Q O R A A L

Arday& Macallin

Ninkagaa atorka

Ardaal Nacasa

Ruuxa kaa jari

Magacaygu waa

Hanfiyoow

Nin i luray

 Muxumad Liibaan Jadeer

S. Muuse - HA Hanfiyoow

Somali Poetry



Gabaygan ina jadeer wuxuu u tiriyey nin ay ilmadeer ahaayen oo la odhan jiray hanfi. Ninkaasi oo uu awr ka dhacay mar hore. Muxumad liibaan jadeer oo ahaa nin geel qaada , kaligii duula, ayaa waxa yarayd reer aanu wax ka dhicin dhalinyaro nimadiisii.muxumad geel iyo xoola badan oo uu dhacay ayuu abasguul kaga doonay gabadh oo uu ula galay. Dabeeto abasguul waxay ku xujeeyeen inuu faraska nuur xaashi oo ahaa faras caan ah uguna dheereeya fardaha deegaamada uu soo dhaco oo u keeno si inanta loo siiyo. Nuur xaashi wuxuu ahaa ina jadeer saaxiibkii. Ina jadeer wuxuu u yimid nuur xaashi markaasuu gabay hoga tusaalayn ah maalintii oo dhan ka ag tirinayey isagoo si sarbeeba ugu sheegaya nimay saxiib yihiin in arin ka soo galay oo ay kalifayso gabadha uu caashaqay iyo xujada lagu xujeeyey. Nuur xaashi koorihii iyo saabaankii ayuu u dhiibay ina jadeer oo uu ku yidhi waar kol hadaad reerka joogto aqalkaan seexane reerka ilaali hadaba caawa waku kaase.

Ina jadeer wuxuu joogaba waa ku dhawaadkii ayuu faraskii la tagay. Nuur xaashi oo ciidan wata ayaa faraskii ka doontay samatar cabdale gaar ahaan ba obo oo ahaa beesha uu ka soo jeedo ina jadeer. Ciidankii oo socda ayaa ku soo baxay faarax guure nin la odhanjiray oo reer samatar ahaa geel badana lahaa. Habeenkii ayuu halkii ugu caano lisay oo lays waraystay. Kolkay u sheegeen inay ba obo u socdaan oo ninkii faraskii ka dhacay, ayuu faarax guure yidhi 15 ka halaad ee magta faraska iyo hal xaala geelaygaa kala soo baxa, hadaad dagaal ugu socotaan beeshaasina anigaba hay dhaafina aniguba samatarbaan ahaye. Halka axmed cabdale nuur xaashi ka yahay faarax guurena ina jadeer waa isku samatar cabdale. Colkii ayaa yidhi ninkani habeen buu inaga xigaa ninka ina dhacay ee ma intaasaynu xeerin waynay. Waxay yidhaahdeen tolkeen shir haysugu yimaado samatar cabdale iyo axmed cabdale dhamaan iyo wixii sacad muuse ah ee aagaa ka dhaw. Sdii baa geedkii laysugu yimid.

Iyadoo geedkii la fadhiyo ayaa waxa soo bidhaamay ina jadeer oo lugaynaya oo kaligii ah oo lagu soo xujeeyey inuu tolkii oo inanta u doona o isku duuban keeno. Kolkasuu nuur xaashi yidhi haduu inaga leexdo ina jadeer kolka uu arko tolkii oo geedka u dhan magtii faraska waanu idinku leenahay reer samatarow hadii uu inoo yimaadana mag idinkuma lihin.

Halkiibuu yimid geedkii. Intaanu fadhiisan ayaa waxa waran kula booday hanfi oo uu awr hore uga dhacay, kolkay isku yara waabiyeen warmihii walahoon hambashta ka dhigi iyo walahoon hambashta ka dhigi ayuu gabaygan hanfi u tiriyey kolku arkay inaanu hanfi kula dhacayn waranka. Kolkii ku xigayna ee la waydiiyey sababta uu tolkii u wada dhacayna gabay buu dabada u qabsaday uu ku tilmaamayo sida uu gabadh uga jeclaaday abaskuul nin xoolo lehna aanu u ahayn dantuna qasabtay inuu dhaco. Isla markaana faraska loogu xujeeyey iyo imika oo xujadu taagantahay tolkaa oo isku duuban oo kuu doona kuuna dhisa keen gabadhii halagu siiyee. Halkiibaa tolkii 100 geela iyo faras iyo qorigii la daba qaaday looguna doonay oo loo siiyay gabadhii. Iyadoo sacad muuse gabi ahaanba aan haani ka maqnayna ay raaceen.

1. Hanfiyoow habkaan kugu jeclahay iyo hadalka nool noole.
2. Hadhina-maysid meel rag isku helay hiil kolkay tahaye
3. Inkastuu halyey-yahay bakhayl waa hal kaa gudhane.
4. Fulaha baqaa haayiraa colaad, kuuma hiil galo'e
5. Hiif hiiftan iyo faana wa lagu yaqiin gole heshiiseede
6. Hilbahaba badhbaa loo qubaa haadda samadaase
7. Haniyahaa la tuuraa wadnaha hoosta kaga yaale.

8. .....

Waxa dhacday hadaba muxumad liibaan jadeer inuu markuu faraska dhacay uu soo tiriyey gabay uu ku tilmaamayo. Sida uu ugu qasbanaaday inuu dhaco tolkii iyo reerka uu ugu jeclaa iyo ninkii ay ugu saaxiibsanaayeen ee nuur xaashi. Iyo inuu tolkii wada dhacay oo aanu kala jeclayn kol haday dhamaantoodba ka tirsanayaan inuu dhacay. Isla markaana reerka uu ka dhashay ee samatar cabdale iyo axmed cabdale inuu ku hoga tusaaleeyo oo ku kala badbaadiyo si aanay isu layn oo faraskaa iskugu laynin wuxuuna kusoo hal qabsanayaa nurr xaashi adeerkii oo xuseen la odhan jiray ahaana odayga beesha. Wuxuu yidhi.

1. Xinjir hayska galo ree Siciid, ama ha xaaleene
2. Xirimoodka haysula baxeen xarradli ceeryoone
3. Xaabaale dooxada sanguhu haysu soo xullo'e
4. Xigto nacay xuseenoow hadaan ree xirsiba waayey.


Dabcan ma dhamaystira gabaygu. Waa inataan ka hayo.

___________________

Waxa ku deeqay: Fuaad Cumar

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com