Q O R A A L

 Cidi ma ku shegtay

  Ammaan Geel

Laguma weydiin

  Jug ma ridey

Waranka soofe

DiraDire

Af kala qaad

Kala qolo

Carruurtii Rasuulka

Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow"

HA - Sacad Muuse Carruurtii Rasuulka

Somali Poetry


Xarbi Ismaaciil oo ahaa gabyaa Ogaadeen ah ayaa gabay uu Carabnimo ku sheeganayo tirshey Isaaqna ku leexday. Ragga u jawaabay waxa ka mid ahaa Ismaaciil Xayd (Aflow) iyo
Qawdhan Ducaale (halkan riix gabayga Qawdhan). Ismaaaciil Xayd oo la yaabay ninkaas ayaa tirshey gabay ay naga soo gaartey(1);


Caruurtii rasuulkaanu nahay (scw), laysma caasiyo e
Ina ashraafta lala caytamaa ,waaba caariyo e
Ogaadeen hadduu carabyahay, iyo culimadii baydka
Oon caade-qaatiyo, sab, iyo caydhxun laga beerin
Isba cawraduu qarin lahaa, ceeb hadduu garane
Caadhlaawe yaa gabayga baray way canjilayaane.

 

____________________

(1) Gabaygan dad badan baa aaminsan inuu qayb ka yahay gabayga "Cidi ma kuu shegtay" ee Afloow halka qaar kalena leeyihiin waa gabay gaar ah oo intii kale maqan tahay.

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com