Home Gabayo Maqal Abwaan Halqabsi Halxiraale Taariikh

QORAAL

Rogaalkii Xargaga
Ka mabsuudnay
Ammaan Geel
 
 
 
 
 
 
 
Caadleef (HJ)

Abwaan Caadleef, Eebbe ha u naxariistee, wuxuu gabaygan tirshey 1953 kii mar duul Qurjiile ahi ay geel aad u badan ka qaadeen deegaanka Eexo ee degmada Garadag, Sanaag. Duulkii geelaas qaaday waxa lagu gaadhay Xargaga oo Laascaanood dusheeda ah halkaasoo lagu dilay 33 nin geeliina badhkiis dib baa loo soo taabay.  Wuxuu abwaanku ka cadhooday geelii oo badhkiisii kale ay niman la jiciirteen intii lagu dagaallamayey. Wuxuu Caadleef oo aan guushaa dhantaalan ku qancini lee yahay inkastoo raggii geela hungureeyey la galaaftay misna libintii weli waa hayaan mar haddii geel summad Habar Jeclo leh ay xeryahooda ku jiraan. Xargaga waxa mar danbe oo isla waqtigaas ah ka dhici doona dagaal weynihii "Xargaga" ee uu kiiskii Qaraweyne ka ratibmay isla arrintan geelana ku saabsanaa. Gabaygu ma dhamma;

 
Rogaalkii Xargaga waa sidii Ruuga oo kale'e
Guutada sidii Rayfalkii la isku raad gooyey
Markii raasammaal iyo horweyn laysku wada riixay
 
Markay raaboraabaha ahayd siday naq raacayso
Sidii reero geeddiya markay wada rukeyneysey
Ramagramagta goortay candhada ruugga marinaysey
 
Reytoow Markuu baarqabkii ridayey baaruudda
Rasaasta iyo qaylada markuu gadayey reenkeedu
Nin raxaabadkeedii ogaa nabad ma raadsheene
 
Ragannimo hadday geeri tahay adhi ma raacdeene
Ma raanraanbiyeen xoolahaa reedhi loo yahaye
Inkastoo raggoodii ku lumay raacday libintiiye
 
Raaxada nugaaleed ninkii rabayba loo diidye
Toljecluu ramaaskiyo ka badan roobkan Xays helaye
Miyeydnaan rogeyn ceebta waa la iska reebaaye
 Weerar lixaad leh ayaa cuskaday nimankii geela qaaday waxana laga taabay 10 kun oo halaad markaasuu abwaanku gabay kale u noqday (Halkan Riix)
 
 

MAQAL