Q O R A A L

Arday& Macallin

Ninkagaa atorka

Ardaal Nacasa

Ruuxa kaa jari

Magacaygu waa

Hanfiyoow

Nin i luray

 Muxumad Liibaan Jadeer

S. Muuse - HA Nin i luray

Somali Poetry



Gabaygan wuxuu Muxumad tirshey ka dib markuu geel ka dhacay nin Buubaal la odhan jirey oo Reer Liibaan (Sacad Muuse, HA)ahaa. Geelaas wuxu Muxumad ula galay Nuur Xaashi oo ay saaxiib ahaayeen iyo reerkooda. Reerka Nuur Xaashi ka dhashay ayaa ku taliyey in ninkaas geeliisa la dhacay ay iyagu geel u ururiyaan wixii irmaan ahna geela ka celiyaan. Markii arrinkaas dhacay ayuu Muxumad Liibaan tirshey tix aan ka hayno;

Anigu luunka kuma seexan karo, lahanka jiilaale
Luqma looshka haw ururiyeen, nimanka liibaane.
Buubal laxdiisa ha dhaqdee lada u yeedh yeedha.


Waxa dhacday in Ina Jadeer geel kale ka soo dhacay Ciidagale isla markaana laba nin ku dilay markaasa Sacad Muuse tashaday oo yidhaahdeen Ciidagale dagaal iskumaynu ogayn ninkanina wakaa geela soo dhacay ee maxaynu yeelaa kana qaadi kari mayno oo waa nin ba'ane.

Oday adeerkii ahaa iyo innamo uu dhalay odaygu ayaa yidhi habeenkii kolkuu awrka qasho ee uu hilibka ka dhargo ayuu iska furaa toorida iyo waranka hubka uu xidhanyahay ee aynu gaadno wakhtigaa oo aynu qabano. Hadalkii ayaa rag kale kasoo hor jeedsadeen oo yidhaahdeen ninkani waa nin geesiga reerka ah ee qabasho iyo waxaa ula tagi mayno maxayna ku taliyeen inay iyagu geel u ururiyaan mag dhaw ah oo Ciidagale siiyaan . Warkiibuu maqlay oo rag saxiibadii ahaa u sheegeen in odaygii iyo inamadiisii talada qabasho keeneen balse ay ku diideen haldoorkuu yaqaanay ninkani inuu nin halisa yahay.

markaasuu gabaygan tiriyey. wuxuu yidhi muxumad liibaan jadeer.

Nin i luray, nin igu laagsaday kolkuu, rag isku laanjiiday
Iyo nimaan lurkaygana jeclayn, libinna ii diiday
Intaasuu isugu laalanyahay, loolkii ii xigaye
Anigiyo duq lawlawsadaa saw makala laydhsan.

Dabcan ma dhama gabaygu waa intaan ka xasuusto

___________________

Waxa ku deeqay: Fuaad Cumar

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com