Q O R A A L

 Cidi ma ku shegtay

  Ammaan Geel

Laguma weydiin

  Jug ma ridey

Waranka soofe

DiraDire

Af kala qaad

Kala qolo

Carruurtii Rasuulka

 

 

 

 

 

 

 

Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow"

HA - Sacad Muuse Laguma weydiin

Somali Poetry



 

Beela Ciidagale ah ayaa ogaadeen dhuunta u galay. Berigii Danbe ayay inta beelo firxada ka daba tageen ayaa ninba waa maaline laga gol roonaaday. Nin Deyl Yogol la odhan jirey oo Abssame ahaa ayaa gabyey oo yidhi Isagoo ciidagale ku diganaya Ismaaciilna la hadlaya.

Ismaaciil Xayoow laba halaan xalay ku taawooday
Waagaad xaggiinnaa u kici xaraf an kuu sheego
Xubbina iiga qaad tahaydu waa sida xariireede
Sow kama xog-haysaan kuwii xuurta la cunsiiyey

Sow kama xog haysaan kuwii Xaraf u daaduumay
Sow kama xog haysaan kuwii Faras xabbaadhaayey
Seeddoow haddaan lays xasdeyn xoon gobaan nahaye
Anagaase libintii Xignee xuuxda naga daaya.


Ismaaciil Xayd Xirsi "Aflow" waxay la noqotay inuu gabaygaas ka jawaabo wuxuuna tirshey tixdan;

Deyloow wanaagsane haddaan, weedh yar kuu celiyo
Inta Gabayga Waadhoolisaan, waaridkeed ahaye
kamana waakadoo waxaan hayaa, waadigii xarafe
Waxoogaa yar lama Laaqiyee, waan warwariyaaye
Anigu weedha waan daalacdaa, sida wadaadaaye
War biyo leh sideedaa dadkuba, uga Wiyeertaaye
wab ka siiya maantaan sidii weel idiin dariye.

Waanjuu haddii Ceel la daro, Wiig ma madhiyeene
Waraabuu hadduu Neef la dhaco, waa Winjiiriyiye
Waxna ma taro dharaartay xabbadi, daba warraaqdaaye
Geelii wajaaluhu la tagay, weehad iyo loola
Haddaan qori wadaaga ah hayaan, waxar la hooyeen
waxa gabanta waabkeedu yaal, waasicii madale

waanaga wareegteen sidii, waarriyaw bahale
warqashkiyo hadhuudhkaad sidii, weerarteen baqale
weeraadka nabad-diid markii, lagu wareegaayay
Habrahaydun Waajuuciseen, laguma weydiinne
Halihii wadeecada ku galay, laguma weydiinne
Wadartii la jaray Ciidagale, laguma weydiinne
Nimankii Amxaaruhu Wanjalay, laguma weydiinne.


Kolkii reer Wacays lagu wab yidhi, waaga berigiisa
wanbarkiina nimankii ahaa, wahab miyaa laayay
Iyaba waa walaalkiin haddaad, u welweleysaane
Waasaca Bullaale iyo halkiyo, Waraqa Hooyaale
Weelkooda reerihi la qubay, Ala miyaa weertay
Hadaanaan waxoodii ka dhicin wager maxaa geeyay.

Wedkiinuba qariib inuu yahaan, kuu warramayaaye
Wadaadadan gaboobiyo Hablahan, waa walbaba ooyi
Haddaan Waladdadoodii la layn, Ma aanay Weerteene
Waab-Cawska naagaha galaa, ma iyagaa waalan
Mise idinka Wiilkii la dilo Waxar yar baa dhaama.

waglo laguma qaadeen geelayaga, hadaa naga warhaysaane
Waleensina u guura oo Ratiga, Weelka lagu qaadye
Waabayda kuu qooshan iyo, waxa laguu doonay
Waxyar i dhawr waraqbaa la diri wiiggan dabadeede.


Colaadaasi waa sii socotey waata marka Danbe Ciidagale inta libaystaan uu Qawdhan ka gabyayo dagaalkaas.

Updated :03/26/2010


 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com