Q O R A A L

Rogaalkii Xargaga
Ka mabsuudnay
Ammaan Geel

 Axmed Caadleef

HJ > Reer Iidle

Somali Poetry




Gabaygan aan dhammayn waxa tiriyey abwaan Caadleef;

 

Gunburtii caddayd iyo hadduu guban ka soo jeesto
Gunbi iyo hadduu ... markuu galo wiyiirkooda
Garmaamada hadduu Eexo-soor, galab is weydaarsho
Habeenkaa gawaankii Buqdiyo, gegi hadduu qayto

Guduudane haddii uu misana guuro bahalleeyo
Gabri iyo haddii Hoosasamo gaaxda lagu joojo
Banku waa gariimade haddii, Godanle loo daayo
Haddii laba gadaalkii la diray, gacanta soo taagto
God-Heeliga bannaaniyo haddii, Goolka ka carraabo
Guddoonlaaw iyo Daad hadduu sii gel-gelimaysto.
Guumeys hadduu roob ku heluu galab-carawtiimo
Oo gudaha Yaaheel kolkuu guudka uga meero
Haddii laysu soo galo dad aan laysba garanaynin
Garaad Faarax iyo baydin xiga, guri Qayaadeede
Nimankays gammuunayn jirteen waa guntanayaane
Godobteenna nimankii jeclaa waa guryahan dhow'e
Haddaan Guullahay qaban tashigu, waa horuu go'aye
Maadhiinka goostiyo Shanlaa laysku wada giijey
Maandhoow garbaha yaan la sudhin gacanta mooyaane
Ha gam'ina ninkii gaadh xun, waa lagu gabraartaaye.

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com