Muxumad gabaygan wuxuu tiriyay kol
ay dagaal qaadeen isaga iyo rag doorran oo ilmaadeertii ahaa oo geel
qaad tagay. Geelii iyaga oo soo dhacay ayaa waxa dagaalkii lagu dilay
Muxumad walaalkii iyo rag ay ilmadeeryihiin oo dhawra waxaana dilay col
ka daba yimid hayeeshee geelii way lasoo tageen iyaguna rag badan bay
laayeen. Muddo gaaban ka bacdi ayuu arkay mid reerka joogi jiray oo
fulay ahaa oo nin jilayc ahaa oo kambalka tiiraanyaysan oo ka
xasuusanaya ragii dhintay, iyo dumarkii ragii la laayey oo tiiraanyaysan.
Kolkaasuu gabaygan ku dhuftay oo tiriyey.
Haddaan ooyo dumarkaan arkoo wax uma aabayso
Haddaan aamusnaadana qalbigu, ii askummi maayo
Haddaan igadhyo maalana anfaco, ku il samaan maayo
Haddaan ilaxidh seexdana hurdada, aad u ladi maayo.
Inta
badan alleylkoo badh tegey alalad bay dhaafsha
Haddan Eegi dheer fuulo aan, ololo oon reemo
Oon uubateeyana raggii, iigu iman maayo.
Agab ba’ay aleeladaan jid marin, agabar jaan guura
Haddaan timaha oogtaa ka dhigo, adari boodh seexdo
Ardaal nacas ah naaguhuba,
wayska ogolaadaane
Ina adhi jireed iyo mid aan, habartii awr loogin
Aakhiro ragii tagay haddaan, Eebe ka aqoodo
Haddii uun la dayn Nabiyadii, lama idleeyeene
Saw waxaan ilaawaba mid xumi, ima ogeysiiyo
_____________________
Waxa ku deeqay:
Fuaad Cumar
fiiro gaara, fadlan hubiya taariikhda gabyaaga, gabayadan mid ka mida
waxaan ka helay doolo.com oo ku qortay inuu raage ugaas tiriyay balse
waa awawgay ina jadeer isla markaana gabaygiisu ma lumi karo inkastoo
aan iloobi karro tuducyada iyo dhamaystirkaba.
markaa baadha webkaa iyo kuwa kale waxa jirta in gabayo caan ah oo la
yaqaan rag kale loo xambaariyo. isla markaa waxaan idiin soo raaciyey
mansabkii uu u tiriyay iyo asbaabihii taariikheedba. waanan idiin soo
diri doonaa kuwo kale oo badan oon ka dalbay dalkii.
waa gabayga ardaal nacasa ee lagu hoos qoray raage ugaas.