waabka ugu tago waa afkala qaad.

Nin maqaaxi iibsaday haddii, loogu iman waayo
Wuxuu eego eegaba haddii, maqalku uugaamo
Kol haddii albaabada la xidho waa afkala qaad.

Tuuggii Ilaahay ka go'ay, aqal haduu jeexo
Isagoo uluuf lagaca sida, inan haduu jiidho
Ulo kulul kolkii lagu dhuftuu, edeb ku qaataaye
Arbiciin haddii lagu xukumo waa afkala qaad.

Abtin sare shisheeyaha haddii, la isku alalaaso
Irbadiisa goortaan qabto, ololow maadhiinka
Arxan nimaydaan kala eeganayn, waa allaw sahale
Hadduu farasku uub kugula dhaco waa afkala qaad.

Magayaduu Amxaaruhu watee, iimay laga keenay
Sange uubad jeex ahi hadduu, sheedda ka eryoodo
Oo eriga baal loola kaco waa afkala qaad.

Ashahaadadii waan saxnaa, waanad aragtaane
Arji xaal ninkaan iiga qoran, amarka geeraarka
Ninka aniga mooyee gabyaa waa afkala qaad.

 

Updated :03/26/2010



 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com